War meeye
xildhibaanadii beesha.......?
Marka hore waxaan salaamayaa
dhammaan bahda webka iyo
aqristayaashaba, intaa
markaan ka gudbo waxaan
rabaa inaan fikirkayga ka
diibto meesha ay ku
danbeeyeen xildhibaanadii
beesha SADE anagoo og meesha
uu dalku marayo iyo
marxaladda adag ee
lagu jiro iyadoo wiliba
intoodii badnayd noqdoy kuwa
aan waxba ku lahayn xaaladda
taagan.
Hadaba anigoo aan qofna si
gaar ah wax uga sheegaynin
bal aan tilmaamo sababaha
keenay arinkaas muragada leh,
waxaan ka warqabnaa in
nimankan badidoodu ay
ku yimaadeen hab beeleed oo
xirfad iyo aqoonna midna aan
lagu soo xulan taasna ay
keentey inay ku wareeraan
isbadalada siyaasadeed ee
dalka ka dhacaya iyo iyagoo
intooda badani ay haysato
baahi dhaqaalo oo
meeshii ay madaxda dowladda
kala xaajoon lahaayeen
baahida beesha ay
waydiistaan arimo
shaqsiyadeed taasoo
sumcadoodii dishay loona
arkay dad baaba' ah,waxaa la
ii sheegay qaar ka mid
ah xildhibaanada beesha inay
la kulmeen C/laahi yuusuf ka
dibna uu waydiiyey qorshaha
ay ugu yimaadeen
isagoo ka sugayey bal inay
la yimaadaan waxqabad ay
beeshu doonaysay ninkii ugu
horeeyey oo hadlo ayaa yiri
madaxwayne waxaan rabaa
inaad ii gaddo booyad kii
kuxigayna yiri gaari la'aan
ayaan ahay.
Hadii xildhibaanadii sidaa
noqdeen tafaraaruqa beesha
haysto wuxu uu
keenayaa in beeshu waydo
dhammaan wixii xuquuq ahaa
oo ay lahayd ugu danbayna ku
soo uruurto dhowr degmo oo
ka tirsan gobalka gedo
hadaba maxaa xal ah?
Waxaan soo jeedinayaa dhowr
qodob:-
1- In beel kasta ay bedesho xildhibaankeeda kuna bedesho xof u qalmo
xilkaas.
2- In beeshu qabato shirweyna dib-uheshiisiin oo deg deg ah.