|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Sida ay in badan oo naga mid ah ogtahayba, dhawaan waxaa magaalada Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo laga furay Dugsi Sare, haddaba Allgedo waxaa u suurta gashay in ay wareysi dhinacyo badan taabanayo amuurtaas kala yeelato mudane Cumar Sh Maxamud Sh. Cabdullahi oo ah madaxa qaban-qaabiye-yaashii mashruucaas aflaxay oo ah in ay maanta Ceel-Cade Dugsi Sare yeelato, wareysigiina waxuu u dhacay sidaan:
Allgedo: Cumar Yare, kusoo dhawow Shabakadda war baahinta Allgedo Online. Cumar: Waan dhawahay. Allgedo: Waxaan la soconaa in dugsi sare oo casri ah laga dhisay degamada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, wax ma nooga sheegi kartaa hirgelinta mashruucaan iyo waxa xilligaan keenay baahidiisa? Cumar: Allgedo, aad baad ugu mahadsan tihiin fursaddaan aad i siiseen. Waa jirtaa, sida aad sheegtayba waxaa bishaan Oktoobar 1-dii, 2005 Degmada Ceel-Cadde laga furay Dugsi Sare. Walaal Sidaad la socotaanba muddadii ay socdeen dagaalada sokeeye, Ceel-Cadde waxay degaan u noqotay dad badn oo nabadgelyo biday, dad ahaan iyo degaan ahaana aad ayey u korortay, waxaana abuurmay baahi badan oo xagga adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka. Haddaba, maadaama ay degmadu lahayd waxbarshadii Hoose/Dhexe, isla markaasna ay jiraan ardday badan oo dhammaysay fasalka sideedaad, waayeyna meel ay waxbarashoodii ku sii wataan ayey lagama maarmaan noqotay in loo abuuro fursad ay waxbarashadooda ku sii wataan. Allgedo: Yaa idinka gacan qabatay kharshka dhismaha dugsigaan oo aan filayo in ay la gashay haniti aan yarayn? Cumar: Dugsigaan oo qaab casri ah u dhisan, kana kooban 7 qol oo waaweyn oo loogu tala galay 4 fasal, xafiis, maktabad, iyo qol kobiyuutar waxaa lagu hirgeliyey lacag dhan $41,000.00 (afartan iyo kow kun oo Dollar), waxaana kharashkaan baxshay jaaliyada dibadda ee reer Ceel-Cadde iyo kuwa gudaha. Ma jiraan haba yaraatee cid kale oo gaacan ka gaysatay mashruucaan. Alla mahadii, dadaalkani wuxuu ku yimid isku tashi ay bulshadu samaysay iyagoo garowsaday in aanay cidna wax ka sugin oo ay qabsadaan wixii awoodooda ah. Mashruucaan kaliya ma aha ee Jaaliyadda dibadda ee reer Ceel-Cadde waxay horay uga qayb qaateen hirgelinta dhismaha Isbitaalka degmada, dhisme masaajid iyo socodsiinta qayb ka mid ah Dugsiga Hoose/dhexe oo ay weli gacanta ku hayaan. Haddii alla idmo, waxaa kaloo noo qorshaysan in mashaariic kale laga fuliyo degmada. Allgedo: Mar haddii aad ku guulaysateen dhismihii Dugsiga Sare, sidee rabtaan in aad u socodsiisaan? Cumar: Waa su’aal fiican oo dugsiga dhimishiisa waxaa ka hawl badan socodsiintiisa. Hadda Dugsigii wuu furmay, waxaana fariisatay oo lagu furay ilaa 30 ardday iyo laba macallin oo midkood laga keenay dal kale ahna macallin Jaamici ah. Waxaa na horyaal dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin joogtaynta mushaarka macallimiinta iyo kor u qaadidda tayadooda. Waxaa kalooo lagama maarmaan ah in la helo manhaj taya leh oo la aqoonsan yahay, welina arrintaan meel ma aannan dhigin balse dhawaan ayaa go’aan laga qaadan doonaa. Xagga mushaarka macallimiinta meel ayaan dhignay oo waxaa inta badan bixin doona jaaliyadda dibadda, sidoo kale waxaa waaliddiinta ciddii awoodda la saari doonaa xoogaa khidmad ah. Waxaa kaloo xusid mudan in aan balanqaad ka helnnay Ururla yiraahdo SANA oo ay ku midoobeen aqoonyahanno iyo ardday Jaamicadeed ee Waqooyiga Ameerka in ay gacan ka