WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo, Maanso, Arbaco, May 16, 2007

Maansadan "Haragga haku cunin neefka!" waxaa tiriyay abwaan Shaafici Xassan Maxamed.


Qoraaladii hore ee Shaafiici Xassan Maxamed waa kuwaan:-

  Maandhow hammiga suubbi! (Maanso)
  Labajibbaar (Gabay)
  Caafimaad 
  Gabar soomaalida u gaalowdey!
  Gabaygii "Sad libaax" oo xiisado kiciyay!
  Weerow nin aan ku aqoon ku waac dhedh!
  Hanbalyo aroos
  Sad libaax
  Nayroobi (2)
  Nayroobi (1)
  Carruur
  Maansada iyo mujtamaca
  Baryo iyo baqdin
  Sansaan xornimo

Haragga ha ku cunin neefka!
 

Maansadu waxay silsiladda ”Haanta” ku soo biirtay 16-5-2007, waxayna jawaab u tahay maansadii ugu danbeysey ee ”Heeryo”.
 

Haanyahay dhigdhigo dhabaryar

Lingixiyo higaaggaaga

Haruubkiyo daboolkaaga

Satiga habaqsanoo gaaban

Furka hibitiqdii daadshey

Iyo saabka kugu heelan

Jilka iyo hargaha saaran

Iyo gadowga heeraaran

Iyo ciirta kugu huursan

Adigoo hingilan meesha

Markaad dooddii holi weydey

Oo hebel u yeer yeedhay

Oo hiil ka soo weydey

Hadba meel u haarkaaga

Ma Hadraawi baad aaddey?

Isna hubantiday weeye

In uu ku hagran doonaaye

Ha ku daalin hawshiisa!

 

Balse waxaadan hurahaynin

Tixahayga kuu heellan

Jeer aad hanuunaysid

Inaad ka haqab beeshaaye

Halbawlaha surkiyo dhuunta

Haanka iyo luquntaada

Margiyada hareertooda

Jaqallada hilboonaadey

Iyo rubadda halowdeeda

Xanaaq yaanu kaa haynin!

 

In aad meel hulaaqaysid

Anna meel ka soo heesay

Qabiil hoolif lagu caayo

Haddii aad halbeeg mooddey

Taasi wayska hayb haybe

Qabyaaladina waa halise

Waa lagu habsaamaaye

Hididdiilo kale yeelo!

 

Waa waxaad hinraaggeeda

Iyo hugunka dhuuntaada

Holaciyo kulaylkeeda

Harjadkiyo walaaceeda

Iyo hawkarkiyo daalka

Adoo ciil la hoyan waayey

Ficilada harraadkeeda

Habeenkii u guuxdaaye

Ha ku daalin hooggeeda!

 

Hurruqhaarruq baa badatay

Iyo heer saraan ahaye

Hiddihiina dhooqowye

Rag baa dabada laga heeray

Oo haaro loo yeelay

Markaad ku hindisoonaysid

Haasaawihii dhimaye

Hadaaqii yaraantaada

Miyaan lagugu hawshoonnin?

Mase dhaqan hallawgaaga

Iyo habacsanaantaada

Waa heelladii Yurube

Hadal toosan baad mooddey?

 

”Maandhow habka ilaali”

Ayaan hore mar kuu iriye

Himilaan u sii sheegay

Habayaaq inaad tahaye

Maahmaahda higilkeeda

Haddaan halal ka soo qaato

Hanjabaadda iyo caydu

Nabaddiyo hannaankeeda

Way kaa hawadiyaane

Hujuunkiyo colaadahana

Guul sooma hoyiyaane

Sidii haramcad gaajooday

Haragga ha ku cunin neefka!

 

Maahmaahda hilinkeeda

Haddaan hore u sii raaco

Inantii hordhalad qaadda

Hingaarnaanta ubucdeeda

Hadday maro hullaabnaato

Markay foosha hayn weydo

Hoosta iyo lugeheedu

Waa sida hillaaciiye

Hanan weydey sirihiiye

Hargeysiyo Burciyo Gebiley

Calankay harsanayaane

Dhulkii hooyo weeyaane

Hawlo kale miyaad mooddey?

Hunbaallaynta murankaaga

Waddan kale in aan haabtay

Maxaad iigu hiifhiiftay?

 

Hiilgurasho go’itaan ah

Heli maysid weligaaye

In aad calanka hiighiigtid

Oo aad hilfo u yeeshid

Waad ku hawirmaysaaye

Heshiiskii horaa yaale

Hoorkiyo ilmada jooji!

