|
Maanso Cusub:
Hoga-tuusaale
By Cabdikhayr Sh. Soofe
=================
Inta aanan hadalkeyga
Dulucdiyo halkaan maagay
Dhanka hore u sii aadin
Bisin aan horreysiiyo
Allahii baddaa how leh
Berri lagu habaabaayo
Cirka aanu huwaneyno
Hawadaan dikhoobeynin
Harooyinka xareedeysan
Nooluhu ka haqab-beelo
Iyo heerkul miisaaman
Hibo gaar ah noo siiyay
Nimco hodana weeyaane
Mahaddiis horta aan sheego
Oon hanuunna weydiisto
Halkii roon asaa garane.
Halgankii Rasuulkeenna (scw)
Hilin lagu badbaadiyo
Hiillada xaqa uu siiyay
Wixii lagu hajuumaayay
Doqon uu huruufaayay
Haween iyo caruur waalan
Harsi waxay u diideenoo
Meel uu hargali waayay
Hijradiyo socdaalkiisi
Saxaraha harraadkiisa
Wuxuu halaqyo sii jiidhay
waa howl aan fududeyne
Siduu samir u heenseestay
Hal adeyg go’aankiisa
Iyo ficil hufnaantiisa
Yaan u hambalyeeyaaye
Yaan ugu hilownaaye
Yaan ku hiraneynaaye
Hadhacii jannaad Eebbe
Ha ka yeelo hoygiisa.
Intaas horudhaceygii dheh
Hoobaanta suugaan dheh
Khayr ku hamigiisii dheh
Nacabkana halgaaddii dheh
Ha’ba waaa ha’deediiye
Warkey haaddu noo keentay
Hoos iyo markaan aado
Maansooyinkii Haanta
Ama Heeryo doonkiyo
Hanka xumi ha beenoobee
Hal-abuurku faalleeyay
Inkastoo uu heerkeedu
Ama hillinka ay qaaday
La igala habboonaayoo
Hungo in ay ku sii socoto
Jarna ay ka sii haadin
Aanu noqon horseedkeedu
Musiibooyin lagu hoobto
Yaan ku haminaayaaye
Heesta laysku tuurtuuray
Waa Hoga-tusaaleyne
Waa himilo nuurkeede
Aniguna hal aan raacsho.
Sheydaanku waa halise
gantaalaha hillaacaaya
Hugunka iyo baaruudda
Uu nacabku soo hoobin
Oo shacabkii halakeeyay
Hooyooyin waayeel ah
Ubad oon la haqanaaya
Iyo dhaawac haaraaya
Waxa jira dir uu holaca
Iyo hoogga umaddooda
Hantidooda gaar mooda
iyo doollar uu helayo
Haabhaaban meel beena
Oo hunguri uu waalay
Hodannimana taas mooda.
Hunu’hunu’du waa liide
Adigoon hubsannin xaajo
Inaad horay ka soo booddo
Ood fudeyd la haad-haaddo
Habhableyso waa ceebe
Heesahan is dhaafdhaafay
Iyo haanta ruxiddeeda
Dharaar iyo habeenkiiba
Huuhaa an soconeynin
Hebelhebel dadka u qaybin
Iyo hurin colaad raagta
Howshiisu key tahayee
Soo haliilayow hee dheh:
Howtulhamag ayaad tahaye
Hogga aad ku sii socoto
Waa meel halaag yaallo
Waa lagu holmaayaaye
Intaan hoogay kaa yeedhin
Talo wey habboontahaye
War haddaba ka soo joogso.
Hambo liidatiyo malaha
Wuxuu quud hodaad tahaye
Kaa hoostay xaajaduye
Adoo hobol is moodaaya
Hadalkaad tibaaxayso
Halqabsiga mudaantiisa
Heelladiyo dulucdeeda
Hal abuur qallooceeda
Hawraarta nuxurkeeda
Hadafkeedi way seegtay
Waa dacar hulaaqeysa
Waa qabyaalad heegeysan
Iyo waliba cudur halis ah
Suugaanta hibadeeda
Hirashiyo wacnaanteeda
Huga iyo daboolkeeda
Hootiyo dagaalkeeda
Hawo iyo damaaceeda
Hurin iyo colaaddeeda
Haaneed aqoonteeda
Hawl iyo waxkariddeeda
Hagaag iyo tilmaanteeda
Maamul iyo habsamideeda
Haybad iyo xurmaynteeda
Haabashiyo ka doonkeeda
Hikaaddiyo sugnaanteedi
Middan adiga kaa hafatay
Marinkeedi ka habawday
Waa hadaaq huf iyo been ah
Deelqaaf hu’ loo geliyay
Iyo hilifyo jeexjeexan
Foolxumana la hoolhoolan
Oo lagu hunqaacaayo.
Ninkan haanta riixaaya
Horay iyo gadaal jooga
Hebadyahow waryaa heedhe
Hobolnimo warkeed daaye
Haybad inaad ka tahay maafish
Ooy sheeko kaa hoostay
Shacabkaad hujuumeyso
Doqonnimada hiifeyso
Hanjabaad u marineyso
Ood huwanta soo duushay
Iyo halaqyadaas muuqda
Hogga aad u gelineyso
Ood horumarkaa mooddo
Hal inaanan laga reebin
Nin habowsan baad tahaye
Markuu cadow hayaamaaya
Ku harraatiyood ooydo
Ooy hoogay kaa yeerto
Hareeraha markaad eegto
Hurna ruux leh aad weydo
Ama hiliboo kuu naxaya
Hamiguna uu kaa gaabto
Waa lama huraankiiye
Hilbodirir markey joogto
Hootana is dhaafeyso
Hareertaa kuwii joogay
Sow halyeeyadii dhaartay
Horor kula yureynaayay
Dhiiggooda kuu hurayay
Iyo hanti waxow yaallay
Hor Ilaahay ee ma aha?
Iney garasho kaa haadday
Damiirkii lagaa hoolay
Ood bakhtiga hiigeyso
Iyo qurunka kuu huursan
Nin hinaasay baad tahaye
Dumarkaad huruufeyso
Hambalyeyn dhibkii gaaray
Iyo huq iyo ciilkooda
Sow hooyadaa maaha?
Sow habaryartaa maaha?
Sow eeddo huban maaha?
Sow Habboon walaal ma ha?
Sow haweenkayagi maaha?
War habaarqabaad tahaye
Hadii waa dagaal halisa
Howsar laysku naafeeyooy
Is halleysay Soomaali
Halbowlaha is wada goysay
Nabad baa la heybshaaye
Heshiis baa la doonaaye
Reerka lagu hagaajaaye
Ma-hubsade inaad huruddo
Uuna haawin maankaagu
Harar iyo Hawaash qarniga
Hororkii waxyeelleeyay
Hadmaad Xabashi heegeysan
Oo hujuumi ciiddeenna
Habqanoo wax boobaysa
Waxna aan hambeyneynin
Gacal hiillin aad moodday?
Kugu hayba aad moodday?
U hibeysay hoygaagi iyo
Dhaxal waxaad haysay?
===Dhamaad===
Abdikhayr Sh. Soofe
soofe@hotmail.com
Afeef:
Maansada sare waxuu ka turjumayaa fekerka iyo aragti cabirka
gaarka ah ee mu'alifka uu magaciisa kor ku qoran
yahay.
|