WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Maqaal,  February 7,  2007

SOOMALI-LAND QAAB GUMEYSI OO QALDAN

Bulshooyinka caalamka ayaa leh qaabab kala sooca, oo ay ku kala duwan yihiin waxna ku qaybsadaan marka ay timaado baahideedu. Waana Sinjiga, Dhulka, Dhaqanka, Midabaka, Afka, Diinta iyo Iwm, waana kuwa muujiya kala duwanaanshaha ummadaha, salkana u noqda kala qoqobida iyo soohdimo-u-samaynta dunida waana kuwa la aqoonsan yahay ama la aqoonsan karo marka ay lagama maarmaan
noqoto.

Intaas wixii ka soo hara ayaa u muuqda waxaan sal adag lahayn iyo meel loo raaco midna, waxayna ka timaadaa aragti siyaasadeed oo ku qotonta rabitaan dad dan gaara leh, waxayna taasi keentaa jaahwareer bulsho iyo iska hor imaad horseeda burbur iyo dib u dhaca aan lahayn ujeedo cad yo qiimeyn la fahmi karo waana mida aan qabo in soomali-land ku socoto.

Hadaba waxaan halkaan ku soo qaadanayaa:

SOOMALIYA

  1-  Gumeysigii reer Yurub ka hor
  2-  Xilligii gumeysigii reer Yurub
  3-  Gumeysigii reer Yurub kadib
  4-  Maanta iyo Soomaliya
  
  1- Gumeysigii reer Yurub ka hor, Somaliya waxay ahayd beel ama qoys qura.kaas oo ka mideysnaa sinjiga, Dhulka, Dhaqanka, Midabka, Afka, Diinta iyo wax kasta oo muujiya midnimada beel ama qoys.
  Waxay ku noolayd. Nabad, isjecyl iyo barwaaqo, mana jirin wax soohdimo xuduudeed oo u dheexeyey. Waxay lahayd garwadeeno iyo hogaan haqameedyo ka shaqeeya marwalba kana turjuma baahida
beeshaas iyo xal u helida wixii dhib ah ee soo food saara.

  2- Markuu soo galay Gumeysigii reer Yurub hormuudka ka ahaa, kuna dhisnaa xoogga ujeedadiisuna ahayd qaybi oo xukun, ayuu u kala qaybiyey soomliya, Shan qaybood una sameeyey soohdimo iyo xuduud
xariiqeedyo si uu ugu fushado dantiisa gaarka ah ee gumeysi.
 
WAXAYNA TAASI SABAB U NOQOTAY IN WIIL IYO AABIHII IYO LABA WALAALA AH MIDBA DHINAC RAACO,LANA DHEX DHIGO XUDUUD GUMEYSI OO KU DHISAN XOOG.

  3- Waqti dheer iyo halgan adag oo naf iyo maalba loo huray kadib, waxaa meesha ka baxay xooggii gumeysi, waxaa sidoo kale meesha ka baxay oo baaba'ay xariiqdii gumeysi.Waxaa dib isu helay wiil iyo aabihii iyo laba walaala ah oo kala abaajiyey.Waxay dib u hanteen madax
banaanidoodii, waxaa u soo noqday midnimadoodii, waxayna noqdeen ul iyo diirkeed Allaah baa mahad leh.

  4- Hadaba, maanta waxaa muuqda qaab gumeysi cusub oo haya dariiqii kii reer Yurub.Kana sirgaxan xagga awooda, aqoonta iyo dhaqaalaha, kalana mid ah dhanka aragtida iyo danta guud ee Gumeysi, waana dhadhanka aragtida siyaasadeed ee ka dhex muuqata maskaxda in ka mid ah Soomali-land. 

Hadaba, su'aalaha yaabka leh ee ummadda Soomaliyeed isweydiinayso ayaa ah:

  a- Ma Gumeysigii reer Yurub baa dib u soo noqday?
  b-Soomaali-land yey kala goynaysaa, yey ka goosanysaa yeyse goosanaysaa oo gumeysanaysaa?
  c-Xariiqa ay bartilmaameedka iyo sharciga ka dhigteen ma fahamsan yihiin siday ku timid iyo siday ku dhammaatay?
  d- Maxay tahay maanta ujeedada dhabta ah ee in ka mid ah Soomali-land ay meel walba ula taagan yihiin:

SIDA GUMEYSIGII REER YURUB AYAAN RABNAA IN AAN WIIL IYO AABIHII IYO LABA WALAALA AH KALA GOOYNO OO XUDUUD KALA DHEX DHIGNO?

Waa su'aalo jawaabtooda laga rabo:

  1- Ummadda Soomaliyeed
  2- Soomali-land inta qabta Fakarkaas Gumeysi intaa kadib, ayaan qoraalkan ku soo gabagabaynayaa Soomali-land waa qaab Gumeysi oo qaldan.

Qore: Abdullaahi Yusuf Jama (Indho-buur)
Abduldjamal@yahoo.com
abduldjamal@yahoo.ca



Afeef: Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com