|
July 14, 2004
Gabaygii ”Sad
libaax” oo xiisado kiciyey!,
balse su'aasha meesha ku jirtaayi waxay tahay:
* Gabayga "Sad Libaax" yaa curiyay markii hore?
* Yaa isku dayay in uu si asluubeysan wixii gabayga ka maqan ugu
siyaadiyo ama uga saxo?
*
Yaase ka carooday oo si ay caadifadi ku jirto u wajahay curiyaha Gabayga
"Sad Libaax?"
Su'aalahaas jawaabahooda oo dhan waxaad ka heli doontaan qormadaan hoose
ee uu noo soo gudbiyay isla curiyihii Gabayga
Abwaan:
Shaafici Xassan
Maxamed/mi99mosh@chl.chalmers.se
Waxaa 1-7-2004
iyo intii ka danbaysey bogagga internetka meelo ka mid ah lagu baahiyey
gabay cusub, oo magaciisa la yiraahdo ”Sad libaax”, waxaana ka soo
noqday hadallo aanan dhammaantood isu keeni karin, oo isugu jirey
qoraallo gooni la iigu soo diray oo badan, qoraallo bogagga internetka
lagu faafiyey oo aan badnayn iyo hadallo aan qornayn oo ay bulshada
qaarkood toos iigu sheegeen.
Gabayga isla mararkii
internetka lagu faafiyeyba waxaa lagu duubay cajalad, waayo ummadda
soomaalidu waxay aad u xiiseeyaan in ay gabay ama wax kale oo duuban
dhegaystaan, oo waxaa la inagu tilmaamaa dad maqalka iyo afka wax isugu
gudbiya.
Isla
goorihii internetka lagu baahiyey ”Sad libaax” ayaa waxaa ila soo
xariiray nin waayeel ah, oo jaamacaddii ummadda barafasoor ka ahaan
jirey, kaas oo hadda ku nool USA, ahna nin laftiisu maansoyahan ah,
wuxuuna ii soo diray qoraal uu ku soo koobay meelo sidii qoraalka loo
garaacay uu ku arkay khaladaad. Qoraalkii uu soo diray wuxuu ahaa
sidaan:
”Gabaygani waa mid taariikhda galaya waqtiga aad tirisay awgiis.
Waxaa loo baahan yahay dad badan oo rajo la’aan ah in loo akhriyo.
Intaas ka dib, wallow aan jeclaa inta adaan ku soo qorin internetka in
aan faalloyinkayga kuu soo gudbiyo, haddana waxyar ayaan jeclahay in aan
ka iraahdo:
1)
ERAYADA:
a)
Saaruq waa carabi oo waa tuug ama taroox (min saraqa).
b)
Saayibid waad ku saxsan tahay mindhaa macnaha ha ahaatee ma aha
magac ee waa fal.
c)
“Yaayir” mindhaa qalad garaacidda ah ayaa jirta oo waa “Saayir”.
d)
“Sadaf” = dhagsan ay baddu soo tufto oo gudo iyo qalbacyo leh.
“Sadaf” iyo “Dhagsan” midna ma garan.
2)
“Dadkii tixaha seeraarin jirey samir ha qaadteene” !!
Very nice anigu kolba waan qaadtay.
3)
“Saxariirtay maansadu kolkay, silicdilyeeye”ene
intaa guduudan ayaa ka maqan.
4)
“Silil waxaa laga imaan, Saylacdii kora’e” – waxaad moodda in ayan la
socon siiqada oo tixdu kala dhantaalan tahay.
Waxaa qoridda ka maqan “iyo”, in laga hor marsho “Waxaa”. Waxay ahayd
”Silil iyo waxaa laga imaan, Saylacdii kora’e”.
5)
“Safiiriyo waxay helahayaan, saajiniin badane”- waxaa maqan “R”
safiirriyo.
6)
“Sibraarada waxaa loogu shubin, suluxa dhaydaahe” mindhaa waxaa
maqan “R” oo waa sibraarrada.
7)
“Sumad kalena meel waa inaan, sarin u yeelaaye” – mindhaa SUMMAD
oo hal “m” baa maqan.
8)
“Saamayn Quraan iyo ma jiro, sadar ilaahaye” … sadar Ilaahaay e ?
Hambalyo, hambalyo, hambalyo.
Waadna ku mahadsan tahay”.
Khaladaadkaas uu barafasoorku taxay dhammaantood waxay ka soo jeedaan
garaacitaankii qoraalka gabayga, oo waa khaladaad xagga daabacaadda ah.
