HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

Waa warbixin la xariirta magaalada Caabudwaaq iyo muuqaalo masawiro cusub oo maanta laga soo diray Caabudwaaq

 

June 5, 2004

Magaalada Caabudwaaq waa magaalo facweyn oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, xuduudna la leh Dalka Ethiopia.  Markii aad eegto isbar-bardhigga dhinacyada horumarineed ee ay magaaladu ku talaabsatay mudadii dhowr iyo tobanka sano aheyd ee ay Soomaaliya dowlad la'aanta aheyd, waxaa la dhihi karaa magaalada waxyaabo badan iskama bedelin sida dhinacyada: Iskuulada iyo horumarka kale ee ijtimaaciga ah.  Haddana sidaas oo ay tahay, magaaladu halkeedii hore ma joogto oo waxaad arki kartaa in ay jiraan waxoogaa isbedelo dhinacyada dhismaha, ganacsiga yar-yar, isgaarsiinta iyo shirkadaha gaarka ah ee ka howl gala magaaladaas Caabudwaaq oo ayagu kusoo badanaya mudooyinkaan danbe. 

Magaaladu waxay ku taalaa sidaan horayba usoo sheegnay xuduuda Somaliya iyo Ethiopia, waxayna ganacsi la leedahay Gudaha Ethiopia sida: Wardheer, wal-waal, Dhaqayaboor, Qaloocan, Ceel-dheer, magaalooyin ku yaala waqooyiga Soomaaliya, Waqooyi Bari Soomaaliya, Gobolada dhexe, Hiiraan iyo Muqdisho.  Dhinaca kaliya ee la oran karo magaalada Caabudwaaq way kaga danbeysaa magaalooyinka kale ayaa ah ayada oo aanay u hagar bixin maalqabeenadii iyo aqoonyahanadii u dhashay deegaankaas, kuwaas oo inta badan ku sugan dibadaha iyo koofurta Soomaaliya.  Waxaa xaqiiqo ah, haddii ay maalqabeenada iyo aqoonyahanada u dhashay deegaankaas ay ama dib ugu soo laaban lahaayeen ama maal gashan lahaayen dhulkaas, in maanta laga dareemi lahaa Caabudwaaq iyo deegaanada ku dhow oo dhan horumar lixaad leh oo aan waxba ka hooseynin kuwa Soomaaliya ee kale ee maanta la oran karo horumar bay gaareen.

Ugu danbeyntii, bal si dadkii ay mudada dheer ugu danbeysay magaalada Caabudwaaq iyo kuwa aan weligood arkinba ugu kuurgalaan magaaladaas Caabudwaaq iyo dhaq-dhaqaaqyada horumarineed ee ka socda, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa masawiro dhowr ah oo dhamaantood laga soo qaaday Magaalada Caabudwaaq.


Masawirada Caabudwaaq laga soo qaaday si aad u aragto [Riix halkan]


Siciid Maxamed Cali (Qodax)
Caabudwaaq, Soomaaliya
sqodax10@hotmail.com



allgedo@allgedo.com

 




 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com