HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
Waa dhismaha Dahabshil
Global - Bank of Somalia/Abudwak



Qeybta lacag bixinta ee Abudwak/Somalia



waa magaalada Abudwak oo dusha laga sawiray


Waa qol ka mid bacadlaha Abudwak/Somalia



Qol ka mid ah bacadlaha Abudwak/Somalia


Daaf ama dhinac laga sawiray magaalada Abudwak/Somalia oo muujinaaya ciida dabiiciga ah ee dhulka iyo dhismeyaalba


Mishiinka Isgaarsiinta ee Magaalada Abudwak ku yaala oo dusha laga sawiray


Dhisme ay ka dhex muuqdaan Saxanka qabashada iyo diridda adeegsiga Isgaarsiinta (Dish) iyo baabuur.



 

Waa warbixin la xariirta magaalada Caabudwaaq iyo isbedeladii ku dhacay wixii ka danbeysay Qaranjabkii Soomaaliya

 

May 27, 2004

Magaalada Caabudwaaq waa magaalo facweyn oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, xuduudna la leh Dalka Ethiopia.  Markii aad eegto isbar-bardhigga dhinacyada horumarineed ee ay magaaladu ku talaabsatay mudadii dhowr iyo tobanka sano aheyd ee ay Soomaaliya dowlad la'aanta aheyd, waxaa la dhihi karaa magaalada waxyaabo badan iskama bedelin sida dhinacyada: Iskuulada iyo horumarka kale ee ijtimaaciga ah.  Haddana sidaas oo ay tahay, magaaladu halkeedii hore ma joogto oo waxaad arki kartaa in ay jiraan waxoogaa isbedelo dhinacyada dhismaha, ganacsiga yar-yar, isgaarsiinta iyo shirkadaha gaarka ah ee ka howl gala magaaladaas Caabudwaaq oo ayagu kusoo badanaya mudooyinkaan danbe. 

Magaaladu waxay ku taalaa sidaan horayba usoo sheegnay xuduuda Somaliya iyo Ethiopia, waxayna ganacsi la leedahay Gudaha Ethiopia sida: Wardheer, wal-waal, Dhaqayaboor, Qaloocan, Ceel-dheer, magaalooyin ku yaala waqooyiga Soomaaliya, Waqooyi Bari Soomaaliya, Gobolada dhexe, Hiiraan iyo Muqdisho.  Dhinaca kaliya ee la oran karo magaalada Caabudwaaq way kaga danbeysaa magaalooyinka kale ayaa ah ayada oo aanay u hagar bixin maalqabeenadii iyo aqoonyahanadii u dhashay deegaankaas, kuwaas oo inta badan ku sugan dibadaha iyo koofurta Soomaaliya.  Waxaa xaqiiqo ah, haddii ay maalqabeenada iyo aqoonyahanada u dhashay deegaankaas ay ama dib ugu soo laaban lahaayeen ama maal gashan lahaayen dhulkaas, in maanta laga dareemi lahaa Caabudwaaq iyo deegaanada ku dhow oo dhan horumar lixaad leh oo aan waxba ka hooseynin kuwa Soomaaliya ee kale ee maanta la oran karo horumar bay gaareen.

Ugu danbeyntii, bal si dadkii ay mudada dheer ugu danbeysay magaalada Caabudwaaq iyo kuwa aan weligood arkinba ugu kuurgalaan magaaladaas Caabudwaaq iyo dhaq-dhaqaaqyada horumarineed ee ka socda, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa masawiro dhowr ah oo dhamaantood laga soo qaaday Magaalada Caabudwaaq.

 


Siciid Maxamed Cali (Qodax)
Caabudwaaq, Soomaaliya
sqodax10@hotmail.com



allgedo@allgedo.com

 




 

 

 

 

Dhalinyaro dhextaagan qeybta sarifka lacagaha (money exchange) ee magaalada Abudwak/Somalia

Waa dhalinyaro saf ugu jirta qeybta lacag bixinta ee magaalada Abudwak/Somalia


Qeyb ka mid ah magaalada Abudwak oo dusha laga sawiray



Qeyb ka mid ah bacadlaha Abudwak/Somalia



Waa masjidka weyn ee magaalada Abudwak/Somalia


Siciid Maxamed Cali "Qodax", wariyaha Allgedo Online oo fadhiya qolka Isgaarsiinta ee uu ku shaqeeyo dhexdiisa ee magaalada Abudwak/Somalia


Waa Dalsan Bank of Somalia - Abudwak


 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com