|
|
Allgedo, News, Talaado,
May 29, 2007
|
|
" Dadka kama yaraateene waad is-daba-jareysaane"..! |
Allow muxuu Aragti dheeraa,
waaya-aragnimo badnaa, Soomaali
u fiirsaday, yaqaannay oo runna
ka sheegay: Cabdullaahi Suldaan
"Tima-cadde", goortii uu tiriyay
Gabaygiisii taariikhiga ahaa ,
ee ay beydadkiisu ka midka
ahaayeen (a) Dugsi ma leh
qabyaaladi, waxay dumiso
mooyaane..!!(b) Dadka kama
yaraateene, waad is-daba-jareysaane..!!.
Ma mooddaan inuu la hadlayo
Soomaalida maanta joogta, iyadoo
ay sii horreysay markii uu
gabaygaas ka tiriyay Soomaalida...!!
Inkastoo aan beri-samaadkii
marar badan gabaygaas ka maqli
jiray "Radio Mogadisho", buugaag
Afka Soomaaliga ku qoranna aan
hore uga daalacday, haddana Oday
Soomaaliyeed , oo aannu
saaxiibbo nahay( Xasan Beyle ),
ayaa dib ii soo xusuusiyay
beydad ka mid ah gabaygaas
maalmihii ay deegaanka loo
yaqaanno "Darroor" isku hayeen
oo ku dirirayeen laba beelood oo
Soomaaliyeed ,oo iyagu dad
isu-xiga...!!!. Odaygaas
Soomaaliyeed waxaannu badanaaba
iska wareysannaa, kana
sheekeysannaa "Arrimaha murugsan"
ee dalka ka taagan ee dayaca iyo
dac-darrada badaya dadka
Soomaaliyeed.
Waxaan maalmihii uu dagaalku ka
socday "Darroor" aan weydiiyay
saaxiibkey: reer-ahaan waxa ay
kala yihiin labadaas beelood iyo
sababta ay isu gumaadayaan, oo u
dirirayaan bal hadduu igu dhaamo,
oo fikrad iga siin karayo..?
Wuxuu iigu jawaabay oo igu yiri:"
Wadaayow, Abwaankii "Tima-cadde"
ayaa Allaha u naxariistee hore
uga gabyay Soomaalida oo yiri:-
(1) Dugsi ma leh qabyaaladi,
waxay dumiso mooyaane..!!
(2) Dadkaan la hadlayo baan
lahayn dux iyo iimaane...!!
(3) Waa waxaa dalfoofoo Caqligii
Doonni laga saaray..!!
(4) Dadka kama yaraateene, waad
is-daba-jareysaane..!!
(5) Anun baa damqanayee, dheguhu
uma doleelaane...!!. Waxaannu
Saaxiibkey isla lafa-gurnay
nuxurka, dulucda iyo ujeeddada
gabaygaas iyo xaaladda hadda ka
taagan dalka, guud ahaan, siiba
"Qabyaaladeynta". Markii aan
gadaal ugu laabtay Aqalkayga,
ayaan bilaabay inaan is-weydiiyo,
dibna uga fekero guud-ahaanba
dagaallada sokeeye ee "Somalia",
anigoo isla markaasna dib u
dersaya dulucda gabaygaas, gaar
ahaan beydka ah:-" Dadka
kama yaraateene, waad is-daba-jareysaane".
Boqollaal sano oo la soo dhaafay,
ayay dadka Soomaaliyeed ee
isku-deegaanka ahi dagaallo
dhexdooda ah isaga hor-imaan
jireen, siiba Xoolaleyda reer
Miyiga ah; waxayna sida ay
taariikhdu xuseyso, Odayaashuna
sheegayaan, sababaha
dagaalladaasu ahaayeen kuwa ka
dhalanayay: Ceelasha, Daaqa,
Dhulka-daaqsinka ah, Mag,
Aano-qabiil iyo markii dambe
Baraago iyo Barkadaha laga cabbo
; kuma ay lug lahayn
dagaalladaasu Siyaasad. Dagaallo
badan, oo ay qaarkood caan
yihiin, ayay Ceelashu sababeen,
sida laga fahmi karayo murtida
ah:" Markii ay Ceelalyo
heshiiyaan, ayay Xooluhu( Geelu
) cabbaan...". Dagaallo badan oo
miyiga ka dhaca , oo noocyadaas
ah, ayay dad Soomaaliyeed
weligood iyo haddaba weli ku
le'daan.
