WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Maqaal,  February 14,  2007

Su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa..! 
Qaybta 1-aad:


Waqtiga aan ka hadlayo ayaa wuxuu ahaa sannadkii 1973-kii; inkastoo aan markaas weli arday ka ahaa dugsiyadii "Allaah" ee Muqdisha, aroor kastana ay halkaas waxbarashadu iiga socotay, haddana, dhanka kale, waxaan ka mid ahaa guddigii Dhallinyarada ee degmada Madiina  (Wadajir); halkaas oo gellinka dambe iyo fiidyadii maalin la arko, aan ka qayb-qaadanayay Ololayaashii "Iskaa-wax-u-qabso" ee lagu horumarinayay degmadaas iyo guud-ahaanba dalka; sida: dhismihii dugsiyada, laamaha Hay'adaha dawladda (Maxkamad, Cisbitaal,
Boosto  iwm), la-dagaallankii aqris/qoris la'aanta, dhirayntii maalinta 17-ka April, dabbaal-degyadii 21-kii Oktoobar, 1-da Luulyo, 1-da iyo 15-ka May iyo kuwa kale.  Weli waxaa horteyda ka muuqda, oo aan si fiican u xusuustaa Ololihii soo noq-noqoshada badnaa ee "Nadaafadda" ee loo cuskanayay Mabda'a ah:" Inta uu Qashinku kuu jiro ayuu Cudurkuna kuu jiraa"...!!!.  Waxaa Halheys noo ahaa :"  Waari-meyside, War ha kaa haro "," Daawanaayow, waa dalkaagii", "Dowladnimo diidaayow, derbi kula dun" iwm.
    
Maalin ka mid ah maalmaha, goor casar-gaabad ah, annagoo ku fadhinna derbi ku dhex-yiil Xaruntii Hanuuninta ee Degmada (Orientation ), kana koobnayn aqyaar rag iyo dumarba leh, ayaa waxaa albaabka weyn ee  Xarunta degmada ka soo gashay gabar ka mid ahayd "Guddigii Haweenka". Inta ay na salaantay, ayay iyadoo weli
taagan, nagu tiri:" War leydin sii".  Waxaannu ugu jawaabnay :" War nabade, soo daa waxaad heyso". Mid kaftan badnaa , ayaa isaguna ku yiri gabadhii :" Iska soo fuji" (iska hadal), waxay tiri gabadhii:" Nin sheekh ah, oo deggan xaafaddayada, ayaa xalay loo warramay
(Riyo/Haatuf iwm); waxaana lagu yiri:-"  Raggan kow iyo labaatameeyada ah ee Xukunka hadda haya, bishoo 21-ahna la-wareegay Talada dalka, waxay Hoggaanka heyn doonaan 21-sano; ka-dibna waxaa iyaga Kursiga ka ridaya Dhaqdhaqaaqyo ka soo  bilaaban doona galbeedka Soomaaliya (Ethiopia); markaas oo uu isku daadan doono dhiig badan oo Soomaaliyeed".  Waxay gabadhii iyadoo weli taagan,oo aan fariisan, yaabkuna ka muuqdo, ay ku soo gabagabeysay
hadalkeeda:" Sidaas ayaan Jaallayaal soo maqlaye, ka warrama hee idinkuna...!!!".  Jawaab-celintii ayaa lala soo booday, oo la isku ciriiriyay. Ruux naga mid ahaa ayaa wuxuu ku jawaabay:" Waa Riyo, run iyo been, labadaba waa ay noqon karaysaa". Qofna waxaa uu ku soo gaabsaday oo yiri:" Cilmu-geybka, Ilaah un baa og". Nin baa isaguna yiri galabtaas :" Waxaa suurowda inuu Sheekhu yahay Awliyo
Allah, oo loo sii warramayo". Ruux kale ayaa isaguna ku hadlay oo yiri:"
Faallalow warkiis  ka soo qaad ma leh". Wuxuu sii raaciyay, oo weliba ku luuqeeyay heestii ahayd:" Beenlow Faallalow, fiirsadaay, ka-fogaadaay, ka feejignaadaay...!!!".
    
Shakhsiyaad aan anigu ka mid ahaa, wax jawaab ah kama aaney bixin galabtaas goobta; wixii uu ruux kastaa is-lahaaba,lama uusan soo degdegin dhihiddeeda.  Waqtigaas "Golihii Sare ee Kacanku"  afar-sano ku dhowaad un bay Xukunka hayeen; howlihii dhismaha iyo horumarinta dalkuna si xowli dheereysa ah, oo ku salaysnayd Mabda'ii " Iskaa-wax-u-qabso" ayay ku socdeen; inta badanna , looma
jeedin Xukun ka tuurid, damac-siyaasadeed, is-dilid sokeeye, kala-tagid iyo gadaal u noqosho midnaba. Ruuxii ay waxyaabahaas uurka kaga yaalleen, ama ay fari u laabnaydna, wuxuu la baqayay lafihiisa iyo in maalinta cad lagu qaado :"  Sama-diidow, dabin baa kuu dhigan, oo lagugu dili doono".  Waxaa meel kastaa ka yeerayay:" Towradatan barakaysan"," Hugunku waa hayaankii Xoogsatada" iyo murti
kaloo ay si qiiro waddaninimo, horusocodnimo  iyo kacaannimo ah isaga soo daba umulayeen (Curinayeen) Abwaannadii xagga Suugaanta Soomaaliyeed.

La soco qaybaha dambe.....

Waxaa diyaariyay:-


Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
 

Qoraaladii hore ee Kaalmoy waa kuwaan hoose:-


Maxamed Siyaad Barre oo aan ku riyooday...!!!
Dhacdooyin la yaab leh!!!!!!!!
Yuu yahay ayaa yaq-yaqsi leh...!!!"
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Qaybta 1-aad)
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Qaybta 3-aad) iyo maqaalo kale
Qaabab kala gedisan baa naloo calfaday
Yaa gooyay Geedkaan...?!!
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu?!!
Astaamaha Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!


Afeef: Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com