|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Koobkii Ramdaanka oo ka furmay WindsorBy Ahmed Al-matary aamatary@hotmail.com Faafin: Allgedo Online, Oct. 7, 2005 Koobkii Ramdaanka ayaa ka furmay Windsor, Canada maalintii talaadada, halkaas oo ay ka qaybgaleen sanadkaan kooxaha Wagad, Badda, Horseed iyo Jeenyo. Ciyaarta hore ayaa loogu talagalay inay dhexmarto Wagad iyo Badda, laakiin Badda oo aan ku imaan waqtigii la'iska rabay garoonka ayaa dhibcihii la guddoonsiiyay Wagad. Kooxda badda ayaa waxaa abaanduule ka ah Laacibka macruufka ah ee Yaasir, halka uu Badda ka wato Kabtan Yaasiin. Ciyaartii labaad ayaa ahayd mid aad u xiiso leh, waxaana iska hor imaaday kooxaha Jeenyo iyo Horseed, guushiina waxay raacday Jeenyo oo uu hogaamiye u ahaa Yuusuf Jihaad, oo 3-0 ayay ugu xoog sheegteen kooxda Horseed oo uu hogaaminayay Xuseen Faragaab. Haddaba wareegii hore ayaa sidan loo kala taagan yahay:
|
||||||||||||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |