|
WALAAHOWGA
SOOMAALIDA IYO WADDANIYADDA
CUSUB
Anigu waxaan
ka mid ahay dadka aaminsanaa
haddana aaminsan in heshiis iyo
awood qaybsi dhexmara
Maxkamadaha iyo
Dawladda-ku-meelgaarka ah uu
yahay waddada ugu roon uguna
dhow xal laga gaaro soo celinta
qarannimadii luntay ee
Soomaaliya. Aqoonta aan haddaba
soomaalida u leeyahay awgeed,
taasi inay dhacayso u malayn
maayo. Soomaalida hadba kan u
haysta inuu gacan sarreeyaa ma
yeelo wadahadal,” guushuna”madax
wareen waalli u eg ayey ku
riddaa.Miyirkuna uma soo laabto
jeer xeero iyo fandhaal kala
dhacaan,arrintuna farihiisa ka
baxdo.Dawladda ku meelgaarka ah
ayaa maanta taladu faraheeda ku
jirtaa,inay ka faa,iideysato
fursaddaas oo ay wadahadal la
furto Maxkamadahana furaha
qarannimo ayaa ku jirta.Waxaa la
yaab leh in arrintaa uu xataa
maraykanku arkay asagoo weliba
maalin walba si joogto ah u
dukheynaya haraagii ciidammada
maxaakiimta,xasuuq waxashnimo
lehna u geysanaya dadka
soomaaliyeed ee rayidka ah.
Waxaase
waayahan soo baxay dad soomaali
ah oo ku qaylinaya in dalkii oo
xor ah itoobiyaan qabsadeen,si
joogto ahna dadka ugu
guubaabinaya in halgan gobannimo
doon ah la qaado.Ma xuma
dareenka waddaniyeed,laakiin
waxaa la yaab leh meesha
dadkaani jireen 16-kii sano ee u
dambeysay!Xabashidu waxay dalka
run ahaantii qabsatay
1991-dii,si toos ah iyo si
dadbanna way u
maamulaysay.Ciidammadeedu waxay
ku cusub yihiin Xamar iyo meelo
koonfurta fog ah,laakiin waxay
markay rabaan soo geli jireen
meeshay rabaan.Waxay amarro siin
jireen dadka deggan
magaalooyinka ay soo geli
jireen,waxayna kaxaysan jireen
qofkay rabaan.Meelaha aysan
ciidammadeedu tegin waxaa u
joogay maamullo ku sheegyo u
fulin jirey waxay rabaan iyagoon
wax hawl ahi ugaga bixin.Taas
ayaan anigu u aqaan gumeysi,cid
halgan gobannimo doon ah ka
abaabusheyna ma arag.
DANTA
ITOOBIYA KA LEEDAHAY SOOMAALIYA
Markii
Itoobiyaanku wax ka abaabulayeen
shirkii Keenya ee soomaalida loo
qabtay,waxay mar walba u
ololeynayeen inaan wax dawlad
ahi meesha ka soo bixin,haddii
ay soo baxdana ay noqoto mid aan
waarin.Dad ayaa qaba in
itoobiyaanku rabeen in dawladda
Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali
Mxamed Geeddi horboodayaan ay
guulaysato oo dalka hanato.Taasi
wax jira maaha.Markii dawladdu
fadhiday Jowhar Itoobiyaanku
waxay la daba joogeen
dibindaabyo,waxayna iyada iyo
maraykankuba taageerayeen
dagaal-oogeyaashii
Xamar.Sababtuna waa sidan; Danta
Itoobiya ee Soomaaliya waxaa ugu
waaweyn,sidaan anigu qabo, 3dan
qodob:
1)
In aan dawlad Soomaaliya ka
dhalan,dalkuna u kala
qaybsanaado gobollo mid kasta
leeyahay maamul hoos yimaada
Itoobiya.Taasi waa gumeysi toos
ah,waana tii dalku ku jiray
16kii sano ee la soo dhaafay.
2)
In Itoobiya hesho dekad ay siday
rabto ugala soo degto waxay
rabto,qiimuhuna jaban
yahay.Baahidaas waxaa ka haqab
tirtay dekadda Berbera.
3)
In jabhadaha ku kacsan maamulka
tigreega aysan u helin meel u ah
fariisin oo ay kaga soo duulaan
Itoobiya.Taasoo ah mid
Itoobiyaanku ku xalliyeen
qabsashada Soomaaliya.
