Su'aal
Da'-weyn oo Madaxa
daalineysa (Qaybta
2-aad)
Marar badan oo kala fog-fog
, ayaan hadba soo
xusuusan jiray "Riyada
Sheekha", laakin iskuma
aanan sii mashquulin jirin;
sababo guud iyo kuwa
gaar-ahaaneed, oo aanan
hadda sii galgalayn awgood.
Dhanka kale, sida ay dad
badan oo Soomaaliyeed iiga
marqaati-furi karayaan,
waxaan goorar
aanan yarayn la kulmay dad
lahaa:" Balaayo baaxad weyn
iyo Musiibo culus, ayaa
dalka ku soo fool-leh, ee
toddoba beri oo dibad-bax ah
ha la sameeyo, oo ha la
ducaysto. Bartamihii
70-meeyadii iyo
80-meeyadiiba, waa aan iska
daba-maqli jiray dad laga
soo werinayo ereyadaas.
Laakin, war-xumo-tashiil ama
ku-tiri-ku-teenta Xaawalayda
qaarkood un baan xaggooda u
tirin jiray. Waxaan laabta
ka lahaa: " Maxay Balaayada
noogu saadinayaan..?!!!".
Haddii loo noqdo dhanka
Aqoonta iyo Aqoon-yahannada;
aad ayaa loo saadaalinayay,
si hoos-hoosana loo
hadal-hayay, gudaha iyo
dibaddaba, halka uu ku
dambayn doono geeddi-socodka
Siyaasadeed ee Soomaaliya;
gaar ahaan wixii ka
dambeeyay dagaalkii
77/78-kii, xiriir u goyntii
Midowgii Sovyeti iyo
bilowgii dhaqdhaqaaqyadii
Jabhadihii ku dhisnaa
Qabyaaladda ee Itoobiya
sal-dhigga ka
yeeshay...!!!.
Indheer-garad badan iyo
Siyaasiyiin aanan yarayn,
ayaa beri horaba sii ogaa
inay dalka u taallo, oo loo
dhigay "Dabin-shisheeye", oo
loo adeegsanayo Sokeeye,
taas oo ahayd:" Qarannimada
Soomaaliya oo la
burburiyo; in dadka
Soomaaliyeed iyaga la isku
dilo; lana kala googooyo
dalka ; si loo gaaro danaha
Isticmaariga ah ee
laga leeyahay". Siyaasadda
Gumaysigu ku shaqeeyo ayaa
ah :" Qaybi oo xukun";
Soomaaliduna waxay
yiraahdaan" Geed ayaa
yiri:- Masaarey ima aadan
goyseene, gabalkey ayaa kugu
jira"!!!.
La iskuma hayo, inuu "Cilmul-gaybka"
Eebbe oo kaliya og-yahay,
laakin, Ilaahey wuxuu
addoomadiisa siiyaa Caqli
iyo Aqoon ay wax ku gartaan,
kuna sii odorosaan.
Aqoon-yahan daraasad soo
gudbiyaa , Istiraatiijiyad
iyo qorshe qorsoon oo
shisheeye la helyaa, Awliyo
Allah loo sii warranyaa iyo
si kale wax lagu ogaayaaba,
waxaa jirtay saadaal,
dareen iyo sii odorosid ku
dhisan Cilmi Siyaasad,
Millatari, bulsho, diin iyo
shuruucba. Tusaale-ahaan:
markii dagaalkii 77/78-kii
uu Midowgii Sofyeeti naga
soo hor-jeestay, garabkeenna
ka baxay, dhanka Itoobiyana
la soo saftay, isaga iyo
weliba xulufadiisu, waa ay
muuqatay inay taasu gun-dhig
u tahay burburinta ama
ugu yaraan kibir-jebinta
Hoggaankii dalka iyo gaar
ahaan Xooggii dalka
Soomaaliyeed; xitaa
intaynaan dagaalkaba gelin,
ayaa la sii ogaa inuu imaan
doono "is-diid" Siyaasadeed.
Markii la riday Dawladdii
dhexe ee Soomaaliya
1991-kii; haddana kuwii
baddalay ay yiraahdeen "Talisyada
Xoogga dalka Soomaaliyeed,
ha isu dhiibeen oo
hubkoodana ha ku wareejiyeen
Jabhadaha", waa loo jeeday
inay taasu tahay :" Si
buuxda u burburinta
qarannimada, Qabri isku
ridid iyo gelitaanka
Albaabka qaska iyo
jaha-wareerka ilaa hadda
marba midabka yeelanaya. Cid
sidaas ku tala-gashay ayaana
jirta.
Waxaanse la yaabay oo
Su'aalo igu taagan noqday:-
Xaggee ayay mareen
Indheer-garadkii
Waddaniyiinta ahaa, ee annu
ka sugaynay inay wax noo sii
sheegaan ..!!?.Muxuu Afkii
Aqoon-yahanka iyo wax-garadku
jooqday u gabay..!!?. Maxay
xitaa Sheekhyadii u sii arki
kari la'yihiin "Riyo"
ku tacaluqda aayaha dambe ee
Soomaaliya..!!?. Muxuu
kii aynu maanta "hashac"
niraahdaba, berri u aragnaa
isaga oo labanaya (qasanaya
Qurun)..!!?. Maxay qaarkeen
Qaranimana u
doonayaan( sida ay sheegtaan
), haddana u
qabyaaladaynayaan ..!!?
Haween (Islaamo), aanan wax
soo baran, qalinna annan
weligood waxba ku qorin,
sidaasna ulaba socon
is-baddallada dunida ee
Siyaasadeed, ayaa
iyagoo fadhiya
hoos-galbeedyada aqalladooda,
shaaheynayana, ayaan
maqlayay, mar dhexdaas ahayd,
iyaga oo leh:" Hee
dib-u-heshiisiin lee maa
lagu jiraa us...!!!?.
Jabbuuti, Itoobiya, Yemen,
Kenya, Suudaan...intee noo
dhiman...!!!?. Mid ayaa
kaftan ahaan ugu jawaabtay
oo tiri:" Waxaa noo dhiman
Koonfur-Afrika iyo
Kuwaalalambuur inaan u aadno
dib-u-heshiisiin". Mid
saddexaad ayaa ku war-celisay
oo tiri:" Mayee
Kurtunwaarrey iyo Kuunya-barrow
inaan ku kulanno lee armey
noo roon tahay...!!!?".
La soco tirsiyada dambe....
Waxaa qoray/ Muxyaddiin M.
Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com-