|
|
|
Gobolkii Gedo oo aan la oran "hooyadaa yeey mareexan
ka tahay?"
By:
Danjire Daahir Dimcad Xalane
June 1, 2004 |
|
Waa masawirka Danjire - Dahir
Dimcad Xalane
Waxaanan salaameyn cidna! Waxaana amaaneyn cidna! Waxaan ka aheyn bahda
Shabakadaha (Allgedo &
Gedonet) waayo, waa iyaga iyo
baabah bahdii reer Gedo ama reer Sade, waayo - waxaa laga aamusay oo
indhaha laga duubtay waxaan wax ku ahayn oo ah dhulka balaaran ee Gedo
ee astaantana noo ahaa oo aad garaneysaan in la oran jiray (Mareexaan
Gedo riman, madaxna timo riman), waa maah maahyo caana oo Soomaali
gabi ahaanteedba soo qaadato markay muujinayaan fikir adeeygooda ama
waxay doonayaan markay muujinayaa inaysan daynayn. Waxaa kaloo taa
la mid ah oo aad in badan maqasheen dad yiraahda "hooyadaa mareexaan yay
ka tahay la'ima odhan?", waxaana filaayaa inaan dad badani aqoon
waxa looga jeedo maah maahyaha layiraahdo (hooyadaa mareexaan yay ka
tahay la'ima odhan). Waxay asal ahaanteeda ka timid maah maahdani, waxaa
diriray labo qoys oo Soomaliya oo mid ka mid ah uu ahaa mareexaan,
qoladii mareexaan waxay qabteen nin markaasuu si uu ku baxsado yiri (abtiyaaloow)
waxaana uu ogaa ninkasi mareexaanku inaysan dilin wiil ay marexaanku
abti u yihin markii la'isdagaalo, waana la siidaayay wiilkii markii uu
tagay ama u tagay qoladiisii ayaa la waydiiyay waxa lagu siidaayay
markaasuu yiri abtiyaaloow ha'idilinina, ayaan idhi markasaa waxaa la
waydiiyay maadaama la'ogyahay ama wiilku mareexaan abti u'ahayn oo
miyaan lagu odhan hooyadaa waa ina ayo? Markaasuu wiilkii yiri "walaahi
inaan la'i odhan hooyadaa yeey mareexaan ka tahay?"
Waxaan halkaas dheer u sharaxayaa inaan muujiyo waxaan uga jeedo hadalka
ahaa ama ciwaankayga ahaa (Gobolkii gado, oo aan la odhan hooyadaa yay
mareexaan katahay), waxaadna halkaas ka garan kartaan inaan la isku
howlin sidii gobolka Gedo looga dhalin lahaa nabad aslaaxda.
walaalayaal:intaanan ugud bin fikirkayga ku aadan sida lagu heli karo
nabad ka dhalata Gobolka Gedo waxaan ka hor marinayaa xoogaa caanaan oo
aan u soo jeedinayo inta tabarta yar laakiin qalbiga fayoow, iyo habaaar
iyo dhaliil iyo goodi aan u soo jeedinayo kuwa hun guriga ka qaba inay
bari naxukumaan ee udhashay Gobolkan Gablankaa ee Gedo,iminkana ku sugan
shirka ka socda wadanka (kenya) inta tabarta yar way ka gabiyeen inay
gaarsiiyaan fikirkooda wanaagsan dadka ubuka ama doonaya ama waxay ka
gaabiyeen inay ka tabliiqeeyaan arinka maanta uu ku suganyahay Gobolku.
