Allgedo, News, Jimce,
June 8, 2007
|
|
SOOMAALI DIB HESHIISIIN MA U
BAAHAN TAHAY |
ASALAAMU CALEEKUM.
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Walaalayaal
sida aan la wada socono waxaa ayaamahaan
soconaya warar ay Soomaalida oo dhan u
dheg taagayso kaas oo ah shir dib u
heshiineed in lagu qaban doono bartamaha
bisha juun magaalada muqdisho sida eey
sheegeen madaxda dowlada ku meel gaarka
ah .
Marka,
markii aan aniga waxaas maqlay ayaan
shaqsiyan waxaan is weeydiiyay dhowr
su’aalood oo ka mid ah kuwaan:-
1-
Soomaalida la heshiisiinayo horta waa
kuwa noocee ah?
2- Yaa heshiisiin kara soomaalida la heshiisiinayo?
3- Dadka shirka wada ama iclaaminaya ayaga ruuxooda dhibka socda
maka qaybaa dhibka socda mise ayaga waa
ka madax banaan yihiin?
4- Ma jiraan qabaa’ilo soomaaliyeed oo maanta uu ka dhexeeyo dhib
iyo dagaal mise waxa ay wax ka
dhexeeyaan waa dad qaas ah?
Marka
aqristoow adoo raali iga ah ila fiiri
waxaan doonayaa inaan fikirkayga ku
cabiro halkaas.
1-Soomaalida la heshiisiinayo horta waa
kuwa noocee ah?
Sida la
sheegay hada waxaa la heshiisiinayaa
qabaa’ilada balse sida aan lawada socono
xaalada soomaaliya waxay soo martay
heerar kala duwan oo noocyo badan leh
marka aan ka soo bilowno sanadihii
sideedamaadkii markii uu isgumaadka ka
bilowday.
Waxaa
dhibka bilaabay markii xakuumadii markaa
jirtay raga qaar u arkeen inay xakuumadaa
inay dantooda ku dhex jirin, markaas
ayay waxay bilaabeen inay qabiiladooda
adeegsadaan oo soomaali isku laayaan
dowladaana u tusaan inay tahay qabiil.
Waxaa bilowday in markaa
soomaali qabiil qabiil isu layso oo uu
gaaro heer aad u xun waxaan xasuustaa
markii maalinka jimcaha 14-07-1989 kii
mudaaharaadka uu ka dhacayay masjidkii
shiiq cali suufi aan arkay yar ordaya
markaas waxaan weydiiyay war maxaa
dhacay markaasuu waxa uu yiri maanta
dagaalku waa
muslim iyo
mareexaan.
Sanad ka dib waxaan
xasuustaa maalinkii axada muqdisho
dagaalka ka bilowday waxa uu ku bilowday
Hawiye iyo
Daarood.
Dhowr bilood ka dib waxa
ayba noqdeen dadkii horor oo waxaa
laysku wada cunay laf laf iyo waxaanba
la sheegi Karin ilaa iyo heerka uu
maanta marayo soo gaaray.
Balse
nasiib wanaag, waxaa dhacday in
dhamaadkii sagaashamaadkii eey dad badan
fahmeen in qabiilku yahay wax dad qaas
ah ku shaqaysanayaan markaana eey
bilaabatay in dadkii is dhex maro oo
from hargaysa ilaa kismaayo qofka
meeshuu doono ka ganacsan karo wax
alaale iyo waxa uu doonana samayn karo
oo dhibkii qabiilka dadka oo dhan soo
karay .
Waloow
eeysan jirin meel lagu heshiiyay oo la
isku wada cafiyay balse eey ugu roonayd
shirkii carta oo odayaasha soomaaliyeed
intooda badan ka soo wada qayb galeen
kuna soo dhisteen dowlad.
Marka anigu
waxaan uga danleeyahay sheekadaa inaan
soomaalida badi u iftiimiyo in la soo
dhaafay waqtigii dagaalka qabiilka oo
qof walba oo soomaali ah waxa uu og
yahay waxa is dagaalsan inay yihiin dad
qaas ah ayagana u baahan in la
heshiisiiyo.
2-
Yaa heshiisiin kara
soomaalida ?
Waxaa la yiri waaba hadii heshiis jiree
waxaa heshiisiinaya gudi uu madax ka
yahay Cali Mahdi.
Marka hore
waxaa is weydiin mudan cali mahdi
goormuu asagu noqday xuub ka saliim oo
uu noqday nin dhex dhexaad ka ah arimaha
soomaaliya oo uu noqday nin asaga
heshiisiin kara Soomaali waa kii shalay
qayb wayn ka ahaa dagaaldii, xasuuqii
iyo tacayadii ka dhacayay wadanka.
