WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, News,  February 11,  2006

Gudoomiyaha Ururka Somali Associations of Arizona Dr. C/xakim Axmed C. Cisman oo soo saaray qoraal isugu jira Ogeysiis, war bixin kooban oo ku saabsan Ururka SAA, ujeedada wax qabadkooda, bogaadin iyo codsi
Dhageyso wareysi maqal ah oo ay allgedo la yeelatay Guddoomiye Cabdixakim/ February 12, 2007

(Allgedo News) - Guddoomiyaha Ururka SOMALI ASSOCIATIONS OF ARIZONA, Dr. C/xakim Axmed C. Cisman ayaa waxaa uu Jimcihii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu aheyd February 9, 2007 soo saaray qoraal uu kaga war bixinayay ujeedada loo aas-aasay Ururka SAA, wax qabadka Ururkaas, bogaadin iyo hambalyo uu u jeediyay dhalinyarada ku howlan arrimaha Isboortiga iyo guddiga cusub ee Isbortiga ee dhawaan la magacaabay, isagoo isla markaana balan qaaday in uu maamulka SAA la shaqeyn doono guddigaas oo ka kooban shan xubnood oo kala ah:-

 1. C/Naasir Guuleed 
 2. Cabdicasiis Cabdi
 3. Maxamed Khalif
 4. Cabdi Sheikh (Qeys)
 5. Aden Idiris (Mahad)

Warqadda kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha oo loo qeybiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona, gaar ahaan kuwa reer Phoenix ayaa u qorneyd sida soo socota:-

UJEEDADA URURKA SAA

Ujeedada loo dhisay SAA waxay aheyd; kor u qaadidda hab nololeedka jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Arizona sida: Waxbarashada, Caafimaadka, dhaqaalaha iwm, isla markaana waxaa loogu talagalay in uu Ururku ku shaqeeyo habka ugu wanaagsan ee loola dhaqmi lahaa mushtamaca Mareykanka ee sida sharafta leh noogu soo dhaweeyay wadankooda.

Sidoo kale,  ujeedooyinkii Ururka loo aas-aasay waxaa ka mid ahaa in uu ka hortago wax kasta oo keeni kara dhibaato sida kala qeybinta jaaliyadda ama abuuri karaba qas iyo jahawareer bulshada Soomaaliyeed ee reer Arizona dhexdeeda ah. 

Dhanka kalena, si loo helo wadajir iyo midnimo guud ee jaaliyadda dhexdeeda ah, Ururka SAA waxuu mar kasta diyaar u yahay isu soo dumidda iyo wax ka qabashada baahida guud ee hortaala Ururka oo aan hubno in aanay aheyn mid sahlan, balse aan aaminsan nahay haddii aan dadaal iyo samir badan la imaadno, Ilaahna uu nagu garab galo in aan ka gudbi doono dhib kasta oo naga hor yimaada.


WAXQABADKA URURKA

Ururku wuxuu had iyo jeer u taagan yahay wax ka qabashada baahida guud ee jaaliyadda sida: Waxbarashada, xalinta khillafyada bulshada dhexdeeda ah, ku wacyi gelinta bulshada sidii wax loola qabsan lahaa bulshooyinka kala duwan ee aan ku dhex nool nahay, ku baraarujinta jaaliyadda muhiimadda ay leedahay midnimada iyo sugidda nabad ku wada noolaashaha, u gar-gaaridda kuwa tabarta daran ama xanuunsan, shaqo geynta, wax ka qabashada baahida dhanka howlaha socdaalka (Immigration cases) iyo waliba kuwa la xariira dacwadaha maxkamadaha oo isugu jiri kara kuwo fudud yo kuwo adagba.


CODSI

Waxaan ka codsaneynaa dhamaan wax garadka jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona in ay Ururka usoo gudbiyaan wixii toosin ama talo bixin ah ee ay isleeyihiin waa loo baahan yahay in wax qabadka Ururka lagu daro.  Sidoo kalena, Ururka SAA waxuu gacmo diiran kusoo dhaweynayaa cidii rabta in ay howlaha balaaran ee jaaliyadda loo hayo uga qeyb qaadato waqti iyo aqoon ahaanba (time and knowledge wise support.)



OGEYSIIS

Waxaan ogeysiineynaa dhamaan waalidiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona, gaar ahaan kuwa ku nool Phoenix iyo hareeraheeda in ay kasoo qeyb galaan shir looga hadlayo kor u qaadista tacliinta dhalaanka oo lagu qaban doono:


Roosevelt Plaza 945 N. 40th Street
Phoenix, Az, 85008, qolka shirarka

Maalinta: Feb. 24, 2007
Saacadda: 11:00 am



Wareysi ay Allgedo horay ula yeelatay Dr. Cabdixakim Axmed Riix (Wareysi)
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com