Salaan iga guddooma dhamaan
akhristeyaasha Allgedo:
Waxaan dhawaan ka akhriyay webka
Gedonet, in ay soo daaysay war
sheegaya in Gudoomiye gobal loo
magacaabay gobalka Gedo.
Waxaayna waliba magacaawday
ruuxa loo magacaabay jagadaas,
waa Xuseen Fareey.
Su'aasha aan is weeydiiyay ayaa
waxay tahay:
Yaa magacaabay ruuxan?
Jawaabta aan isa siiyay:
Dowlada ku meel gaarka ah.
Dhibka aay arintan keeni doonta:
isku dhac iyo dhibaato hor leh
oo u timaado beesha SADE.
Sababtuna waa: Shirkii hada lagu
heshii siinayay reer sade
qaarkiis waxaa loo la jeeday in
aan dhibkale iyo dagaal danbe
reeruhu ka dhex qarxin
bulshadana la nabadeeyo. Hadii
arintu sidaas dhabteedu ahaayd,
markii maamul la sameeynayana
waa in sidaas oo kale loo shiraa,
reer sade oo dhana aay doortaan
cidii maamul u qaban lahaayd,
ayadoo la kala qoranayo sida wax
loo maa mulayo, laguna dhisayo
habka awood qaaybsiga ku dhisan.
Waxaan mar walbaba habooneen in
qof ama lababa loo maga caabo
jogo beesha ka dhexeeysa, waa
hadii nabad laga doonayo
arintaas ayada ahi.
Sida aay soo xigatay warka ka
soo yeeray Gedonet, magacaabista
gudoomiyaha Gobalka Gedo, ma aha
mid ka timid ama aay u
dhanyihiin beelaha SADE, ee waa
mid laba arimood mid kood ka
timid:
1. In lagu kala dilo beelaha
SADE, oo owalba is uur cunay
2. In aay aqooni meesha dhaafin
weeyday, oo fakarka ruuxa ama
kooxda qortay warka ay ku eg
tahay arinta.
Mid walba oo ka mid ah labadaas
qodobba, beesha SADE dani uguma
jirto, waana u aragti gaabi
hadii aay ka hadli waayaan
wararka sidaas oo kale loogu
kala fogeeynaya beesha, Waa
moqoorad xumi ka timid wax
magaratada ka dhalatay beesha,
waana in aay taliso maskaxda
fiyoow ee toosinkarta dadka kala
fogaaday ee walaalaha ah.
Tani ma aha tii ugu horeeysay ee
dhacda ee la iis magacaabo, ama
iidheh la iis yiraahdo. Beeshu
waa u simantahay dhib iyo
dheefba, wax aan beesha oo dhan
go,aan sanina beesha laguma
maamuli karo, hadii la yeelana
fashil aan qurxooneen ayaa ka
imanaya.
Xuseen Fareey, haduu saaxibo ku
leeyahay meelo badan, sida
doowlada ku meel gaarka ah,
dibada, iyo qaraabo hoose oo u
hoowlgasha magacaabistiisa, waa
in aay ka soo dhaadhiciyaan
beesha SADE, doorashana uu uga
guuleeysto musharixiin badan oo
beelaha kale ee beesha DADE aay
soo sharax deen. Isaguna waa in
aay beeshiisu soo sharaxdo.
Markii Shir loo dhan yahay, lagu
doorto, waxaa u suurtoobaya in
uu hoowsha loo dhiibay guto,
hadii kale waa af ka dheh,
dhadhanna ma yeelaneeyso.
Sida uu qof ku qaban karo jaga
sidaas oo kale beesha wax tar u
leh, waa in aay beeshu tartan
siisaa RAG iyo DUMAR tiro ah, oo
mid walba la eego wax qabadka uu
u hayo beesha iyo inta
aqoontiisa gaarsiisantahay. Ka
dib, markii la tartansiiyo
tiradaas dadka maamul doonka ah
ee ka lala yimid beelaha SADE,
ayaay beeshu aqbaleeysaa ruuxa
ugu dhaw buuxinta doonitaanka
beesha. Ruuxaas ayaana meesha
loo maga caabayaa:Waa jago kasta
oo u dhexeeysa beesha SADE.
Sida beeshu u gudoonsaneeyso
cida xuleeysa, ama kala
saareeysa tartama yaasha, waa in
aay ku dhisnaato habka awood
qeeybsiga beesha SADE. Ma fiicna
in hal beel hooseed ama beelo
isku dhawdhaw kaligood aay
dhinac ula leexdaan hoowshaas
beesha oo dhan leedahay.
Tusaale:
Tartama-yaasha waxay ka
imankaraan beelaha:
1. Uurmidig
2. Reer Abkeey Xasan
3. Wagar Dhac
4. Raadamiir
5. Talxe
6. Hoowraarsame, iyo sida kale ee ay hadba isu raaci karaan.
Hadii lasii kala qaad-qaado
lafteeda dhib ma leh, waa arin
ay gudoonsan karaan dadka
hoowsha doorashada sameeynaya,
ama odayaasha dhaqanka iyo
dhalshada beesha aad u yaqaan.
Gebo gebo:
Aniga warkeeyga waa iga tusmeeyn:
ma jiro cid dooran karta ama
maga caabi karta maamul umadi
aay wada leedahay. ma jirto beel
beel ka xoog roon oo afduubi
karta waxa aay xaqa u leedahay,
taasna waxaa tusaale ugu filan,
14kii sano ee doowlad la aanta.
Hal beel hoose Gedo ma
xukumeeysa, hadii ay isku
daydana waa khasaare u timid
beesha sade oo dhan. Waa in laga
dig toonaado talaabooyinka
noocaas oo kale ah.
Qofkii u baahan in uu igala
hadlo arrintaan, diyaar baan u
ahay ee fadlan taladaada ama
wixii su'aal ah ee aad ka qabto
qoraalkaan iigu soo aadi email
address-keyga oo ah:
asanturams@hotmail.com
Wabilaahi toowfiiq.
Cabdirashiid M. Santur
Fariinta uu wato qoraalka sare
waxay gaar u tahay qoraha uu
magaciisa sare ku qoran yahay.