Meesha fasiraadda uusan fahmin lafteeda waxaa galay khaladaad xagga
garaaca ah, oo ereyga ”dhagxan” meeshii laga rabey baa waxaa ku qoran
”dhagsan”. ”Sadaf” wuxuu ka mid yahay dhagxanta ay baddu soo tufto oo
guud ahaan ”dhulman” la isku yiraahdo. ”Dhulman” waa dhagax sidii weel
ama qudde u samaysan oo loo isticmaali karo in wax lagu cuno ama wax
lagu guro. Qaar ka mid ahi markii uu badda ka soo baxo waa qalbacyo isu
aabburan, oo waxaa ku jiri kara alaabo qaali ah, laakiin sida badan
dhulmanku waa uu maran yahay markii ay baddu soo tufto.
Ereyga
”saaruq” sida uu sheegay wuxuu ahaan karaa ”tuug” marka afka carabiga la
eego, waxaase jira mar uu af soomaali yahay, oo uu macnihiisu la yahay
qashin biyo dul sabbaynaya. Waxaa kale oo uu khalad qoraalka ahi galay
”Saqle iyo fardaa lagaga iman, Saaxil iyo Shiikhe”. Meeshii ”lagaga” loo
qori lahaa baa waxaa loo qoray ”laga” keli ah.
E-mailladii aan dhaqsaha u helay waxaa ka mid ahaa, mid laga soo diray
bogagga internetka oo aan gabayga u diray midkood, wuxuuna ahaa sidaan:
”Shaafici,
maansadaadi waan helay oo akhriyey. Waa maanso qani ah, kulamase qabo
rajada aad ka muujisey ama ka saanyanaysid shirarka qarameed oo hadda
loo fadhiyo iyo natiijadooda”.
Ereyga ”qeni”
marka uu ”Sad libaax” u adeegsadey waxaa hubaal ah in uu xaq ku taagnaa
iyo in uu yahay nin maansooyinka dhuuxi kara. Xagga saadaasha iyo
ujeeddada gabayga wuxuu muujiyey in uu leeyahay aragti buuxda oo uu kaga
hor imaan karo caqligii uusan ku qancin. Sidaas awgeed waa akhriste
maskax furan oo karti leh.
Waxaa ka mid
ahaa qoraalladii gaarka iigu yimid saddex qoraal oo isku hal macne uu
dhexdooda ku duugnaa. Waxyaalo ay saddexdu ku kala duwanaayeen waa ay
jireen, laakiin waxaa yaab leh in ay isku wax ku soo dareen
qoraalladooda. Mir gabayga ka mid ah oo ah ”Rag sabeen ku noolaan jiraa,
sooryo weyn heline” ayey saddexdooduba waxay u qaateen in ay Daahir
Riyaale Kaahin u fiican tahay in uu dhaqso uga soo qaybgalo dawladda
Soomaaliya u dhalan doonta. Saddexdaas qoraal midkood qofkii qoray wuxuu
tuhunsan yahay in uu Daahir ku soo koray caano idaad, oo uu asaga yahay
ninka idaha ka raysan doonaa haddii uu dawlad qaran jago fiican ka helo.
Run ahaantii
anigu kuma danbaabi karo in uu Daahir caano idaad ku soo koray, haddiise
uu ku soo koray sow risaaqad xalaal ah ma aha? Wax macne ah ma ay laha
in uu qofku caano lo’aad ama geel ama ari (riyo iyo ido) ku soo koray
iyo in uu galley ku soo koray. Isla markaas gabayga ”Sad libaax” oo
qeniga ahi kaftan iyo xifaalo ma uu ahayn, ee wuxuu nuxurkiisu u badnaa
midaynta soomaalida.
Qoraal kale oo
aan dhawaan helay waxaa soo qoray qof la moodey in uu soomaalinimada uu
gabaygu la soo guuxayo ka baqayey, oo uu naxsanaa, wuxuuna ahaa sidaan:
”Walaal
gabaygaagu inkastuu soomaali kahadlay haddana wuxuu ahaa been iyo
hanjabaad. Soomaalidu ways taqaane waa kuma ninkaad tusbaxa surka u
suraysaa? Waxaa go’itaanka Somaliland awelba nagu kallifey yasitaanka”.