gaysan doonaan arrimaha mushaarka macallimiinta. Hawlaha kale ee na horyaal waxaa ka mid ah sidaan u qalabayn lahayn maktabadda iyo laabka kombiyuutarka si arddaydu u hesho waxbarasho la jaanqaadi karta teknoolajiyada casriga ah ee maanta la adeegsanayo. Allgedo: Waxaan la soconaa intii uu Gobolka Gedo ku jiray bur-burka dagaalada sokeeye, gaar ahaan kuwii sida gaarka ah ay isaga hor yimaadeen bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo in aanay ka qeyb qaaan bulshada rer Ceel-cadde, balse ay marar fara badan ku dadaalayeen sidii ay u marti gelin lahaayeen gogol nabadeed oo ay ku dhex-dhexaadinayaan walaalahooda kale, arrintaas iyada wax manooga sheegi kartaa? Cumar: Runtii muddo dheer ayaan gobolka soo moogaa, waxyaaba badanna maqal ayey igu yihiin balse waa xaqiiq in dagaala ehli ah oo aad u foolxun ay gobolka ka dhaceen. Dadka walaalaha ah wax isnabadgeliyey way yaraayeen, waxaa kaloo yaraa inta si daacadnimo ah isugu dayday joojinta dhiigga daadanaya, intii yarayd ee u quntayna waaba lagu eedeeyey. Ceel-Cadde waxay ka mid tahay meelaha fara ku tiriska ah ee aan dhiig Islaam iyo mid kalaba lagu daadin muddadii dagaalada sookeeye socdeen, arrintaan mahaddeeda alla ka sokow waxaa iska lahaa odayaasha, waxgaradka, iyo hoggaanka dadka oo ahaa mid ku shaqeeya dhaqanka toosan ee Islaamka. Wax badan hadda ma doonayo in aan ka iraahdo guushii laga gaaray shirweynihii nabadda ee lagu qabtay degmada Ceel-Cadde, waayo waa wax dadku wada ogyahay taariikhduna qori doonta. Allgedo: Cumar, adinku haddii aad tihiin rer Ceel-Cadde waxay in badani la socotaa in kaddib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay 1991-kii aad ku talaabsateen horumar dhinacyo badan leh sida dhinacyada Nabad-gelyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarinta arrimaha bulshada. Sidoo kalena, waxaan ognahay in magaalada Ceel-Cadde ee intaasoo horumar ah ee la taaban karo ku talaabsatay mudadaas ay Gobolka Gedo colaadaha ka socdeen aanayba horay u aheyn Degmo, marka soo lama oran karo haddii iminka uu dalka Soomaaliya ka hirgalo nidaamka Federalismka ah, Ceel Cadde waxay ka mid noqon doontaa Degmooyinka Gobolka Gedo uu leeyahay kuwa ugu horeeya marka dhinac kasta laga eego? Cumar: Aden, horumar weyn oo hadda la buunbuuniyo meesha kama jiro waxayna degmadu dhinacya badan kala mid tahay gobolka intiisa kale. Dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha Waxbarashada, iyo caafimaadka horumar la taaban kara ayey degmadu ku talaabsatay. Waa runtaa oo xilligii ay dawladda Soomaaliya burburtay Ceel-Cadde waxay ugu suntanayd in ay tahay tuulo, hase yeeshee maanta iyo xilligaas farqi weyn ayaa u dhexeeya markii dhinacya badan laga fiiriyo mana jiraan wax aan isbeddel samayn oo meeshooda un iska taagnaada, wax kasta nusqaan ama kororsiimo ayey yeeshaan. Ceel-Cadde waxay ka mid tahy degaanada fiday dad ahaan iyo dhismo ahaanba, waxaana maanta u dhammaystiran dhammaan shuruudihii degmo ay ku noqon lahayd. Sidaad maanta ogtihiinba degmo iska daaye waxaa Soomaaliya ka abuurmay gobola cusub, waxaana saas gartay dadkii u dhashay kaddib markii ay horumar ka sameeyeen. Anigu waxaan aamminsanahay in ay kordhaan degmooyinka gobolku maaddaama gobolku yahay mid baaxad weyn, dadkiisa ayaana xaq u leh jaangoyntiisa iyo masiirkiisaba. Allgedo: Cumar Yare, ma xuma in ay degmada Ceel Cade Dugsi Sare yeelato oo waa talaabo horumr leh oo mudan in lagu farxo, balse dad badan baa markii ay arkeen juhdiga weyn