|
|
|
Ogeysiis muhiim ah oo ku socda akhristeyaasha Allgedo
Online |
|
May 26, 2004
Sida la wada ogsoon yahayba bishaan May 8, 2004 waxaa magaalada
Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ka dhacay dagaal ay iskaga horyimaadeen laba
kooxood oo labadaba horay uga wada tirsanaa SNF/SRRC. Dagaalkaas
Beled Xaawo ka dhacay waxuu qasaare balaaran usoo jiiday bulshadii
Soolmaaliyeed ee magaaladaas ku dhaqnaa iyo kuwii ku noolaa baadiyaha
magaaladaasba.
Sida la wada ogsoon yahay, dhibaatada magaaladaas soo gaartay way culus
tahay, waxaana ugu darnaa gubashadii la gubay suuqii weynaa ee wax laga
gadan jiray ee magaaldada Beled Xaawo, Isbitaalkii Beled Xaawo iyo
guryaha qaarkood oo uu dab qabsaday. Magaalada waxaa ka baxay oo
naftooda ugala cararay dad fara badan oo ayagu ku bara kacay dagaalkaas
mecno darida ah ilaa iyo haddana ku dhibaateysan xuduudaha saddexda
wadan ee Somalia, Kenya iyo Ethipia.
Sida caadada ahba, markii ay goobi ka dhacaan waxyaabo masiibooyin ah
sida: Colaadaha, abaaraha, dhulgariirada, dabeylaha duufaanada wata iyo
jirooyinkaba, cidda ugu horeysa ee halkaas warka kasoo tebisa waa
weriye-yaasha u shaqeeya hey'adaha war tebinta. Sidoo kalena,
weriye yaashu waxay soo tebiyaan haddii ay goobtaasi ka dhacaan waxyaabo
faa'iido u leh horumarka bani aadamka. Shaqada suxufiga warka soo
tebinaaya ayaa ah in uu si madax banaan usoo tebiyo waxa uu arko ama
maqlo (asaga/ayada) oo ka (fogaanayo/fogaaneyso) been sheeg iyo wax (asaga/ayada)
mustaqbalka dib ugu soo noqonayo.
Akhriste,
Ayada oo sida aan kor kusoo sheegnayba dagaalkii Beled Xaawo ka dhacay
uu u dhaxeeyay laba kooxood oo labadaba ka wada tirsan SNF/SRRC, ayaa
waxaa dhacday in ay qaar akhriste yaasha yada ka mid ah noo soo
gudbiyeen qoraalo ay ku sheegayaan shebekadda Allgedo in aanay ka aheyn
dhex-dhexaad dagaalkii ka dhacay Beled Xaawo, ayaga oo aanan noo soo
gudbin wax daliil ama cadeyn ah oo ay arrinkaas u hayaan. Dadka
dhaliishaas noo soo jeediyay waxyaabaha ay ka duulayaan oo ugu weyn
waxaa ka mid ah, ayaga oo rumeysan in uusan dagaalkaas u dhaxeynin laba
garab ee SNF/SRRC ah ee uu u dhaxeeyay laba jifo, sidaas awgeedna ay
anaga noo arkeen in aan hal jifo xigsanay.
Haddii ay qaar
akhriste-yaasha yada ka mid ah sidaas wax noogu soo qoreen, maxaa nala
gudboon in aan u sheegno?
Marka ugu horeysa, anaga waxaan u sheegeynaa akhriste-yaasha yada in
aanan kala jecleyn oo aanan kala xigsaneyn bulshada Soomaaliyeed, gaar
ahaan garabka SNF/SRRC ee isaga hor yimid siyaasadda. Waxaa naga
go'an in aan dhejino ama daabacno qoraal kasta oo aan ka helno
akhriste-yaasha yada oo aanan ka aheyn qodobada hoos ku qoran: 1.
Ma dhejino qoraalka haddii aan u aragno in uu liddi ku yahay caqiiqda
iyo sharafta Islam-ka guud ahaanba.
2. Ma dhejino, qoraalku haddaan u aragno in uu Qof, Qoys ama Qaran
aflagaa deynayo ama uu si toos ah iyo si dadbanba meel uga dhacayo.
3. Maadaama wixii qaldaad ah ee ku yimaada dhinaca saxaafadda iyo
wararka aan qoreyno aan anaga mas'uuliyadeeda leenahay, waxaa naga
reeban qoridda wararka aan jirin ee been abuurka ah oo aanay fidintoodu
ku wanaagsaneyn aduun iyo aakhiraba.
Waxyaabaha aan dhejino waxaa ka mid ah:
1. Waxaan dhejinaa qoraalada ay noo soo gudbiyaan wariye-yaasha yada,
anaga oo awood u leh in aan wixii tifaftirid ah ama sixid ah ku sameyno,
laakiin waa maxay waxa aan ka saxeyno ama ka saareyno hadaan ku aragno?