Bal
qodobadaan hoose ila eega oo muujinaaya
tacadiyadii iyo jowr falkii Cali Mahdi
sanadkii 1991-kii:-
A- Inuu qayb wayn ka ahaa dagaalkii 1991 oo u dhexeeyay Hawiye iyo Daarood.
B-
Waxa uu ka qayb galay xasuuqii ka dhacay
sanadkii 1991dii iskuulka maxamuud axmed
cali oo qabiilka GalGala loo geestay.
3-
Waxa uu asna qayb ka ahaa dagaalkii 4-ta
bilood ka socday magaalada muqdisho oo
labada qabiil ee habar Gidir iyo Abgaal
ku hoobteen oo dhibkiisii ilaa hada
taagan yahay lana oron karo soomaali
maanta dagaalkaan baa halkaan dhigay.
Marka nin
saas ah shir ma qaban karaa mise asaga
ayaaba u baahan inuu Alle iyo Soomaali
baryo oo cafis weydiisto jawaabta way
iska cadahay Cali inuusan ku haboonayn
meeshaas ee waxaan kula talin lahaa in
la raadiyo dad Soomaali ah oo Soomaali
Heshiisiin kara .
3-Dadka
Shirka Wada ama Iclaaminaya ayaga
ruuxooda maka qaybaa mise wey ka madax
banaan yihiin.
Jawaabtu
waxaan u malaynayaa inay tahay mid iska
cad nimanka sheeganaya dowlada iyo kuwa
shirka hogaaminaya labadaba waa
dadkii dhibka gaystay waa hal qayb oo ah
SRRC dii lagu soo dhisay Ceel
barde .
Markay
dalka qabsadeen waxay ka geesteen
xasuuqyo badan oo aay ka mid yihiin .
a-xasuuqii
dhalinyaradii suntan lagu buufiyey ee
Iidaale.
b-duqayntii
diyaaradaha maraykanka eey ku
hogaamiyeen dadka reer baadiyaha ee
Badhaadhe iyo Kaymaha ku teedsan .
c-xasuuqii
labada jeer oo kala danbaysay eey ka
gaysateen magaaladii Muqdisho iyo dadka
eey bara kiciyeen.
d-Dadka
ilaa hada lagala baxayo guryaha ilaa
hada suuqa bakaaraha laga daldalayo.
Marka dadka waxaas oo dhib ah u geestay
dadkeena iyo dhulkeena miyeey shir noo
qaban karaan jawaabtu waa Maya.
4-ma jiraan qabiilo soomaaliyeed oo
uu maanta ka dhexeeya dhib iyo dagaal.
Sida aan horeyba u soo sheegay wax is
dagaalsan oo qabiil soomaaliyeed ah ma
jiraan taas cadaynteeda horey ayaan u
soo sheegay .
Way jirtaa in soomaali
waqtiyo hore qabiil isku dagaaleen balse
hada taas waa la soo dhaafay waxa isku
haya maanta qabiil ma jiraan waxa dhibka
wadana waa waa inta
kursiga isku caashaqday
ee ayaga ayaa
u baahan ee hala heshiisiiyo
soomaaliyeey.
Marka hada
waxaan leeyahay hadaan usoo noqono
su’aasheenii ahayd soomali dib u
heshiisiin ma ubaahan tahay jawaabtu
waxay noqonaysaa Haa balse waxaan
cadaynayaa inay kuwaan ahayn kuwii
heshiisiin lahaa ama shirka uqaban lahaa
waxaa marka hore loobaahan yahay
qaybtaan in la heshiisiiyo ayagaa is
dagaalsane.
1-
Dowlada ku meel gaarka ah oo laba garab
ah kuwooda jooga muqdisho iyo casmara.
2- Maxkamadihii.
3- Dowladaha danaha ka leh soomaaliya sida maraykanka iyo talyaaniga
4- Dowladaha deriska ah oo dhan.
5- UNDP oo ah hayada ugu daran ee soomaaliya iyo kuwa la shaqeeyo
sida ururada bulshada iyo NGO da ka
dhaqan gala soomaaliya.
6- Iyo dadka kale oo ayana danaha ka leh soomaaliya.
Mahadsanid.
Maxamed xaashi (carabey)
Hashi66@hotmail.com
Afeef: Aragti cabirka
qoraalka kore waxuu u gaar yahay qoraha
uu magaciisa kor ku qoran yahay.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|