WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Maqaal,  January 25,  2007

Maxamed Siyaad Barre oo aan ku riyooday...!!!

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa "Riyo" aan arkay Ramadaankii la soo dhaafay, oo weli sidii ay ahayd iigu muuqanaysa. Shaki iigama jiro in ay soo bandhigidda Riyadani, uu ruuxba si u qaadan doono, sida ay la tahayna u fasiran doono, hore ayaana loo yiri:" Hadal waa Mergay oo kale..".  Weji kasta oo loo qaato iyo qaab kasta oo loo dhigaba, fasiraadda iyo ujeeddada runta ah ee "Riyooyinka" Ilaahey un baa garanaya, waxayna ahayd sida hoos ku qoran:-  

Goor Casar ah ayaa waxaan dhinac-taagnaa dhul weyn, oo uu derbi ku wareegsanaa, laakin dhankii aniga i soo xigay, ma uusan ahayn derbi dhagax ah, ee wuxuu ahaa Silig aan gudaha oo dhan ka arki karayay, kana tallaabi karayay. Ballaca dhulkaas wuxuu qiyaastii ahaa 200-mitir, oo dhan kasta ah.  Dhinaca midig ee gudaha dhulkaas wareegsan, waxaa ku yaallay Geedo aan ahayn Geed-mirood, sidaas u dhaadheerayn, laakin la harsan karo. Geedahaas hoostooda waxaa ku ciyaarayay wiil iigu muuqday qiyaastii  dhowr iyo toban jir. 
   
Dhanka  bidix ee gudaha dhulkaas, waxaa ka dhisnaa daar (Guri ) saddex dabaq ah, oo ay dariishadaha badankood u furnaayeen, nalal cad-cadna ay ka daarnaayeen (ifayeen).  Qaybta dambe ee gudaha wareeggaas, laba nin oo Xoogsato u muuqday ayaa dameero laba ah u falayay dhulka, oo u egaa (ekaa ) inay beer-ahaan u diyaarinayeen.  Waxaa kaloo jirtay qayb kale oo gudaha dhulkaas ah, oo aanan caddayn karayn wixii ku yiil.

Dhul dhexe, ballaaran, oo qaybahaas aan soo xusay u dhaxeeya, oo doog ah ayuu dhex soc-socday Allaha u naxariistee: Maxamed Siyaad Barre.  Macawis kuwa qaaliga ah ayuu hoosta ka xirnaa, korna wuxuu ka gashanaa Funaanad cad oo garba leh;  ma sheegi karo kabihii uu gashanaa, hase yeeshee, wuxuu gacanta midig ku watay Tusbax, wuxuuna u muuqday ruux werdinaya (subxaanallaysanaya). Sidaas uma sii buurrayn, caatana ma uusan ahayn, laakin wuxuu lahaa Calool kuusan, oo wuxuu iigu muuqday ruux iska ladan oo nabad-qaba.
     
Wiilkii yaraa ee Geedaha ku hoos ciyaarayay, ayaan aniga oo weli siligga dibaddiisa taagan, la hadlay oo ku iri:" Wiilow, waxaan rabay Jaalle Siyaad..". Wuxuu iigu soo war-celiyay: " Waakaas  meesha dhex
soc-socda ee Macawista xiran".

