HOME | NEWS |MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

Warbixinta IQRA

July 7, 2004

Iqrasom Waa Mutadawiciin Uguntaday sidii ay dadkooda iyo deegaanadooda u hormarin lahaayeen Dhinac kasta oo ay awoodooda iyo Maskaxdoodaba wax kaga qaban karaan wax qabadkooduna kumo koobna oo kaliya wax Qabo oo kaliya

Ma ahan Inay Faan kudoonayaan Laakiin Waxaa weeye arinta wax kasta oo ay qabtaan ay u Qabanayaan waa alle Darti Iyo Inay gutaan waa jibka Ka saaran Dadkooda. Iqrasom waa Urur Samafal kana jira Gudaha iyo Dibada waxaana aasaasay Dad udhashay Deegaanada Gedo Iyo Galguduud

Ururka Sidii aan horay usheegnayna ujeedadiisu ay Tahay Inay Caawiyaan Dadkooda Degan Deegaanadaas. Ururka Iqrasom Waxaa Ahmiyadiisu tahay Inuu Kacaawiyo Dhinacyada Waxbarashadda Caafimaadka Biyaha IWM.

Waxaa Iqrasom Aasaasay Markii hore Dad aan tiro ahaan Badnayn laakiin Ku fakaray Fikirkaan Wanaagsan ee Mirihiisa lagurtay waxaana markhaati ka ah waxqabadka aan arkayno ee uu qabtay ururka Iqrasom. Waxaana Xaqiiq ah Hadii Dadku Adeegasado Maskaxda wanaagsan Inaanay Imaanayn Dhibooto iyo horumar La aan

Waxaa kale oo Xaqiiq ah Hadii Dad yar Ama badani ay ku fakeraan Inay dadkooda iyo Dalkooda Gaarsiinayaan Horumar ayna Dadaalaan ay gaarayaan Yoolkooda ah inay ku Guulaystaan Arinta ay higsanayaan ee ah Horumarka,  arintaasna Waxaa Markhaati Noogu Filan Iqrasom.

Labada Gobol ee ay Hada Ka shaqayso Iqrasom waxaa jira Dad Badan oo udhashay oo ku kala nool Dacalada Aduunka Laakiin Tiradooda iyo Tayadoodu aysan Isu Dhigmin taasna waxaan ula jeedaa Dadka deegaanadaas udhashay uma aysan Qaban Deegaanadooda wixii ay ka mudnaayeen sida deegaanada kale ee soomaaliya oo ay jiraan dad ka tiro yar laakiin Ka nuxur badan oo deegaanadoodii maanta ay marayaan meelo sare si kastaba ha ahaate waxaana Ay arintaasi Keenaysaa wax qabad la aanta aan weynayn Inay Dadkooda iyo Deegaanadoodu ay Ka danbeeyaan Deegaanada kale ee ay la midka yihiin

Wadamada horay umaray oo Danahooda Gaaray waxaa ay horumarkaas ku Gaareen Ama Gaarsiiyay waa dadkii udhashay oo Sameeyay Iskaashi dhinac Walba ah Dadaal badan iyo Isweydaarsi Aqooneed oo Badan Ama ra’yi wanaagsan kala Qaadasho

Tusaalahaan kooban waxaan usoo qaadanayna Hadii ay ku fekeraan dadka deegaanada Gedo Iyo Galguduud Udhashay Ha joogaan meel kasta oo Aduunka ka mid ah hadii ay ku Fakeraan Inay Dadkooda Iyo Deegaanadooda Uhorseedaan Horumar Dhankasta ah ayna sameeyaan dadaal wanaagsan Waa ay Gaarayaan Xilli ay noqotaba ha Dhawaado ama ha dheeraado Maxaa yeelay waxaanu aragnaa sidii ay ku bilaabatay Iqrasom iyo sida lama filaanka ah ee ay uga Qaadeen meeshii ay yaaleen ama ay maraysay Markaas Xaaladdii deegaanadii ay ka bilowday hawlaha Iqrasom Taas oo ay Maanta Marayso xaaladahoodu meel Wanaagsan Marka loo eego Xaaladihii ay ku jireen

Waxaan Marlabaad Xasuusinayaa Dadka udhashay Deegaanadaas ay Iqrasom Kawado hawlaha Ina uu gutay Ururka Iqrasom Waajib saarnaa loogana Baahan yahay xilli walba waxaa kale oo furan ama loobaahan yahay Dadkii samayn lahaa Arintaas oo kale oo ay ku Garab istaagayaan dadkooda iyo Dalkoodaba.

Masawirada halkaan ka muuqda waa qaar ka mid ah ardayda ay IQRASOM wax barto.







 


Siciid Maxamed Cali "Qodax"
Caabudwaaq, Soomaaliya
sqodax10@hotmail.com

 

allgedo@allgedo.com

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com