HOME | NEWS |MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

Waxaa  ka ambabaxay magaalada Caabudwaaq Ugaaskii beesha Sade ee Galguduud, Ugaas Ciise Ugaas Cabdille

June 4, 2004

 

Ugaaska ayaa waxaa uu uga ambaxabay magaalada Caabudwaaq dhanka magaaladda Gaalkacyo ee gobolka mudug,  halkaas oo uu uga sii kicitimi doono dhanka magaalada Nairobi,  waxaana  tagitaanka ugaaska sal u ah isaga oo doonaaya in uu ka qayb qaato shirka Soomaalida ee ka socda dalka kenya, waxaana uu Ugaaska ka mid yahay hogaamiye beeleedyada laga marti qaaday shirkaas.

Ugaaska ayaa waxaa uu ku mashquulsanaa waayadaan danbe oo uu joogay magaaladda Caabudwaaq sidii uu wax uga qaban lahaa hawlo badan oo wax ka qabad uga baahnaa oo ku saabsanaa beesha uu Ugaaska u yahay ee Sade Galguduud. Waxaa uu Ugaasku qabtay shir markii uu ka ambabaxayay magaalada, shirkaas oo ahaa mid uu kula dardaarmayay goloha guurtida iyo wax garadka beesha Sade Galguduud.



Siciid Maxamed Cali (Qodax)
Caabudwaaq, Soomaaliya
sqodax10@hotmail.com





allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com