Degdeg ayaan Siliggii uga tallaabay, oo u dhaqaaqay dhankii Siyaad Barre, aniga oo socod-boobaya.  Markii aan ku dhowaaday, ishana uu igu  qabtay, ayuu iga sii jeestay, oo iska sii socday, isaga oo aanan ila hadlin....!!!. Inta aan soo hor-goobay, ayaan cod dheer ku iri:"  Jaalle/Siyaad, ma i illowday, waxaan ahay Muxyaddiin Kaalmoy, ee  iska warran...".  Inta uu soc-socodkii joojiyay, ayuu wuxuu iigu jawaabay:" Kuma aanan illaawin, si fiicanna waan kuu xusuustaa,
laakin waan kuu carays-nahay...!!!". Aniga oo hadalkiisa la yaabban, ayaan iri:" Maxaa dhacay, oo aad iigu caraysan tahay ...?!!!".
Wuxuu iigu jawaabay:-" Kaalmooyow, wixii uu Kacaanku u qabtay dalka iyo dadka Soomaliyeed waa aad og-tahay, xog-ogaal buuxa ayaad u tahay, awalkooda iyo aakhirkoodaba. Adigu Aqoon-yahan iyo Hawlwadeen xalaal ah, oo si fiican noola shaqaynayay ayaad ahayd; ilaa xildhibaannimo ayaad gaartay; firfircoonaan, waddaniyad iyo niyad wanaagsan ayaan kugu aqaannaa...Kuwa Cadowga nala ah ee na
colaadiya, waxay weligood dafiraan wixii wanaag ahaa ee aannu qabannay; waxayna buun-buuniyaan wixii gefaf  Siyaasadeed ama farsama-xumo  ahaa ee aannu galnay, ma gefana waa Ilaahey."
"Waxaad ogayd oo aad weliba xogtooda heysaa wixii aannu dhisnay, gadaasheense la dudumiyay ee isugu jiray: Dugsiyo, Machadyo, Kulliyado jaamacadeed, Cisbitaallo, Warshado, Waddooyin, Mashaariic Xoolo, Beero, Kalluumaysi, Biyo iyo koronto-gelin iwm.".   Kaalmooyow, farta Soomaaliga ah ee aad adigu sida xariifnimada ah hadda wax ugu qortid, ayaa ka mid ah wax-qabadkii Kacaanka"..."
Ciidan tababaran oo turuqyo waaweyn waa tii aannu dalka u yeelnay, una heellanaa difaaca dalkan  uu hadda sidii la doono uu cadawgu ka yeelo".   " Haddaba, waxaan Kaalmooyow ku weydiinayaa, waa tan aad Wargeysyada iyo Shabakadaha la aqristo wax ku qortide, maxaa kuu diiday inaad qortid "wax-qabadkii Kacaanka"...?!!!. Maxaa kaa hor-taagan...?!!!. Miyaadan ahayn Kaadarkii aannu jeclayn ee niyadda samaa...?!!!.  Wax xumaan ah maba aan kugu ogiye, xaggee lagaa heystaa...?!!!".

Waxaan  iri:" Jaalle Siyaadow, inta aad igu sheegtay  iyo warkaaga oo idil waa run, waana xaq; waana ay jirtaa in aan hayo Xogtii  Kacaanka oo idil, aanna si fiican u qori karo, aniga oo aanan cidna wax weydiin; saaxiibbada qaarkood ayaaba iigu yeera "Arkiifiyo"; laakin Jaalle Siyaadow, maxaad ka og-tahay Xaaladda aan gadaashaa iyo haddaba ku sug-nahay iyo guud-ahaan arrimahayga..?!!!".  Wuxuu la soo booday oo yiri:" oo Sidee ah ?".  Waxaan iri:" Tan iyo markii ay dhacday dawladdii aad Madaxweynaha ka ahayd 1991-kii soo  orodkii aan bilaabay ayaan weli ku jiraa, oo ma aan saldhigan...!!!; 20-kii Juun 1991-kii ayaan Muqdisho lug uga soo dhaqaaqay (Yacni baabuur); Itoobiya iyo Jabbuuti ayaan  soo dhex-jeexay; Barbara ayaan
maalmo Maxbuus ugu ahaa rag SNM-la shaqeeya".   Wuxuu la soo booday jaalle Siyaad oo yiri:" oo maxay kaa rabaan oo aad ka galabsatay..?!!!".  Waxaan ugu jawaabay:" waxay i yiraahdeen; Waa qab-qablayaashii Af-weynee qabta; Waa Kaadarkii Kacaankee  qabta...muxuu innaga soo doonay ?!!!.Halkan waa Somali-land, ma waxaad moodday  gobol  ka mid ah Soomaaliya..?. Iyaga oo
ereyadaas leh ayay maalmo Xabsiga Barbara igu hayeen, wax kale ima yeelin, laakin, hanjabaad iyo su'aalo ayay igu daaliyeen". Wuxuu i yiri Maxamed Siyaad:" Kuwaas arrimahooda ka bax ee  iiga warran xaaladdaada hadda...".

