Puntland, cidna uma maqna ceelna uma qodna!
|
|
Allgedo, Maqaal, Arbaco,
April 11, 2007 |
Waxaan salaamayaa
dhamaan ummada Soomaaliyeed ee
nabad iyo hormarka jecel, si
gaar ah REER Puntland oo
xaqiiqatan ah dad usoo halgamay
dadkooda iyo dalkooda BAARINA u
ah. Qoraalkaan dad soomaaliyeed
iyo beel Soomaaliyeed in wax
loogu dhimo ama lagu jaa’ifeeyo
ma aha ujeedadu. Waxaa wax la
layaabo ah in Puntland iyo
dadkeeda oo lagu yaqaanay ineey
soomaalida u horseedaan nabad,
ilbaxnimada iyo hormarka eey aad
ugu hungoobeen wax loogu yeero
maamul ku sheega uu hogaamiyo
ninka magac ahaan Puntland
madaxweynaha u ah. Ma jecli
inaan cidna wax u dhimo, ama
hadal qadaf ah iraahdo.
Qoraalkan waxaan ugu dan
leeyahay waa dhaliil wax lagu
saxayo. Eeba kitaabkiisa wuxuu
ku yiri (FADAKIR FA INA DIKRAA
TANFACU MU’MUNIIN) Nabi Aloow
umada cabsida eebe xasuusi waa
intaasoo ay ku waano qaataanee.
Waxaa wax lala yaabo ah ayadoo
laga joogo curashadii DGPL mudo
9 sanadood ah in ilaa hada wax
adeeg ah oo la xasuusan karo in
bulshada reer Puntland eeysan ka
fa’ iidin haba yaraatee. Maamulka
Puntland xataa cariish uu umada
u dhisay ma sheegi karaan,
iskaba daa daaro iyo mashruucyo
waa weyn sida riyada Batroolka
iwm!!!!.
Miisaaniyada Puntland waxaa
qiyaastii lagu sheegaa ilaa 32
milyan oo USD, lacagtaa
badankeeda waxeey kasoo xarootaa
dakada, airpoorada, baraha
kontoroolada, iyo tan
ganacsatadu bixiso hase ahaatee,
waxaa nasiib daro ah in
xoolahaas laga soo aruuriyay
xalaal miiratada iyo xoogsatada,
hooyooyinka caanaha suuqyada ku
gado, laguna xukmay
canshuurtii dulsaar badan daalin
xeradii aan habayaratee
cidna wax loogu qaban.
Waxa Puntland ka dhaco ee boob
xoolaha dalka waa wax lagu qoslo,
hase ahaatee murtidu waa ka
weyntahay in la qoslo. Waxaan
kula talinayaa maamulka
fadhiidhka ah in eey u
hogaansamaan rabitaanka shacabka,
hadii xaaladuna sidaa ku
socotana ay dhici doonto in reer
Puntland ay sameeyaan kacdoon
xuquuq raadis ah. Waxaa
haboon in maamul ku sheegu uu si
wacan u dhageysto guuxa dad
weynaha REER Puntland, gaar
ahaan danyarta xalaal miiratada
ah.
Maamulka Puntland ka taliyo
wuxuu dadweynaha ku maaweeliyaa
dalka waxaan ka hirgalineynaa
Mashaariic hormarineed iyo
shidaal qodid!!! Xaqiiqatan waa
wax lagu maadeysto. Ninbaa yiri
ma anaa waalan mise cadanbaa
laga heesi, qof walboo caqli u
saaxiib ah wuxuu ogsoon yahay in
maamulku ku fashilmay inuu xataa
iskuulo dhiso ama howlihii
yaryaraa ee dowlada hoose uu
hirgaliyo, dal aan xataa
amnigiisa la sugin, waxbarasho
iyo caafimaad wax ku ool ah la
heyn, qorshe magaalo, iyo
mashaariicada ilaha dhaqaalaha
warkood daa. See ku dhici
kartaa in dad shisheeye u maal
gashato? Dadka waxaa kaloo lagu
maaweeliyaa in ay wufuud dalal
kale ka yimaadaan si ay Puntland
u maal gashtaan. Runta naxdinta
leh waxaa weeye in ragaa wufuud
lagu sheegayo ay yihiin rag dano
gaar ahaaneed ka leh qolyaha
maamulka majara u hayo.
