By Ahmed Al-matary
aamatary@hotmail.com
Faafin: Allgedo Online, Oct. 9, 2005
______________________________
Ciyaarihii koobka addunka ayaa Holland waxay khidmad wayn u samaysay kooxo kale oo England ka mid tahay.
Haddaba kooxda holland ayaa 2-0 uga adkaatay kooxda Czech Republic. Taasoo keentay in kooxaha ku kartamay booska labaad, oo laba ka mid ah loo rabay inay usoo baxaan koobka adduunka, ay ka faa'iidaystaan gaar ahaan England oo iyaduna 1-0 Austria uga adkaatay gaartayna 22 dhibcood hubsatayna inay ugu yaraan booska labaad ahaan usoo baxayso, sidoo kale Croatia ayaa iyaduna 23 dhibcood gaartay, waxaa kaloo ka faa'iidaystay Poland oo iyadu aanba ciyaarin sabtidan laakiin haysata 24 dhibcood, Portugal iyo Talyaanigu iyagu muran la'aan ayay soo baxeen kaddib markii ay #1 ka noqdeen kooxahooda.
Lix kale ayaa weli hartay ee halkaan kala soco wixii soo kordha.
allgedo@allgedo.com