Waxaanse leeyahay kuwa jooga kenya ee doonaya inay xil ka qabtaan hadii
ay dhacdo shirkaan in lagu soo heshiiyaba waxaad usoo laabataan waa Gedo
gadana saad u iloowdeen ayay idiin iloowday ee haku tashanina horaana u
gabteen cid kale oo idin doonaysana majirto waxayna soomalidu ku maah
maahdaa (wadaan reerkeedii gabtay reer kale makal kaasho). Waxaana balan
ah sidaad u iloowdeen gobolka in la idiin ilaabo hadaan isku fikir nahay
inta gedo ku abtirsata,waxaana filayaa saad ganbarka ugu fariisateen
inaad wax kaqabataan dhib taala gobolka,in adinka markiina ganbar gaaban
la idin ku fariisan hadii ilaahay idmo, waxaan filaayaa ina raaci
doonaan hadba kii lasoo doorto halkuu udhashay saan horay u aragnayba
ama la wada og yahayba sidda middii lagu soo dhisay (Japuti) ay u hoos
cararayaan kuwo u dhashay gobolkan gablankaa,ilaahoow dad nimaddayadda
iyo dantayadda na tus oo ku waas u hormari imaanku ka tagay.
Hadaan u gudbo fikir kayga ku aadan sidda lagu heli karo nabad waarta oo
kadhalata Gobolka Gedo waxay aniga ila tahay in marka hore lasameeyo
wada tashi balaaran oo loogu yeero dhamaan inta ay dhibayso arinka
maanta uu ku suganyahay Gobolku lagana wadda hadlaa waxa keenay dhibka
iyo waxa lagu daweeyn karo .markii intaas lahelo ama lahelo dhibtu waxay
tahay ayaa ladaweeyn karaa cudurka jira walaalayaal cudur aan la'ogaana
dawaddiisa lama heli karo. Marka xiga walaalayaal markii lahelo dhibtu
waxay tahay iyo cidda dhiban ama dhibta wadda waxaan qabaa in lahelay
ama lagaaray nabadii Gobolka .guulna ay ku danbeeyn in shaa'allaah
waxaana lagu saleeynayaa wax waliba isu samir iyo isu dul
qaadasho,waxaana dhihi karaa ama leeyahay cidda dhibta wadda hadii ay ku
qanci karto in loodaayo waxay doonayaan oo lasiiyo waxay codsadaan hadii
ayaga qudhoodu aysan noqon (waxay doonayaa iyo waxay diidayaanba lama
yaqaano.)
Walaalayaal, magaca (Sede) waxaa uu yahay
macnihiisu sedki hele waxaana sedki hela ninkii samra waxaana sede
dhalay oo aan wacal ahayn ninkii samra(waxayna somalidu ku maah maahdaa
samraa sedki hela) marka qof walbow yaan lagaaga hormarin samirka hana
ku sifoobin inaan (Sede ku dhalin oo wacal ha'noqon.
Walaalayaal, waxaan aad uga xumahay in hadalkaygu isku dhex yaac
sanyahay waxaase laga fahmi karaa inaan ahay nin xamaasadeeysan oo
ciisheeysan oo jecel danta dadka reer (Sede) tabartiisuna yartahay
doonayana inuu ku cad goosto ama ku aarsado afkiisa.
Walaalayaal, waxaan xasuustaa hadal uu yiri (Mandela) markii Xisbigiisa
talda qabsaday ama hantay wadanka taladiisa, hadalkii ugu horeeyay waxaa
uu ahaa ee uu yiri mendela "ciddi dhibta noo gaysatay waa cafiyaynaa,
laakiin ilaabi mayno", waxa sidaa u hadlaya waa nin (Gaala)
waxaana uu garanayaa hadaan la'isu samrin inaan nabad lahelayn nin aar
goostayna uu san waligiis horumar gaareeyn, waxaana u maleeyn kaas inuu
dhalay (Sede) laakiin dadkaan sheeganayaa ay yihiin (soo seexis).
Walaalayaal, hadalkaygii waxaan ku soo gabo gabeynayaa nabadda Gedo
waxay ku xirantahay ama lagu heli karaa samir uu qaato Qofkii Sede run
ah oo wax tirsanaya!!!!!!
Walaahu aclam bisawaab
Danjire: Daahir Dimcad Xalane
dxmwadani@hotmail.com |
|