Inntaan sheekooyinkaan
mashaariicada Puntland la
soconay waxaan baranay rag badan
oo kala magacyo iyo midabyo
duwan sida MUDANE dulaal TERRY,
maantana waxaa la hadal hayaa
AL-JAABIR. Arintuba waxeey kusoo
koob meeysaa qowda ma qashii
waxna ha u qaban. Maamulku
intuu jiray waxaa uu dadka u
balan qaaday doorashana ku galay
inuu dalka hormarin doono 2-3
sano ee ugu danbeysay
magaalooyinka waa weyn ee
PUNTLAND. Waxaaa la hadal hayay
mashaariicda hoos ku qoran oo
runtii hadii la fulin lahaa wax
ku ool ahaan lahaa dadweyne
badana ay shaqooyin iyo dhaqaale
ka heli lahaayeen:-
Mashruuc dhisme garoon caalami ah ee
magaalada Garoowe (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuc dhisme gagida dayuuradaha
Boosaaso (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuca dhismaha wadada
Laascanood-Buuhoodle (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuca hormarinta caasimadda
Mashruuc wadada lafo-goranyo ee isku
xirta magaalooyin badan oo gobolka bari
ah (Ma hayo
mana sugaayo.)
Mashruuc wadada wadaagsiin iskuna xirto
galkacyo-garacad (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuca wadada Eyl-Garoowe (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuc dib u habeynta wadooyin isku
xira Galkacyo-Bosaso iyo
garowe-Laascanood (Ma
hayo mana sugaayo.)
Mashruuca dajinta qorshaha magaalooyinka
(Ma hayo mana
sugaayo.)
Aqristaha sharafta
leh waxaan u sheegayaa in inta kor aan
kusoo sheegay ay tahay tiro aad u yar
marka loo eego mashaariicda maamulka dad
u balan qaaday amaba looga fadhiyo inuu
fuliyo.
Intaa waxaa dheer in musuqmaasuq aad ugu
baahay Puntland gaar ahaan maamulka
ciidanka iyo waaxyaha kale duwan ee
Heyada dowlada magac u yaalka ah. Waxaa
haba yaratee jirin wax dowlad lagu
sheegi karo, wax mushaar ah askartu ma
qaadato, wax adeegyo ah oo dadweynaha
loo qabtaa haba yaratee ma jiraan.
Mudanayaasha wasiirada waxeey kulmaan oo
wada qaxweeyaan maalinka khamiista
shirka golaha wasiirada is bariidin,
dhaleeceen, iyo in munaasabado lagu
balamo ma dhaafsiisno.
Waxaan shaki ku jirin uu maamulka
Puntland u bilad sharaf ku muteystay soo
dhaweynta DULAALIINTA iyo xodxodashada
Heyadaha caalamiga ah, iyo sidoo kale ka
hadlida munaasabada iyo jeedinta
qudbooyinka. Waxaase wax laga naxo ah in
agaasimka madaxtooyada PUNTLAND eey
ilaaween dib u habeyn iyo asleynta hoyga
madaxweynaha iyo wasaarada ileen waa
ishii dalkee, iyo goobihii DULAALIINTA
lagu soo dhaweynayee.
Gabagabadii, waxaan cid walbo oo
Soomaali ah xasuusinayaa inaan ahay nin
Soomaali dhalad ah, una dhashay
deegaanka Puntland cidnana igu tuhmi
karin nin naceyb u qaba qabiilka maamula
Puntland, isla markaana aheyn nin is
qarinayo ama cid ka baqayo. Waxaan lee
yahay shacabka BAARIGA ah ee reer
Puntland CIDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA
ka tashada AAYIHIINA.
Waxaa diyaariyay:
Saalax Siciid
Gudoomiyaha Ururka
Puntland Aid Service PAS (Denmark)
Abdi65@hotmail.com
0045
26 56 72 64
Afeef:
Fariinta uu wato qoraalka sare
waxuu gaar u yahay qoraha uu
magaciisa kor ku qoran yahay.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|