HOME | NEWS |MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

MAXAA KA SOCDO B/XAWO, MAXAASE NAGALA SIMAN HADDII AAN NAHAY DHALINTA BEESHA SADE?      

June 1, 2004

Waraka kasoo yeero B/xaayo ayaa waxay noqdeen 9kii sane ee lasoo dhaafay kuwo baas oo uu ku farxo cadawga islaamaka iyo midka beesha reer Sade, naxdin iyo dhabar jabna ku noqdo qof kasto oo ay xanuunjiso dhibaatada Islaamka, midda Somaliya, iyo midda  reer Sade. Laga soo billaabo 8/1996 oo ahayd waqtigii B/xaawo ay amxaarad qabsatay ayaa si is daba joog ah u gasoo hoyanayeen qasaaraha iyo halaagga maanta ka taagan. Dagaalkaas af iyo dabo laawaha ah ee joogteeyay B/xaawo iyo gobalka intiisa badan ayaa wuxuu gaysatay burbur naf iyo maalbo leh.

 

Waxaa dagaalkaan naftoodii ku waayay in ka badan 1000 qof oo isugu jira culamaa’u diin, dhakhaatiir, indheer’garad, dumar, caruur iyo nooc kasto oo ay bulshadu leedahay. Sidoo kale ayuu dagaalkaani baabi’iyay dhamaan ilihii dhaqaale ee gobalka mid beled iyo mid baadiyabo. Wax uu lumiyay kalsoonidii, walaalnimadii iyo straatiijiyaddii beesha mid guud iyo mid gaarbo.

 

Ayada oo gobalka dhamaantiis amnigiisu sugnayn ayaa B/xaawo waxay noqotay meesha oogu daran ee halaqya galeenka ah, holac kastana kasoo boxo. Waqti laga joogo 6 sano wakhtiyadii ay Amxaaradu sida buuxdo umamulaysay B/xaawo ayaa nin ka yimid gobalka Gedo ayaa wuxuu iwaydiiyay “war caradii maxaad war ka haysaa”? Markaas ayaa waxaan oogu jawaabay “ninyohow B/xaawo ayay Amxaaro qabsatay” Ninkii ayaa intuu aad u naxay oos fariistay  ayuu yiri “goormay qabsatay”? Waxaan oogu jawaabay “3sano ka hor ayay qabsadeen”. Markaas ayaa intuu baraarugay ayuu yiri “war taasi waan ogaaye ma wax cusub’baad haysaa” …. Taasi waxaan ula jeedaa warka B/xaawo in uu noqday mid un shar iyo naxdin xambaarsan. Maanta ayaa waxay maraysaa markii la maqlo magaca B/xawo in uu qofku lasoo boodo ma dagalbaa ka dhaacay? Yaa ku diriray? Meeqaa qof ayaa ku dhimatay iyo wixii la mid ah.

 

Waxaan lagu sheekayn jiray in gobalka Gedo ay degi jireen waaya hore qoomiyad la’oran jiray Maadiinle. Maadiinle sida beesha Sade ayaa mar Ilaahay furihii ka lunshay, markaas ayay isku keceen oo ay layn isku billaabeen. Ugaaskii beesha Maadiinle ayaa wuxuu layaabay siday dadkiisii maskaxdoodii u fogaaatay, markaas ayaa asaga oo tijaabo (experiment) ka qaadaayo ayaa wuxuu yimaada meel goob ah oo ay ku badanyihiin raggii Maadiinle laga waraysan jiray, kadibna wuxuu waydiiyay su’aal aan macquul ahayn si uu u ogaado xaalkooda. Wuxuu yiri “war ayaa arkay hal geel ah gaaban oo dheer, koor qabta oo koor la’aan ah, madoow oo cad, irmaan ah oo dhalaysa”?  Waa kuwo furohoodii Alle lunshaye waa fahmi waayeen su’aasha qaladka ah. Ayaga oo ay caadi latahay ayaa waxay si caadi ah u yiraahdeen ma’aannan arag. Maalintaas ayuu fahmay ugaastii in ay kuwaasi qoomiyad luntay yihii wuuna isga dhaqaaqay. Waxaa la yiraahdaa Maadiinle ninbo kii u dhowaa ayuu naftii ka gooayay ilaa ay sidaa ku dhamaan.  Bal fikiroo maxaa kaga ekaasha badan midda nahaysato maanta middada.  Maanta ayaa waxaa dalkeenii isaga dhamaanaayo dadkeennii for nothing annagiina aan meeshaan iska fadhinnaa oo ay caadi nala tahay. Kuwaas ayuubo ugaaskoodii fahmay in ay lumeen. Anangu lunnay cid aan cadawgayaga ahayn oo na ogna ma jiraan.

 

Aaaway Ugaasyadii, Nabaddoonyadii, Aqoonyahannadii, Culamaa’uddiinkii, Dhalinyaradii? Yaan xal ka sugaynaa? Maanta ayaa Somaali wayn ku fikiraysaa sidii ay qolo walbo dowlad ku noqon lahaayeen oo ay u soo saaran lahaayeen dhaqaale, wax barasho, nabad iyo hormar, ayaa annagii uu gurigannagii qiiqayaa, Dhakhaatiirtayadii la iska laynayaa. Waa qasaaro iyo qoomamo inteeda la’eg.

 

Adduunku wuu soomaray waqti u yar eg midkaan oo kale iyo dagaal sokeeye, laakiin su’aashu waxay tahay sidee ayay ooga bexeen yaase ka saaray?  Waxaa kasaari jiray xilligaan oo kale ummadaha dhibaatooyinka dhalintooda oo samaysa kacaan, kuwaas oo garta dhibaatadu waxay tahay xalkina keena, laakiin waxaad moodaa in aysan dhalinta Sade dhibaatada dareen sanay oo aysanbo ku baraarug sanayn. Waxaa waajib rabbaani ah in aan hurdada ka kacno oo aan u istaagno sidaan u joojin lahayn dhiigga dadkeenna ee bilaashka u daadanaayo maalinwalbo, lumiyayna dhammaan dantii ummadeenna iyo jiritaankeediibo.

 

Akhriste, waxaan hadakayga ku soo koobayaa, hadhii aad tahay nin Islaam ah Somali ah reer Sade ah oo wax garanaayo, waxaa qassab ah in aad hurdada ka kacdo oo aad u istaagto sidaad u joojin lahayd qasaaraha is daba jooga’a ee joogteeyey dadkeenii iyo deegaankeenii. Ogoow cidkale oo ay sugayaan kuwa B/xaawo ku dagaalaayo oon adiga ahayn in uusan jirin. "CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNO" "NIN LASUGAYOOW HASEEXAN"

 

 
 

Maxamud Xassan Cilmi
qambi55@hotmail.com
 

 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com