 

Weriyaha la halakeeyey

Maxaad heesta ugu cayday?

Hadhuudhkii la kala boobay

Musuqmaasuq baa helaye

Maxaad heeggan ugu doodday

Oo huga u saarsaartay?

 

Shacabkiyo hamuuntiisa

Dadka meesha lagu huurshey

Hayaaydiyo dhawaaqaygu

Hinaasiyo col ma ahayne

Maxaad ii horqabataysay?

 

”Hargeysaa hal lagu maalay”

Hawraartu ma ahayne

Adaa haatan wada taase

Labada maamul hoosaadba

Shacabkaas hunrigu diiray

Guurtidiyo hay’aduhu

Waxba uma hanbeeyaane

Ha difaacin haantooley!

 

Dhaartiyo hilaaddeeda

Saddexdii ha’ gaaboodba

Waxaan kuugu maray heedhe

Maskaxdayda hirarkeeda

Iyo laabta haraceeda

Hargeysa iyo shacabkeeda

Khayr baa u hoos jiifa

Hilow baana iga buuxa

Adigaan hubsanahayne

Himmadaydu waa saafi

 

Dhaar kale haddaan hoobsho

Hakashaba anoo diiddan

Hawaaraha quraankoo dhan

Iyo Eebbihii hoorshey

Ayaan haw ku marayaaye

Midnimada hummaaggeeda

Iyo heykal qarameedka

Ninkii meel ka hoolhoola

Hootadiyo warankayga

Hubuq in aan ku siin doono

Ha halmaamin waa dhaare!

 

Muqdushadaad habaaraysid

Foolxumo ma hoos taale

Hadduu Eebbe waa hodane

Dawlad loo hamrado geeyey

Hammigaaga nacasoobey

Colaad inuu ka hurin doono

Waa xalay habeenkiiye

Gadaal ugu hawoon mayso

Halaaggii la soo maraye

Hadda iyo wixii laaban

Horusocosho weeyaane

Hororkiyo waraabuhuna

Hawd bay ku go’ayaane

Heeshigu markuu dararo

Adoo hilibdalqaha muujey

Hangarallow ha caytamine

Haruubkaaga soo qaado!

 

Haddaan horumar kuu sheego

Ganacsiga hannaankiisa

Iyo kala habayntiisu

Hadaf suubban weeyaane

Isagaa hub iyo saanad

Dadka uga horseed roone

Markabkiyo hillaantiisa

Doonnida baddaas haw leh

Haraaciga dekedeheenna

Diyaarado hawada xiima

Oo Hindiya ka soo duulay

Warshadaha huluushooda

Baabuurta hugunkooda

Dharka iyo harqaankiisa

Iyo halalacdii suuqa

Ayaa loo han weyn yahaye

Maandhow hurdada jooji!

 

Harada iyo webiyaasha

Harabaynta iyo beerta

Galleydiyo habuuqeeda

Digirtiyo halweynkeeda

Canbaha heegga sare jooga

Babaygiyo hawada fiican

Hoobaanta iyo muuska

Liintiyo hufnaanteeda

Iyo hayjaddaas laacday

Ayaa loo hayaan yahaye

Maandhow hurdada jooji!

 

Tacliintiyo hoggaankeeda

Iyo hibasho doonkeeda

Hanboorriga adaygeeda

Hiinsiga jileeceeda

Haloosiga jidqaadkeeda

Helloonaanta fahamkeeda

Himhimow u tooskeeda

Hiraabtiyo kallihiddeeda

Hardafkiyo ku orodkeeda

Dugsiyada higgaaddooda

Khadda iyo hurmadowgeeda

Halganka iyo buugaagta

Qalinka iyo hayntiisa

Iyo hebed ka dhigiddiisa

Jaamacadda heerkeeda

Dhakhaatiir ka badan heedhe

Hanqaraarac lugihiisa

Ayaa la higsan doonaaye

Maandhow hurdada jooji!

 

Hanbalaalaq baad tahaye

Haybad iyo dadnimo yeelo

 

Hud-hud diradiraad tahaye

Heshiis iyo midnimo raadi

 

Hanfade roorayaad tahaye

Huduu iyo xasilid yeelo

 

Habqan baad u dooddaaye

Hal-abuur gingiman yeelo

 

Hurgufkaygu waa talo’e

Hidaayada ilaah baa leh

Doqontuna ma hanaqaaddo.
 

 

Shaafici Xassan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com

 

 ===Dhamaad===
 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com