SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Maqaal, Qamiis, June 21, 2007

Caddaaladdu iyada ayaa hadasha!

Nin Beeralay Soomaaliyeed ah ayaa badanaaba Galleey, Sisin iyo Khudaar kala nooc ah ka soo qaadi jiray beertiisa oo ku taalla mid ka mid ah tuulooyinka ku dhereran Webiga "Shabeelle", agagaarka Jannaale. Suuqa weyn ee magaalada Marka ayuu toddobaadkiiba mar keeni jiray oo ku beecin jiray wixii dalag ah ee uu haysto ama uga soo go'a beertiisa. Si xalaal-quudatanimo iyo muruq maalnimo ah ayuu reerkiisa u biilan jiray oo u noolayn jiray Caruurtiisa, Xaaskiisa iyo Waalidkiisaba.

Maalin maalmaha ka mid ah, goor barqa ah, isaga oo galleey iyo Sisin la fadhiya, beegaya oo ku beecinaya suuqa Marka, ayaa waxaa soo dul istaagay nin Mooryaan ah oo qori ‘AK’ ah ku hubaysan; kaas oo hubkii uu haystay iyo heybtiisa qabiil un isku halleynayay, illowsanaana Awoodda Alle iyo Ammarrada Eebbe ee ah "In aan la isdulmin!!”. Sicirkee ayaad iiga iibineysaa iyo imisa ayaan kaa siiyaa badarka maba uusan dhihine, inta uu Jawaanno maran oo uu watay ka buuxsaday galleeyda iyo Sisinta ayuu cagta waddada saaray oo iska sii socday, isaga oo weliba Gafuurka taagaya.

Ninkii Beeraleyda ahaa ee badarkana beecinayay, ayaa inta uu ka daba-tegay Mooryaankii, weydiistay bixinta lacagta Galleyda iyo Sisinta isaga oo yiri: "Ma iska baxaysaa adiga oo aan bixin beesada badarka?" Mooryaankii ayaa diiday inuu bixiyo wax lacag ah oo weliba ku yiri ninkii: “Haddaad mar dambe lacag (beeso) i weyddiiso, meydkaaga ayaa meeshan laga qaadayaa".

Ninkii Beeralayda ahaa ayaa dacalka ku soo dhegay jawaanada midkood isaga oo leh: "Ma Badarkii Beerteyda iiga soo baxay ayaad iga baadaysaa oo weliba ila dhacaysaa Buntuq?", hase yeeshee; isla markiiba Mooryaankii ayaa qoriga cabbaystay, ka dibna dhowr xabbadood beerka iyo wadnaha ku kala jeexay Beeraaleygii badarka lahaa..!!! Dadkii Suuqa joogay ee isugu jiray Beeraley, Warato, Geddisley, Dallaal, Abakaar, Beec-mushtar iyo socoto/gadato ayaa wada ashahaatay oo ka naxay, kana argagaxay fal-dembiyeedka foosha xun iyo isu awood sheegashada xadkeedii dhaaftey.

Eheladii iyo Saaxiibbadii Marxuumka ‘Looma-ooye’ ayaa Meydkoodii iska qaatay, iyaga oo ku soo gaabsaday Erayo ay ka mid ahaayeen: "Ilaah baa jooga, Adigana Allaa kaa weyn oo kaa aari doona," Ibtilo iyo Inkaar ha ku asiibeen..."iwm, dabadeedna iyaga oo ilmaynaya, kuna luuqeynaya "Laa Ilaaha Illa-llaah" ayay Meydkoodii ula dhaqaaqeen dhankii Tuuladooda. Tobaneeyo Kintaal oo Galleey, Sisin, Masago, Digir, Salbuko iyo Lows isugu jira oo kulligood, sida muuqata, dhac iyo qori caaraddii uu ku keenay ayuu isku leexsaday Mooryaankii. Markii ay Maqribyadii ahayd ayuu ku soo rartay Baabuur xamuul ah (Siteey/Xaajiyo ) oo dhanka Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha u soo socday. Kintaalladii ayuu soo dul-fariistay, isagoo qorigiisa ku hubaysan... Baabuurka shirkiisa hore waxaa ku jiray wadaha iyo laba nin oo kale oo Sheeko iyo qayilaad ku mashquulsanaa. Markii uu Gaarigu Magaalada Shalambood ka soo leexday oo waddada toosan isla soo dhigayba, wuxuu Mooryaankii "Alle" ku salliday Lulo (Gamaanyo) waalan iyo hurdo uu "Malakul-Mowd" ku hoos jiro. Wuxuu ka dhacay Baabuurkii, laakin, labadii Lugood ee Mooryaanka ayaa ku calliqmay oo qabsaday Albaabkii dambe ee baabuurka; madaxiisii iyo qaarkiisii horana Waddada Laamiga ah, burbursan ee godadka leh ayay ku jiidmayeen; laamigaas oo marba cad hilibka Mooryaanka ah la harayay, fuqsanayay oo goosanayay..!!! Wixii Qeylo, Cabaad iyo Oohin ka baxayay Mooryaanka cid maqlaysay ma aaney jirin. Mugdi bay ahayd waddadu, nabadgelyo xumo awgeed baana loo faaruqiyay.

Baabuurku duug ayuu ahaa oo cod dheer ayuu gadaal ka bixiyay, kaas oo diidayay in la maqlo shanqar iyo dhawaaq kale midnaba. Marnaba ma aaney maqal ragga hore saarani waxa gaariga gadaal ka yeeraya, dhulkuuna ku jiidmayay Mooryaanka ilaa uu ka dhintay, isaga oo qaybo hilibkiisa ahina uu laamigu la soo haray, dhiig baxayna.

Murti Caalami ah ayaa tiraahda "Caddaaladdu iyada ayaa hadasha". Markii la soo gaaray Jid-gooyo ku tiil agagaarka Nambar 50, la hakiyay Baabuurka, Tooshna lagu qabtay Albaabkiisa dambe, ayaa lala kulmay Yaab, Naxdin, Argaggax iyo Ammakaak.

Waxaa isku hal habeen iilka aakhiro u wada hoyday Ninkii gardarrada lagu dilay iyo Mooryaankii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee dilay. Xisaabtan iyo Xukun Aakhirana waa meeshood. Soomaaliduna waxay tiraahdaa:-

 (a) Ruux gardarani ma guuleysto
 (b) Ruux aan naxariisan looma naxariisto
 (c) Ninkaan cabsan waa loo cabsadaa
 (d) Waa lagu kala jabaa Kibirka
 (e) Safar Alle ninkii siray iyo nin saqiirro gowracay, sidii ay lahaayeen, wax baa lala sugaayaa…!!!


WQ: Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com