Sababo
kuwaasi ugu waaweyn yihiin ayaa
ku kallifay Itoobiya inay mar
kasta jillaafeyso dadaal kasta
oo la isku dayo in dalka
Soomaaliya qaran ku
yeesho.Zenawi kursi ayuu
dhacadiid ugu jiifay,wuxuuna si
diirran ugu raaxeysanayey
waddada ay ku socoto dawladda
Embaghati oo aad ugu ekayd tii
ay martay dawladdii
Carta.Keligitashadaha Addis
abeba weligi talada kuma darin
in kacdoon siyaasadeed ay dadka
soomaalidu abaabuli
karaan.Sannadihii la sheegay
inuu Soomaaliya marti ku ahaa
waxay siiyeen aqoon aan
dhammaystirnayn oo uu u leeyahay
dadka soomaalida,isaguse u qabo
inuu khabiir ku yahay sida
soomaalidu u fakarto.Kacdoonkii
bulshada Muqdisho ee ay
hoggaaminayeen Maxkamadaha
Islaamiga ahi wuxuu Meles Zenawi
iyo maraykankaba u caddeeyey in
aysan aqoon buuxda u lahayn
dadka soomaaliyeed,wuxuuna si
halhaleel ah u beddelay
siyaasaddiisii uu 16-ka sano ku
caanomaalayey.Wuxuu door biday
inuu taageero dawladda Baydhabo
oo uu aaminsan yahay inuu ka
heli karo 2da qodob ee u
dambeeya 3dii qodob ee aan ku
soo sheegay danaha
Itoobiya.Wuxuu qiyaasay in
dawlad maxkamadaha islaamiga ahi
hoggaaminayaan uusan ka heli
karin danaha Itoobiya ay ka
leedahay Soomaaliya,Maraykanka
Oo aan maqli karin magaca
Islaamkuna wuxuu u ballan qaaday
waxa ku baxaya dagaalka.
Haddaba
annaga soomaalida ahi fursad
ayaan iska dhuminnay markii
maxkamaduhu Xamar
qabsadeen,taasoo ahayd xukun
qaybsi maskax ku dhisan oo dhex
mara maxkamadaha iyo
dawladda.Maanta oo dawladdu
Xamar joogtana fursad kale ayay
inoo tahay.Tii hore haddii aan
ka faa,iideysan weyney yeysan
tani ina dhaafin,oo aan taageero
hiil iyo hooba leh siinno
dawladda.Fursaduhu maalin walba
ina soo mari mayaan,ummadihii
aan fursadaha soo maray ka
faa,iideysanna meeshay ku
dambeeyeen kutubta taariikhda
ayaa qoraysa.Mucaaradka dawladdu
ha noqdo mid canaan iyo
tusaaleyn ah,khaladkoodana lagu
saxayo ee yuusan noqon mid
hubaysan.Nacaybka loo qabo qaar
ka mid ah madaxda dawladduna
yuusan indhaha inaka ridin.Waxa
meesha yaallaa waa ka weyn
yihiin qof ama urur.Waa
jiritaanka Soomaaliya.
Waxaa xusuus
mudan in Itoobiya oo ay ka
taliso mid ka mid ah dawladaha
adduunka ugu liita dhinac
kasta,ay dalkeenna ka yeesho
siday rabto sababtuna tahay
dawlad la,aanteenna.Marka hore
aan dhisanno dawlad soo celisa
qarannimada dalka,dabadeedna aan
awoodda saarno sidii aan u
samaysan lahayn dawlad haqab
tirta baahida aan qabno oo
idil.Waxba tari mayso walaahow
iyo iska daba-ka-laabasho aan
lahayn wax natiijo ah.Dawladda
Itoobiya ka jirtaa ma waari
karto,cimrigeedana waxaa
xaddidaya maamul
xumada,saboolnimada iyo
jabhadaha ka soo horjeeda.Ka
badan mayso 20 sano hadday
raagto,dalka Itoobiyana u malayn
maayo inuu mar dambe isu
imaanayo.Xabagta isu haysaa waa
mid duugowday.Haddaba waa lagama
maarmaan inaan is diyaarinno oo
aynnu noqonno dawlad tabar leh
maalintaa iyada ah.Dalka inaka
maqan si dhib yar ayaan markaa
ku heli doonnaa,innagoo mar
kasta awoodda saaraynna inaan
qawmiyadaha gumeysigu madaxa ka
galay xukunka Itoobiya gacanta
ku dhigin.
Dad badan oo
soomaali ah ayaa waxaa aad uga
caraysiiyey hadalkii aan loo
meel dayin ee ka soo yeeray Ina
Caydiid,kaasoo ku saabsanaa isku
darka Soomaaliya iyo
Itoobiya.Aniga siday ila tahay
taasi weligeed dhici
meyso,waxaanan marna oggolaaneyn
Itoobiyaanka,sababtoo ah;
B)
isku darka 2 dal wuxuu keenayaa
in la beddelo magaca
dalka,calanka iyo astaamo kale
oo qarameed.Dadka itoobiyaanku
way ka waddanisan yihiin
soomaalida,weligoodna ma
aqbalayaan inay beddelaan
calankooda,magaca dalkooda iyo
astaamihiisaba.Hadday Ina
Caydiid ka suurowdo inuu beddelo
magaca dalkiisa,kama suurowdo
taasi qof itoobiyaan ah.
T)
in kastoo aan lahayn tirakoob
sax ah,haddana waxaa la
qiyaasayaa in 60% dadka Itoobiya
yhiin muslimiin.Haddii 10milyan
oo muslimiin soomaali ah lagu
daro tirada muslimiinta ”dalka
cusub” ayaa aad kor ugu
kacaysa,sidaa awgeed qawmiyadaha
Masiixiga ahi marna aqbali
maayaan inay dalkooda ku noqdaan
koox yar oo aad looga badan
yahay.
WA BILLAAHI
TAWFIIQ.
Abdirahman Elmi Hashi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Afeef:
Aragti cabirka
qoraalka sare waxaa iska leh
qoraha uu magaciisa kor ku qoran
yahay.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|