Hadalka
akhristahaani intaas waa uu ka dheeraa, hase yeesho ee maaddaama uu
qabiillo soomaaliyeed sheegsheegay waxaan ku soo koobay su’aashaas keli
ah. Ugu horrayntii wuxuu ka boodsan yahay in uu tusbuxu yahay
alaabooyinka Rabbi lagu caabudo nooc ka mid ah, oo aan been iyo
hanjabaad loo nisbayn karin.
”Surku wuxuu
aqbayalaa tuxbaxa, surashadiisiiye” ma aha hadal xumaan laga fasiran
karo haddii aan shaki iyo tuhun lagu khaldin. Horta dawlad macneheedu
waa in ay shacabku hub la’aan noqdaan, oo ay dawladdu salabka oo dhan ka
sifayso gacnaha bulshada rayidka ah. Waa dadka in aysan dawladu u kala
eexan oo ay caddaalad barto haddii ay rabto in aysan bulshada kalsoonidu
ka lumin. Waa dadka in loo jeexo jidad hawleed oo ay ku mashquulaan si
aysan u quusan ama u caajisin. Waa dadka in sumcaddooda iyo
siyaasaddooda debedda la qurxiyo si aysan caalamku u liidin. In la
isyaso anigu ma aamminsani, una malayn mayo in dadka woqooyi cidi yasto,
haddii ay dad yasaa jiraanna waa dad jaahiliin ah
Intaas iyo
wanaagyo kale oo badan baa dawladda looga baahan yahay, waana arrinta uu
gabayga ”Sad libaax” rajada ka muujiyey. Haddaba gabayga yaan laga
baqin, oo ha la ogaado in loo baahan yahay in la helo dawlad
soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
Qoraal kale oo
dheeraa ayaa waxaa ka mid ahaa qaybtaan:
”Gabaygu aad buu
u xikma badnaa laakiin dawlad haka sugin shirka Nairobi!”.
Dadka
soomaalida ahi sidii ay belaayo u saraadinayeen bay belaayo ku habsatey!
Bal haddii uu gabaygu dawlad iyo horumar ka faallooday maxaa lagu
falayaa in la sii jeclaado halaaggii lagu sugnaa muddo 35 sannadood ah.
Ninkii
dadka ”Sad libaax” ka dooday ugu aragti liitey wuxuu ahaa saaxiibkay
Ibraahim Yuusuf Axmed Cali. Aniga iyo asagu markii gabayga la daabacay
ayaannu kulannay, sida badanno ama telefoon baannu ku wada hadalnaa ama
waannu is aragnaa. Waxaan u sheegay in labada magaalo oo ”Silil” iyo
”Saylac” ereygii isku xirka oo ”iyo” ahaa ay daabacaaddu ka booddey,
waana isla arrinta uu ka hadlay barafasoor Cabdulqaaddir Nuur Salaad
(Fiisiko). Qof kasta oo caqli leh baa garan kara in uu mirka gabayga ahi
yahay ”Silil iyo waxaa laga imaan, Saylacdii kora’e”, waayo uma ay
baahna in uu qofku arrintaas gabay aqoon ku baaro oo waxaa caadi ah in
labo magaalo markii la sheegayo ”iyo” loo dhexaysiiyo. Waxay la mid
tahay ”Saamaha Hargaysiyo Burcaa, siigo weyn kicine”.
Gabayga
waxaa sidii aynu sheegnay degdeg loo qoray 1-7-2004, wuxuuna qorshuhu
ahaa in ay soomaalidu ku ciidaan maalintaas ay madaxbannaanida u
dabbaaldegaan. Taas Ibraahim wax ixtiraan ah uma uu hayo, waayo wuxuu
rumaysan yahay in aysan kowda Juulay ahayn maalin fiican! Taasi waxay
muujinaysaa in uu ka gubanayo in uu gabaygu ku soo beegmay maalin uusan
jeclayn.
Asaga
oo Ibraahim aannu sidaas u wada hadalnay buu wuxuu gabaygii ku xagxagtey
in daabacaaddii meel ka mid ah laga tegey ”iyo”, taas oo muujinaysa in
uu Ibraahim gabayga ka carooday! Run ahaantii in uu gabayga ka xanaaqo
looma baahnayn, waayo ”Sad libaax” waa gabay taariikhi ah oo ummaddii 35
sannadood la isku dirayey isu soo jiidaya.
Gabayga
”Sad libaax” in uu Ibraahim ilaa xadkaas uu furka tuuray waa arrin iga
yaabisay, wuxuuna sheegay in uu gabaygu qabyaalad yahay! Isla markaas
saaxiibkay ma uu xusin qabiil soomaaliyeed oo ”Sad libaax” lagu xaqiray!
