|
Ma dhab baa in dowladda Itoobiya
calankeedii ay bedeshay oo ay ku
darsatay calankii Soomaaliya?
Eeg
dhinacan bidix: qaabka ay qaar
aqoon yahanada Soomaaliyeed ka
tirsan usoo bandhigeen
isbedelada iyo marxaladaha kala
duwan ee isku darka calamada
Itoobiya iyo kan Soomaaliya.
Sida aad hoos ku
arki kartaba, taariikhda
Itoobiya ee isbedelada calamada
kala duwan ee uu dalkaas horay u
soo yeeshay hadaad si fiican ugu
kuurgasho, waqtiyada calamadaas
la sameeyay iyo macnaha muuqda
ee loo sameeyayaba, waxaad garan
kartaa in xiddigta iyo buluugga
ka danbeeya ee lagu daray
calanka Itoobiya February 6,
1996 uusan wax shaqo ah ku
laheyn in ay Itoobiya ku darsato
calankeeda kan Soomaaliyeed.
MAXAY U
TAAGAN YIHIIN SADDEXDA DIILIMOOD
EE KALA AH:
MIDDA
CAGAARAN,
YELLOW-GA
IYO
CASAANKA
EE CALANKA ITOOBIYA?
Saddexda calaamadood ee kaliya
ee uu in muddo ahba soo
lahaa Calanka Itoobiya oo ah
kuwa sare ayaa waxay u taagan
yihiin dhowr macno oo kala ah:-
1. DHANKA DIINTA: In saddexdaas
calaamadood ay u taagan yihiin
isu tagga saddexda qof ee kala
ah Aabaha (Father),
Wiilka (Son),
iyo Ruuxa Barakeysan (Holy
Ghost.)
2. DHINACA WADANIYADDA: In
saddexdaas midab ay u taagan
yihiin midnimada Africa, taasoo
loo arkay in midabyadaan ay
yihiin kuwii ugu horeeyay ee ay
in badan calamada Africa soo
lahaan jireen. Dhanka kalena,
muddo dheer oo laga soo bilaabo
1897 oo ah sanad kaddib markii
ay Itoobiyaanka iska caabiyeen
duulaankii uu Talyaaniga kusoo
qaaday dalkooda ayaa waxay
midabyadaan u doorteen in ay
noqdaan calaamad qaran (national
flag.)
(The three
colors of the Ethiopian flag
were used for the national flag
of
Ethiopia
in 1897, a year after Ethiopia
decisively defended itself from
colonial Italy at the
Battle of Adwa.
ITOOBIYA WAXAY SOO YEELATAY
CALAMO DHOWR AH OO KALA GEDISAN
OO KULIGOOD HADDA SIYAABO KALA
DUWAN LOO ISTICMAALO KUWO HORE
IYO KUWO DANBEBA. (Si
fiican u eeg calamada hoose ee
Itoobiya , taariikhihii la
sameeyay, sababihii loo smaeeyay
iyo cidda isticmaali jirtay ama
hadda isticmaashaba.)
Calankii ugu horeeyay ee
Itoobiya waxaa la isticmaalayay
laga soo bilaabo 1975 ilaa 1987
iyo mar kale 1991 ilaa 1996,
ilaa iyo haddana wali waa la
isticmaalaa.
(The
Original flag, which was used
from 1975 to 1987 and 1991 to
1996, and is still widely seen
today.)

Calankaan Itoobiya waxuu jiray
laga soo bilaabo 1987 ilaa 1991.
(Flag of Ethiopia from
1987-1991.)

Sida halkan ka muuqataba,
calanka hoose ee Itoobiya waxaa
uu jiray xiligii boqor Xayle
Salaase, ilaa iyo iminkana
taageera-yaashii Xayle Salaase
iyo dhaq-dhaqaaqa loo yaqaan
RASTAFARI waxay isticmaalaan
oo astaan u ah calankan oo uu
dhexda uga yaal Libaaxii
Judah. Dhaq-dhaqaaqa loo
yaqaan RATAFARI waxaa uu
ka jiraa dalka Jamaica, Koofur
Amerika iyo Afrikaba.
Waa
maxay Judah?
Judah waa wiilkii afaraad ee ay
iska dhaleen Yaaquub (Jacob) iyo
Leah oo ah farac hore oo reer
Israaiil ah. Waxaa kale oo Judah
la yiraahdaa qabiil ka mid ah
12-ka qabiil ee reer Israaiil ee
kasoo jeeda Jacob iyo Leah.
Sidoo kalena waxaa Judah loogu
yeeraa boqortooyo diimeed
Yahuudda oo ku noolaan jiray
Koofurta dalka Falastiin iyo
waliba marka lagu daro qabiilka
Judah iyo kuwa reer Benjamin oo
dhamaantoodba wada ah reer Bin
Israaiil.
The old flag with the
Lion of Judah.
It remains
popular with the
Rastafari
movement
and people loyal
to
Haile
Selassie.