Wax kale ma'ahan ee waa haddii aan ku aragno mid ka mid ah saddexda
qodob ee kor ku qoran oo aan aalaaba dhicin.
2. Waxaan dhejinaa oo aan gelinaa qeybta FIGRADO - OPINION
qoraalada ay akhriste-yaasha noo soo gudbiyaan oo ayagu ka turjumayo
figrado shaqsi ah ee aan ka turjumeyn aragtida Allgedo Online.
Qodobkaan labaad waa dhici kartaa in qoraagu uu ra'yigiisa kaga run
sheego ama kaga been sheego, laakiin waxaa iska yar faragelinta aan ku
yeelan karno maadaama uu ra'yi qofeed yahay.
3. Qoraal kasta ee naloo soo gudbiyo hadduusan wadan magac buuxa iyo
email address ma daabacno, waxaana dib ugu celinaa qoraaga noo soo diray
qoraalkaas si uu usoo raaciyo magaciisa oo buuxa iyo email address-kiisa,
taasna waxaan ula dan leenahay in mas'uuliyadda qoraalku uu yeesho
qoraaga figradiisa noo soo diray ee aanan anaga ka Allgedo ahaan wax
shaqo ah ku laheyn figradaha ay noo soo gudbiyaan akhristeyaasha yada.
Maxaan ka aaminsan nahay
Saxaafadda Xorta ah?
Waxaan la soconaa in aanay jirin saxaafad la oran karo waa xor 100%,
waxaana ku shaqeyneynaa aragtida kor ku qoran ee ah faaf-reebka (censorship)
intii karaankayo ah. Waxaan ognahay in uu dal walba leeyahay diintiisa
iyo dhaqanadiisa u gaarka ah, taas anaga oo madaxa ku haynana, waxaa
waajib nagu ah in aan kala garano waxa ay bulshadayada Soomaaliyeed
jeclel yihiin iyo waxa ay neceb yihiin. Haddana, ayada oo ay
intaasoo dhan jiraan, ayaa waxaa haboon in la abuuro website(s) u
dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed oo aanan cidna ku tiirsaneyn. Waxaa kale
oo aan ognahay in shaqada wariye nimo ee aan hayno aanay wada
jecleysaneyn dadka oo dhan, taasna waa caadi oo ma jirto shaqo la qabto
oo balan qaadi karto in ay umad dhan ka wada raali noqdaan, laakiin
waxaa muhiim ah in inta badan kalsoonida dadka loo adeegayo la helo.
Codsi
Bani'aadam baan nahay, oo waxaa qasab ah in uu qaldaad naga dhacaayo ee
haddii ay akhristeyaasha yada arkaan qalad aan galnay waxaan ka
codsaneynaa in ay si qoraal ah noogu soo gudbiyaan qaladkaas si aan u
saxno. Akhirsteyaasha yada haddii ay rabaan in ay qoraal noo soo
gudbiyaan waxay nagula soo xariiri karaan email address-ka
allgedo@allgedo.com
Gobo-gebadii: Haddiiba ay dhacdo in uu akhriste Allgedo
dhibsado ama jecleysan waayo qoraalada aan soo bandhigno, gaar ahaan
kuwa FIGRADO-OPINION, waxaan kula talineynaa in uu qofkaasi noo soo diro
qoraal uu ku faah-faahinaayo sababta uusan u jecleysan qoraalkaas iyo
sida uu jecel yahay in wax loo qoro ee ka haboon. Anaga marka uu
qoraalkaas nasoo gaaro waxaan sameyn doonaa in aan qoraalkii hore iyo
kan danbe isku garab dhejino, dabadeedna aan bulshaweynta u dayno
figradii la quman in ay qaataan ama ku qancaan.
Sidoo kale, haddii ay akhristeyaasha Allgedo dhibsadaan qoraal lagu soo
dhejiyay qeybta wararka (News section), waxay xaq u leeyhiin in ay noo
soo diraan qoraal ay ku muujinayaan sida aanay raaliga uga aheyn
qoraalkaas, dabadeedna haddii aan aragno in aan dhowr email oo diidmo ah
ka helnay akhriste-yaasha yada waxaan ku qasbanaan doonaa in aan
qoraalkaas meesha ka saarno, waayo anaga bulshadaan u adeegnaa waana ku
qasban nahay waxa ay ayagu rabaan in aan had iyo jeeraale ku dhaqano ama
sameyno wixii ay diidaana aan ka fogaano.
Waad mahadsan tihiin.
Maamulka Allgedo Online
allgedo@allgedo.com
|
|