Waxay taasi caddaynaysaa in uusan sheegi karin sawir qabiil oo laga soo
saari karo gabayga.
Haddaba
haddii uu gabayga ”Sad libaax” sidaas qabyaalad uga nasahan yahay, oo uu
yahay gabay ummadeed muxuu Ibraahim ka xanaaqey? Waxaa qoraalkiisa iyo
codkiisaba laga dareemaa in uu ismaskax maro markii uu ”Sad libaax” soo
xasuusto, oo uu hadalkiisu noqdo hadal khafiif ah ama hadal dhallinyaro.
Qabyaaladda uu Ibraahim ka warwareegayo aniga toos buu iigu sheegay, oo
wuxuu igu yiri: ”Waxaad ka waddaa ’Soomaalilaan iyo ma jiro, seere gooni
ahe’ in aad qabiilkayga duudsidid!”. Anigu ”soomaalilaan” waxaan uga
jeedey aragtida ah in dalka Soomaaliya la kala jarjaro, ee qabiilkiisa
iyo qabiilkayga labaduba waxay ku midoobi doonaan dawladdaas aan ”Sad
libaax” ku ishaaray.
Wuxuu
sheegay in ay muuqato in aan rabey in gabayga ”Sad libaax” la iiga
jawaabo! Run ahaantii gabayga wax jawaab ahi kama ay furna oo waa gabay
ummadeed, mana uu aha gabay muran ah. Sinnaan iyo caddaalad buu ummadda
ugu baqayaa gabaygu, una aan malayn mayo in uuba haatan jiro nin wadnaha
siin kara in uu ”Sad libaax” gabay kaga doodo, taasina waaba arrinta
keentay xanaaqa iyo wadnofugta.
Mar aan
ka hadlay sida ay soomaalidu xoolaha u kala dhici jireen waxaan tusaale
u soo qaatay gabaygo culculus oo ay Galayax iyo Aadan-Carab xoolo
dhacood ka tiriyeen. Labadaas nin wuxuu Ibraahim u qabaa in aan u eexday
oo in ay ila qabiil yihiin aan gabayadooda u soo qaatay! Haddaba markii
xoolo ay soomaaliyi kala dhaceen taariikh ahaan loo baarayo waa kuma
labada nin oo kaga gabayo fiican labadaas kor ku qoran? Ibraahim
noloshiisa ma wuxuu ku dhammaysanayaa xanaaq iyo shaki?
Gabayga
”Sad libaax” oo cusub Ibraahim meel uu ka eedeeyo ma uu helin, isla
markaas wuxuu og yahay in uu yahay gabay shamcan oo aysan xeradiisa u
soo dusi karin gaduudanaha iyo dawacadu. ”Waa in gabayga la
casriyeeyaa!” ayuu si duuduuban u yiri! Haddaba meeyey gabayga ka
casrisan ”Sad libaax”, yaase tiriyey, goormaase la tiriyey? Gabayga
casriga ah meeyey tusaalihiisii? Haddii uu oran lahaa ”Gabay hebel oo uu
hebel tiriyey oo goortaas la tiriyey waa gabay casriyaysan” waxaa la is
oran lahaa waa nin aragti leh, laakiin waxiisu waa ”neef la gawracay
geego kama uu waabto”.
Markii
uu wax uu gabayga ku xagxagto waayey buu wuxuu yiri: ”Ereyo badan baa ku
jira!”. In ay gabayga ”Sad libaax” ereyadiisu badan yihiin waa khayr iyo
libaan, ee ma aha shar iyo dhibaato. Gabaygu waa gabay raxmadeed, oo
xagga ereyada iyo xagga cabbiraadahaba qeni ka ah.
Ibraahim waa ninka inta uu ismadaxmaray yiri ”Waxaa internetka ku qoran
Cabdirisaaq xaaji Xuseen, waana Shaafici!”. Haddii aan anigu ahay
Cabdirisaaq ama Barre Hiiraale asaguna waa Alle ha u naxariisto ee
Maxamed Ibraahim Cigaal ama ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo ee
Cabdiraxmaan-Tuur.
Qofkii
raba in uu helo cajalad uu ku duuban yahay gabayga ”Sad libaax” wuxuu la
soo xariiri karaa e-mailkayga, waxaana loo ballanqaadayaa in ugu badnaan
hal toddobaad lagu soo gaarsiiyo meel kasta oo uu adduunka kaga nool
yahay, oo aan Soomaaliya iyo Afganistaan ahayn.
|