Tunis 2 Moroccco 2
By Ahmed Al-matary
aamatary@hotmail.com
Faafin: Allgedo Online, Oct. 9, 2005
______________________________
Kaddib markii ciyaar adag oo la isu xoog sheegtay ay ku dhex martay labada waddan Malcabka Tunis, ayaa waxaa la isla dhaafi waayay 2-2, laakiin ciyaarta ayaa inteeda badan Moroco cadcadayd oo laba jeer ayay ku hormartay Gool. Ciyaarta bilowgeediiba Morocco ayaa gool qurux badan dhashatay, laakiin isla gelinkii hore bartamihiisa ayaa Tunis rigoore shaki ku jiro loo dhigay, laacibka Clayton ayaa goolkaas xireeyay, Morocco ma aysan joogsane gool kale ayuu dhashtay laacibka Qarquuri, gelinkii hore ayaa intaas ku dhamaadat 2-1.
Gelinkii dambe ciyaartu waxay ka bixi wayday "Fouls" khaladaad laacibiintu isku gelayeen, Daqiiqada 69aad ayay kubbad lasoo karoosay ay difaaca Morocoo si khald ah goolkoodaa ugu hubsadeen.
Haddaba laacibka Aljaziri oo Tunisiyaanka ah , ahna ninka ugu xariifsan ayaa isagu ka fii'idaystay Garsooraha, laacibka Morocco #14 ayaa isugu horay Jaalle ugu qaatay ALjaziri, ALjaziri oo ogsoon Jaalahaas ayaa beenbeen dhulka isugu tuuray si jaalle labaad loo siiyo #14, Garsooruhuna wuu rumaystay oo Jaallo ayuu ku taagay, taasoo macnaheedu tahay Guduud, halkaas ayay Morocco 10 nin ku ciyaareen intii dambe, Morocco sidaas kuma aysan harina naftooday dul dhigeen oo weerar cir iyo dhul ah ayay qaadeen, laakiin nasiib darro sidaas ayay ku dhamaatay ciyaartii. Sababta aan uleeyahay nassib darro waa: Morocco oo runtii aan istaahilin in sidaas ay ku harto, oo si fiicanna uga heer saraysay Tunis, iyadoo weliba gurigooda aan ku ciyaarayn.
Haddaba halkaas Afrikaankoo dhan way dhamaysteen ciyaarahoodii , sidii aan horayba u sheegnay 5tii afrika way soo wada baxeen iyagoo kala ah: Ivory Coast (Co't Divour), Angola, Togo, Ghana iyo Tunis.