Waayadii hore, waxay Soomaalidu
isu adeegsan jireen hub ay ka
mid ahaayeen: Fallaaro iyo
Qaansadood, Waran iyo Gaashaan,
Seef iyo Toorey iwm. Hubkaas aan
casriga ahayn wuxuu koobayay
tirada dadkii la iska dilayay,
marka la bar-bar-dhigo sida aynu
hadda isugu adeegsanno noocyada
hubka culus ee kala duwan, sida
Madaafiicda, Qoryaha
daran-doorriga u dhaca,
Hoobiyayaasha iwm. kuwaas oo
aannu ku heysanno degmo, tuulo
iyo geed kasta hoostiis...!!!.
Haddii aynu u soo talowno (gudubno)
20-sano ku-dhowaadkii ay
dagaallada sokeeye ka
aloosnaayeen gudaha dalka, waa
ay ka duwan yihiin duluc,
ujeeddo iyo hub ahaanba
dagaalladaas hore. Ruux kasta oo
Soomaaliyeed oo qaan-gaar ah
ayaa iiga marag-kici kara is-gumaadkii,
is-xasuuqii, kala aar-goosigii
iyo is-dilkii qaababka iyo
wejiyada kala geddisan lahaa ee
dhacay, welina socda. Qabaa'il
Soomaaliyeed, oo uu Cadowgu soo
hubaynayay iyo Ciidamadii
Dawladdii dhexe ee Soomaaliya,
ayaa isku dhacay bilowgii horeba.
Laba Qabiil oo waaweyn oo
Soomaaliyeed, ayaa isu
tafa-xeytay, oo qoorta la
isu-geliyay si loo gaaro ujeeddo
gaar ah. Jilibyo isku beel ah
baa hoos dib isugu soo noqday,
oo dukun-daakun iska yeelay.
Aano iyo aar-goosi qabiil ayaa
geed iyo guri kasta la isugu soo
galay. Dawlado taag-daran oo
dib-u-heshiisiin amaba qaab
jujuub ah ku dhashay ayaan hore
u socon, oo tallaabsan kari
waayay...!! Si kasta u dhiga, oo
ila eega: Wiil Soomaaliyeed oo
ku dhintay mooyaane, waa kee
wiilka ku dhashay dagaalladaas
?!!!. Soomaali un baa is-gumaadeysay.
Dhiig Soomaaliyeed oo muslim
sheeganaya un baa dareerayay oo
qubanayay, waana aan isa sii
daba-jareynay intaas oo dhan,
weliba ma aanan ka-waantoobin
falalkaas...!!. Warba uma heyno
-malaha- Xadiiskii Nebiga (NNKH),
ee ahaa:"
Haddii laba muslim ah ay dagaal
isaga hor-yimaadaan, kan wax
dilay iyo kan la dilayba waa
ahlu-naar". Xitaa kii ka
badbaada xabadda tooska ah,
gaajo ayaa disha amaba badda
ayuu ku halligmaa, isagoo
badbaado-doon ah...!!!. Qaab
qaldan un baannu u
xisaabtameynaa oo "Xukun" ku
dooneynaa, umaba qiirooneyno
qarannimadeennii iyo
midnimadeennii sharafta lahayd
ee aannu qabyaaladeynta iyo is-quursiga
isaga qarribnay...!!!. La soco
qaybta kale...
WQ/Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
|
 |
|
|
|
|
|