ee aad gelisay adigu sidii ay Ceel-cade u yeelan laheyd Dugsi Sare ayaa waxay yiraahdeen, "Cumar Yare waxuu ahaa Governor-kii ugu danbeeyay ee ay yeelato Gedo, nin heer Qaran ah bayna dad badan u arkayeen ee looma arkeyn in uu si gaar ah Dugsi Sare ugu raadiyo Degmada uu kasoo jeedo ee Ceel Cade", marka maxaad adiga arrintaas ka leedahay? Cumar: Horta qaran meeshuu ku dambeeyey waad ogtihiin, qofkii maanta sheegta oo isagu isu haysta in mustawihiisu heer qaran yahay waa ila khalddan yahay. Waxaa habboon in qof kasta waxa uu qaban karo uusan hagran. Anigu mar walbba waxaan aamminsanaa iskuna dayi jiray in aan u olaleeyo heer gobol, haseyeeshee waxaa ii soo baxday in aan laf cad toobin ku hayo. Sanadihii 1999 iyo 2000 ayaa koox yar oo aan ka mid ahay waxaan u kaba gashanay isukeenida iyo wacyigelinta jaaliyadda dibadda ee reer Sade, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Ameerika. Hadafkayagu wuxuu ahaa in aan dadka ku baraarujinno sidii ay ugu midoobi lahaayeen waxqabadka degaanadodii gudaha oo xilligaas dayac iyo dib u dhac weyn ku sugnaa gaar ahaan horumarinta waxbarshada, caafimaadka, biyaha, iyo maamulka. Isku day badan iyo safara dhowr ah oo aan ku tagnay gobola kala duwan waxaan kala kulannay niyad jab iyo raja xumo weyn, waxaana ogaanay dadku in aanay diyaar u ahayn danta aan wadnnay. Markaa kaddib ayaan isweyddiiyey meesha aan wax ka qaban karo waxaana ii sawirmay bal in aan hoos u dhaadhaco oo aan ka soo bilaabo tuuladii aan ka imid. Ma aha in arrintaani iga mancinayso wixii kale ee aan ka gaysan karo horumarka gobolka intiisa kale, balse dhiirigelin weyn ayey i siinaysaa. Tijaabadaan aan samaynay waxay dhiirigelin u noqon kartaa jaaliyadda dibadda oo aan kula talinayo haddii aanay wax kale geysan karin, koox kasta ha isku daydo sidii ay u horumarin lahayd tuuladii ay ka timid markaas ayaan guud ahaan gobolka hormarin karnnaa. Allgedo: Guud ahaan sideed u aragtaa arrimha horumarka ee Gobolka Gedo, gaar ahaan xagga waxbarashada? Cumar: Waa wax laga xumaado heerka maanta gobolku ka marayo xagga hurmarka markii loo fiiriyo gobollada kale ee dalka. Waxaan la garaysan karin degmooyinkii qaddiimka ahaa ee gobolka qaarkood in aysan wax waxbarsha ahba ka jirin, ubadkoodiina ay noqdeen qaar suuq joog ah iyo qaar maleeshiyo laga dhigtay oo adeega qabqablle dagaal oo aan mustaqbalkooda dan ka lahayn. Nabadgelya xumo iyo colaad sokeeye oo ku baahday qayba badan oo gobolka ka mid ah ayaa iyana waxay keentay in hayadaha caalamka oo awalbba wax qabashadoodu yarayd ay ka maagaan imaashaha gobolka. Sidoo kale maamul la’aanta iyo hoggaan xumidu waxay keentay in la waayo cid u xil qabta gobolka oo qorshe horumarineed ka fikirta. Arrimahaan oo dhan waxay gobolka u keeneen dib u dhac weyn. Allgedo: Ugu dambbayntii maxaad kula dardaarmi lahayd bulshada gobolka? Cumar: Midnimo iyo isku tashi ayaan kula dardaarmi lahaa. Jaaliyadda dibadda ee gobolka ku abtirsata, waxaan u soo jeedinayaa in ay u midoobaan sidii ay uga qaybgeli lahaayeen hurumarinta gobolka, gaar ahaan in la nooleeyo oo culays la saaro arrimaha waxbarshada. Marna yaan la sugin in cid kale wax kuu qabato. Waxaad ogtihiin in gobola badan oo dalka ka mid ah ay gaareen horumar weyn, waxaana sababteeda inta badan iska leh dadaalka dadkooda qurbbaha ku nool, marka inta aan Alle aamino aan awooddeena ku tashanno. Allgedo: Cumar waad mahadsan tahay. Cumar: Adinkaa mudan.
|
|||||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |