|
Shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee masuulka ka ahaa
burburkii qaranamidii Soomaaliyeed iyo
xadgudubyadii xaquuqul insaanka ka dhanka ahaa
ee ka dhacay Soomaaliya, markii lagula loollamay
hab-dhaqankooda dugaagnimada ahi waxay casuumeen
cadawgii taarikhiga ahaa ee ummadda Soomaliyeed
ee marwalba u haliilayey qabsashada waddanka
Soomaaliya. Waa qayb kamid ah ammuuraha uu ka
hadlayo gabayga soo socda ee la magac baxay
Cabbir ee soo baxay Maarso 11, 2007. Gabayga
waxaa tiriyey Cabdikhayr Sheikh Xassan Sh. Soofe
waxaa lagu soo bandhigay Shirkii bulshada
Soomaaliyeed ee waqooyiga America ee lagu qabtay
Columbus, Ohio Maarso 10-11, 2007.
Shirkaasoo ay soo abaabuleen
aqoonhanno Soomaaliyeed waxaa uu ku saabsanaa
sidii midnimo Soomaaliyeed loo heli lahaa iyadoo
loo marayo wada xaajood iyo dedaal aan rabshado
wadan. Soofe wuxuu ku halqabsanayaa Eng. Maxamed
Cali Cibaar oo ah aqoonyahan iyo abwaan
Soomaaliyeed oo deggan waddanka Holland
marwalbana ka hadlo wado jir, madaxbannaani,
nabad iyo midnimo Soomaaliyeed, si gaar ahna
saaxiib u yihiin Soofe. Faahfaahin dheeraad ah
gabayga isaga ayaa iska bixinaya.
GABAYGII
CABIR WAA KAN HOOSE:-
Caynka gabay Cibaarow adaa caalim
ku ahaaye
Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Calankeenna daafaca adaa cod ula taagnaaye
Caawimaadda ehelkuna aday kugu cuslaanayne
Curiskaaga yaa laga gartaa caaqilkaad tahaye
Cimrigiisu raagyow runtaan kuu cabbirayaye
Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne
Casiiskii na uumiyo markaan diinta ku ciyaarnay
Ku
ceebownay ciiddaan lahayn caalamkoo idile
Carruurtiina nala yaabtay iyo caaqa liitaaye
Caadiyo waxaan dhaqan laheyn camal karaameysan
Cayayaan waxay nagu tirshaan aan cindi lahayne
Ciilkaan la seexdaan walaal kuu
cabbirayaaye
Cabashadeyda saakana bal maqal Caadilkaa weyne
Cafiskiyo qoomkii nabadda naca oo is ceyrteeya
Oo
ceesh qabyaaladi u tahay cudurna maalaaya
Markey
kala caroodaan dadoo cidiba meel aaddo
Cadowgii nimuu ciidanshaan caymo filaneyne
Qalbicamo markii loo xuliyo kuwo ciyaal suuqa
Oo
caalimiintii la naco jaahilna caweeyo
Caku
kama dhamaatiyo inuu galo calolyowe
Annagana canaasiir ayaa noo cimaamadane
Calaf
waxay u haystaan wixii gala calooshoode
Cosobkii dhulkeeniyo dalkii siiste caanteyne
Cawaannimo halkey gaartay baan la cajabaayaayoo
Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabbirayaaye
Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
Ciil
looma go’ Maxamedow ceeb adduunyada’e
Soomaali caawa sidey tihiyo caatadaa muuqan
Nimankii colaad waarta iyo iyo
cudurka beeraayay
Nimankii cududdii aan lahayn
cadcad u googooyay
Raggii
ceynwareejiyay talada samana ciideeyay
Culimaa’uddiinkiyo kuwii caaqillada iibshay
Colaadaha kuwii huriyayee gooyay ciribteenna
Caadaqaatayaashiyo kuwii cunayay jiirkeenna
Nimankii cidihii soomanaa casar duqeynaayay
Nimankii carqaladeynta iyo dhibka ku ceeshaayay
Cilladihii dhexdeenniyo kuwii keenay caalwaagu
Haddey
maanta casumeen Tigree waan cajabayaaye
Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabirayaaye
Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
Itoobiya col baan abid aheyn taniyo coorcoore
Ceyriinka nimankii baroo ceyrsadaan nahaye
Maantana haddaan cudud la siin caalamna u
hiillin
Cashar
kale inaan siin lahayn waa wax caadiyahe
Marka
ciidan is horjoogsadee taangi la cabbaysto
iga celiya wow caado oo kama
cabsoodaane
Cadow soo gurmanayaa hadduu cirka
ka soo duulay
Oo uu carshaantii gubiyo xoolo
cows daaqa
Carradeenna uu xoog ku yimid lana cambaareynin
Haddii dulmigii loo ciidanshoo
xaqii la ciideeyay
Caaq
bey la tahay guul iney cadowgu gaareene
Waa
cowradii dunida oy calal ka feydeene
Ciilkaan la sexdaan walaal kuu
cabirayaaye
Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.
Nin
caqligii calool uu ka galay waa caddilanyahaye
Cawaantaa la soo waalayee calawasaadeysa
Caaqibadey la kulmayaan ciribxumaanteeda
Caalim
kii ahaa wari ninyahow caamo yeelkeede
Musafeni cantuuguu rabaa cunaha naafeyne
Caddaaladda hadduu jecelyahoo cahdi uu dhowraayo
Cagafcagaf ma mariyeen dhallaan waayay
caanihiye
Coomaadi kuma soo kacsheen wiilal caaridaye
Cirroolihii ma wada layn lahayn cunugyow jog
yiriye
Intii
dumar curyaan noqotayoo hooyo la ciqaabay
Cisbitaal intuu gubay ayaan
cidina moogeyne
Caydhteeyay shacabkiisiyoo cunto ma haystaane
Caynkii Koongo hadduu naga rabiyo
inaan casnhuur dhiibno
Oo uu dhulkaa wada camiran qeyb
calaameytay
Ceego wow danbeyn idam-Ilaah iney
cabaadaane
Anoon cagajugleyneyn runtaan sii
cabbirayaaye
Cabiidnimo ninkii nala rabow
taladii kaa ciirtay
Abdikhayr Sh. Soofe
soofe@hotmail.com
Afeef:
Gabayga sare waxuu ka turjumayaa aragti cabirka
gaarka ah ee mu'alifka uu magaciisa kor ku qoran
yahay.
Allgedo News Media Network
Xafiiska Muqdisho
allgedo@allgedo.com
|