HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! Sport, Saturday,  Oct. 8,  2005

Kooxaha kubadda Cagta ee Ghana, Angola, Togo iyo Ivory Coast oo wacdaro dhigay!     

By Ahmed Al-matary
aamatary@hotmail.com
Faafin: Allgedo Online, Oct. 8, 2005
_______________________________


Kooxaha kubadda Cagta ee Ghana, Angola, Togo iyo Ivory Coast ayaa afar ka mid ah shantii kursi oo afrikaanka loogu talagalay Koobka dduunka xayuubsaday. Waxaa la yaableh 4taas kooxoodba waa markii ugu horoysay oo ay koobka adduunka usoo baxaan. Haddaba shalayto ayaa ahayd meel taariikhi ah koobka adduunka gaar ahaan qaaradda madoow ee Afrika. 

Ivory Coast ayaa waxay kusoo baxday si mucjiso ah (Soccer Miracle), kooxda macruufka ah ee Cameron ayaa kooxdaas ku hogaaminaysay 20 dhibcood halka ay Ivory Caost ka haysatay 19 dhibcood, Cameron ayaa waxay la ciyaartay Egypt, isla saacaddaas ayaa Ivory Coast la ciyaaraysay Sudan. Haddaba Cameron ayaa waxay ku ciyaaraysay gurigeeda waxaana laga rabay inay rayso si aysan xisaabaad u gelin oo toos u aado Jarmalka.

Ciyaartaas ayaa waxay ku bilaabatay jawi aad u cabsi badan oo reer Cameron ayaa waxay ka cabsanayeen Egypt oo iyadu weligeed cuqdad ku ah, kooxda masaarida ayaan wax (pressure) ah saarnayn oo iyagu rajo malahyn laakiin taariikh uun bay u ciyaarayeen. Haddaba ciyaarta daqiiqadihii hore ayaa Cameron gool kaga naxsatay masaarida, laakiin masaaridu saas kuma aamusine hujuum ayay qaadeen oo difaacii ay ku jireen way bedeleen, halkaasna gool waadix ah ayay iska cuneen. Ciyaarta ayaa gelinkeedii hore sidaas ku dhamaatay.

Runtii haddaad ciyaarta fiirsatid waxaad umalynaysaa in Masaaridu ay ka khibrad badnaayeen reer Cameron, sababtoo ah aad ayay khadka dhexe u hayteen, man to man ayayna ciyaarayeen, goysmadii lagu yiqiin reer Cameronna, masaaridaaba la wareegtay. waxaad is oronaysaa ma istaahilaan inay koobka adduunka ka haraan masaaridu. Gelinkii dambe ayaa sidii kusii socday, cameron oo sidii ingiriiska u ciyaaraysa oo kubado kore soo laadaysa, ayaa Masaariduna sidii Brazil u ciyaaraysay oo kubad kasta intay dejiyaan ayay one two ciyaarayeen.  

Daqiiqdihii dambe ayaa weerar lagu qaaday cameron, kubad soo noqotay ayaa madaxa lagu celiyay, markaas ayay reer Cameron gacanta taageen inay Offsite tahay, laakiin laacibka Showqi oo isagu dhegta u dhigin gacan taagooda ayaa kubadda madaxa ku xireeyay oo goolkii barbardhaca keenay. Waqtigii runta ahaa wuu dhamaaday, reer Cameron waxaa kasoo haray argagax iyo amankaag oo way filanwaayeen sheekadu halkay ka dhacayso, haddaba Garsooraha afrikaanka ah oo loogu yeero Koolabaali ayaa isagu is yiri u naxariiso dadwaynahaan ku dhow 100,000 oo qof, halkaas ayuu 5tii daqiiqo oo lagu daray weliba daqiiqadii ugu dambaysay u dhigay rigoore aad shaki ugu jiray, laakiin xaqqu ma qarsoomee laacibka #3 oo reer Cameron ayaa birta ku dhuftay oo iska cunay rigoorihii hadiyadda ahaa, halkaasna ciyaartii ayaa ku dhamaatay Egypt iyo Cameron way isla baxeen kaddib markii, Garoonka gudihiisa lagaga dhaqaaqay in Ivory Coast ka guulaysatay Sudan halkaasna ku heshay 22 dhibcood halka ay Cameron 21 ku hartay.

Kooxaha kale Togo oo iyada barbardhacu ku filnaa ayaan intaas ku ekaan oo waxay ka guulaysatay Rawanda 1-0, halkaasna waxaa ku hartay kooxdii macruufka ahayd ee Senegal. Sidoo kale Angola ayaa waxay ka guulaysatay Congo 3-2, waxay iyaduna la hartay J J Okasha iyo kooxdiisii Nigeria oo iyadu inakstoo ay isla dhibcaha Angola heshay, laakiin qaynuunka ayaa dhigaya haddaad isku dhibca noqotaan waxaa la fiirinayaa ciyaarihii din dhexmaray, taasoo ANgola ay halmar raysay hal marna ay barbardhac noqdeen. Ghana oo aan akhristayaasha qiimaha lehoow  horay isiinku sheegay ayaa iyadu si xarago leh 4-0 uga guulaysatay CapeVerd Island, horay ayaan waxaan idiin iri qofkii ciyaar wanaag raba Ghana ha u rajeeyo inay usoo baxdo koobka adduunka, haddaba anigoo kamid ahaa dadka aad rajad uga lahaa kooxdaas fanaaniinta ah , oo haddii aanan ka badbadinayn is dhihi kara Brazil iyo Argentin waxba kama dhacdo ayaan leeyahay isha ku haya kooxdaas, laacibiin qarsoon oo Essien iyo Appiah ka heersareeya ayaad arki doontaan marka ha u daymo la'aanina.

Ciyaartooyga Ghana: Goodwin Atram, Sanni Mohammed, Sammy Adjei, Dan Coleman, Yusif Chibsa, Issa Ahmed, Hamza Mohammed, Dramani Aminu, Azziz Ansah, Eric Gawu, Kwadwo Poku, Baffour Gyan, Asamoah Gyan, Kofi Amponsa, John Mensah, John Paintsil, Laryea Kingston, Baba Amando, Adamu Frimbong, Sulay Muntari, Michael Essien, Stephen Appiah, Matthew Amoah, Yakubu Abubakar and Dan Adusei.

Morocco iyo Tunis ayaa habeenimada Sabtida la sugayaa inay ciyaar geeri iyo nolo ah dhex marto. Halkaan ALLGEDO kala soco natiijada. Masawirka dhinaca midig ka muuqda waa laacibka Essien ee reer Ghana oo macruufka ah una ciyaara Chelsea.




allgedo@allgedo.com
 

 

 

 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com