Waxaan iri " Weli ma aanan saldhigan, dhowr iyo toban sano ayaan Yemen ku noolahay oo ku taag, tabar, tiirsi iyo taakulaynba la'ahay...Yemen waa dal  sabool ah; ruuxii aan dibadaha kale laga soo kabaynna waa adag tahay inuu ku noolaado, hadduusan Alle si kale u quudin...Anigu ma aan shaqeeyo sanooyinkaan dambe; kaalmo Qaxooti ma qaato; dibad la'igama soo biilo; qoys ballaaranna waa aan hayaa; aniga ayaaba isla-yaabban sida aan u noolahay..!!!".

Anigoo hadalkaygii sii wata ayaan iri:" Haddii ay noloshaydu meel ku
tiirsanaan lahayd, waxaan ahaan lahaa ruux deggan, waxaanna  u tafa-xeydan lahaa inaan wax ka qoro "wax-qabadkii Kacaanka"; Wargeysyo iyo shabakado ayaad sheegaysaaye, buugaag ayaan ka daabici lahaa mirihii Kacaanka, ha la rabo ama yaanan la rabine, waayo, run iyo ilkaba waa la caddeeyaa, waana igu ballan
haddaanan dhiman". Waxaan u sii raaciyay:" Biilkii Caruurta iyo Kiradii Guriga ayaan la daalaa-dhacayaaye maxaan wax qoraa; illayn maan miyir-qabaa wax-qoree..!!!".

Wuxuu haddana i weydiiyay, isagoo uu hadalkaygii saameeyay: " iiga warran Waxbarashada Caruurtaada..?". Waxaan iri " Intii karaankayga ah waan dadaalay, rabbina waa uu igu garab-galay; Dugsi Dhexe, Dugsi Sare ilaa Jaamacad ayay kala dhigtaan Caruurtaydu".

Wuxuu yiri:" Si fiican ayaad u dadaashay dhankaas; waalidkuna wuxuu ubadkiisa wax taray, marka uu wax-baro; waa tii aan oran jiray Doonaa waa gaaraa, waadna u aayi doontaa...Dhanka kale, shaki kuma jiro, dhibaatadaaduna waa ay i dhibaysaa, oo weliba si gaar ah ii damqinaysaa; hadduu Alla idmana waad ka bixi doontaa ciriiriga xagga nolosha  ah ee aad ka cabanayso, oo faraj Allah wuu dambeeyaa".
 
Intaas markii uu i yiri, ayuu warqad yar iyo qalin kala soo baxay guntiga
isagoo dhoolla-caddaynaya, oo bilaabay inuu wax ku qoro warqadda yar; Ma garan karo inuu aniga wax iigu qorayay iyo inuu xusuus-qor ahaan u qaadanayay  wixii war ahaa ee na dhex-maray. Anigoo halkaas taagan ayaana indhaha soo kala qaaday oo ay riyadii iga kala  go'day....!!!, waxaan is-arkay anigoo dhex-jiifa gogoshaydii guriga Sana'a-Yemen....!!!.

Qoraaladii hore ee Kaalmoy waa kuwaan hoose:

Dhacdooyin la yaab leh!!!!!!!!
Yuu yahay ayaa yaq-yaqsi leh...!!!"
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Qaybta 1-aad)
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Qaybta 3-aad) iyo maqaalo kale
Qaabab kala gedisan baa naloo calfaday
Yaa gooyay Geedkaan...?!!
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu?!!
Astaamaha Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!



WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com-



Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com