EEG
CALANKA CUSUB EE ITOOBIYA OO AH
KAN HOOSE.
Goormaa la sameeyay calanka
cusub ee Dowladda Federalka
Itoobiya? Maxay tahay sababta
loo sameeyay? Maxayse u taagan
yihiin calaamadaha soo socda ee
uu Calanku ka kooban yahay:-
1. Diilinta cagaaran ee sare?
2. Diilinta Yellow-ga ah ee dhexe?
3. Diilinta casaanka ah (gaduudka ah) ee hoose?
4. Xiddigta dhexda ku taalo ee shan geeska ah?
5. Shucaaca xidigta ka baxaya?
6. Buluugga ka danbeeya xidigta iyo shucaaca?
Calankaan cusub waxaa la
sameeyay ama uu dhaqan galay
taariikhdu markii ay aheyd
February 6, 1996.
(This Flag of Ethiopia was
adopted on
February 6, 1996)
Calanka
Qaranka Itoobiya waxuu astaan u
yahay xurnimada iyo quruxda
umadda reer Itoobiya.
Cagaar
- waxuu u taagan yahay
Ugubnimada wadanka.
Yellow
- waxuu u taagan yahay madax
banaanidii diimeed ee uu dalkaas
waligii lahaa.
Casaan (gaduud)
- waxuu u taagan yahay naf
usoo huridii difaaca dalka iyo
midnimada.
Dhawaan, golaha wakiilada
shacabka Itoobiya waxay soo
saareen ama ay aqbaleen calaamad
cusub oo calanka qaranka lagu
daray.
Calanka cusubi waxuu dhexda ku
leeyahay xidig wadata
falaaro ifaya oo fogaan isla'eke
yaal ah (equidistant rays),
kuwaas oo muujinaya sida ay
sharciga hortiisa ugu siman
yihiin qowmiyadaha kala
gedisan, diimaha iyo
rag iyo dumarba.
Falaaraha ama shucaaca nuuraya
ee ka imaanaya xidigta waxay
astaan u tahay mustaqbalka ifaya
ee dowladda Itoobiya,
calaamaddana waxaa ku wareegsan
buluu u taagan nabad iyo
dimoqraadiyadda dalka Itoobiya.
Akhristow, hadaad guud ahaan u
fiirsato astaamaha calamda
aduunka oo dhan waxaad arkeysaa
in ay in badan meelo badan isaga
eg yhiin, gaar ahaan dhinaca
diilamaha midabyada kala gedisan
wata ama xidigahaba.
Haddaba, mar haddii uu calanka
Itoobiya soo maray marxalado
kala duwan oo la jaan qaadayay
isbedelada xukuumadihii maamulka
Itoobiya isaga danbeeyay
qarniyadii lasoo dhaafay, maxay
tahay ujeedada ama daliisha ay u
hayaan aqoon yahanada
Soomaaliyeed qaarkood ee
sheegaya in xiddigta wadata
buluuga iyo falaaraha ee lagu
dhex dhejiyay calankii danbe ee
Itoobiya uu yahay tii lagu
yaqaanay calanka Soomaaliyeed?
Haddaba, sida aan anigu qabo,
maadaama ay weli jiraan dad fara
badan oo Soomaaliyeed oo
diintooda, ciidooda iyo
calankoodaba jecel, marxaladda
dalka Soomaaliyeed maanta uu
marayana ay aad u qalafan tahay,
wax xun oo qalbiga u daran
mooyee wax fiican aanay inta
badan Soomaaliya kasoo yeerin,
waxaa ila haboonaan in wax weyn
oo dhib ah oo la qarin waayay
mooyee aanan bulshada
Soomaaliyeed ee dhiban loo
sheegin wax ay ka naxayaan,
balse loogu dadaalo sidii loogu
soo tebin lahaa wax ay ku
farxaan haddiiba la maqlo ama la
arko.
Sidaas daraadeed, qoraalka sare
ku qoran oo aan ka dhiganayo
daliil awgeed, anigu waxaan
aaminsanahay in xiddigta iyo
buluugga lagu daray calanka
Itoobiya aanay aheyn kuwii
astaanta u ahaa calanka
Soomaaliya ee sida aan kor kusoo
sheegayba ay yihiin xidig iyo
buluug si gaar ah iyo macno gaar
ah loogu daray calankii hore ee
Itoobiya.
Homepage-ka Boqortooyooyinkii
Itoobiya
(Imperial
Ethiopia Home Page)
By Aden A. Colujoog
aden7@msn.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|