|
|
 |
Dagaalka Muqdisho waa fursad
qaali u ah ummadda Soomaaliyeed
|
|
Allgedo,
Maqaal, Axad
April 1, 2007 |
Dagaalka
Muqdisho Waa Fursad Qaali u ah
Ummadda Soomaaliyeed In ku Dhaw
17 sano ayaan isu laynaynay
qabiil iyo qabyaalad sababytay
baaba' aad u wayn oo naf iyo
maalma leh, waxaa kale oo
burburay adeegyadii bulshada (puplic
infrastructures), waxaa dibadda
loo iibgeeyay qalabkii
warshadihii qaranku lahaa iyo
waliba taallooyinkii astaanta u
ahaa halgankii umadda
soomaaliyeed ay la gashay
gumaystayaashii dalkooda xoogga
ku qabsaday.
Wuxuu sababay dagaalka sokeeye
in ay umadda soomaliyeed
dacallada adduunyada qaxooti
isaga dhiibaan, lama soo koobi
karo dhibaatada iyo dhaawaca
xanuunka badan ee gaaray umadda.
soomaalida qudheeda ayaa la
isticmaalay ayaga oo loo marayo
qabiil iyo qabqable (clan and
warlord) isku dira cadaawadna
dhaxdhiga, taas oo noqotay arrin
mira dhasha (practical project)
haddaba su'aasha iswaydiinta leh
waxay tahay ciddee iska leh
eedda? ma soomaalida ayaa leh,
mise waddamada aan ogolayn
midnimada iyo sharafta
soomaalida sida Ithoobiya? waxaa
laga yaabaa in in badan ay
aaminsantahay in eedda ay
leeyihiin waddamo shisheeye
laakiin haddii ay waddamadaasi
rabaan in ay soomaaliya nabad ka
dhalan, aaway rabitaankii
soomaalida? Anigu haddaan ka
hadlo aragtidayda waxaa eeda
arinta iska leh soomaalida
lafteeda, waayo ayaga ayaa u
adeegay cadawgooda una sahlay
heerka ay maanta wax marayaan
Iftiinkii La Bakhtiiyay
Maxaakiimta Islaamiga waxay
ahaayeen iftiin u soo baxay
umadda soomaaliyeed oo aan hore
loo arag. Xaggay ku dambeeyeen?
waxaan oron karaa soomaalida
ayaa burburisay ee ma burburin
xabashi. Maxaa ka dambeeyay?
waxaa ka dambeeyay dalkii oo
gabi ahaanba u gacan galay
Ithoobiya oo ah cadawga
qaddiimka ah ee aan leenahay,
Maxaa inala habboon in aan
samayno?
Haddaan aniga iyo walaalkay
shalay isu dilaynay qabiil iyo
qabyaalad oo aan ognahay waxa ay
diinteennu ka qabto, maxaan
maanta ku diidaynaa in aan galno
dagaal ku dhisan Diin, Mabda'
iyo Waddaninimo intaba kaas oo
sabab u noqon kara arimahan soo
socda
- Gudashada waajibka Jahaadka
- Midnimada soomaalida
- Xoraynta dalka hooyo
Gabagabadii xalku waa dagaal, si
aan mar labaad uga xorowna
gumaysiga iyo gaboodfalka
- Xawo iyo nin dhiig lihi ka
gubay Xaalka maanta ahe
- Xilli weeye taariikhdu ay
xiisa leedahaye
- Xabbad baa dhacaysiyo dagaal
Xoog lahoo adage
- Xaqa iyo ninkii baadil wada
way Xisaabtamiye
- Xaliimkaa la jira geesigii
Xumaha diidaaye
- Xaaraamigiyo Tuuggtu waa Xidid
baxoodiiye
- Nimankaa inay wax u xillayn
Xabashi moodaaya
- Xigto iyo tolbaan nahay kuwaa
ugu Xadraynaaya
- Xorod iyo wadkii dilahayay
Xera u ooteene
- Waa dad aan Xasaasaha jiriyo
Xeerarka ogayne
- Xayawaannadaa naga dhashee aan
Xil garanaynin
- Xogba kama hayaan raacdaday u
Xusulduubeene
- Sharafkiyo Xornimadeenni bay
Xagalwareemeene
- Xabadlaawayaashaa inkiray
Xadadka ciiddooda
- Xays aan da'ayn iyo riyay
Xanan u jiidheene
- Xisku uma shaqayn iyo indhihii
Xaadirka ahaaye
- Xasad iyo Xaqiir oo dhan baa
laysu soo xulaye
- Waa xaaba qaadyiyo Iblays
Xayle soo diraye
- Xannaan iyo Mannaanoow
Sharkood naga Xijaab qoonka
Cabdi Ibrahim Magan
cirjiir@hotmail.com
Afeef: Aragti cabirka
qoraalka sare waxaa iska leh qoraha uu
magaciisa kor ku qoran yahay.
Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|
|
|