Mudane Daahir Mire Jibriil oo ah mas'uul sare oo ka tirsan
dowladda KMG ah ayaa booqasho ku yimid Phoenix, Arizona
|
|
Allgedo,
News, March 5,
2007 |
Phoenix,
Arizona (Allgedo News)
- Mudane Daahir Mire Jibriil oo
ah Xoghayaha Joogtada ah ee
Iskaashiga Caalamiga ah ee
dowladda KMG ah ayaa shalay oo
ay taariikhdu aheyd February 3,
2007 booqasho ku yimid magaalada
Phoenix, Arizona ee dalka USA.
Mudanaha oo horay usoo maray
gobolo kale oo USA ka tirsan
ayaa shalay markii ay
diyaaraddii siday soo caga
dhigatay Sky Harbor
International Airport waxaa ka
hor tagay oo gacmo diiran kusoo
dhaweeyay qaar ka tirsan
jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer
Phoenix oo isugu jiray rag iyo
dumarba.
Mudane Jibriil oo si weyn uga
maqsuud noqday sidii diiraneyd
ee loogu soo dhaweeyay gegida
diyaaradaha ee Sky Harbor ayaa
dabadeedna waxaa loo soo
dhaadhiciyay Hotel Crown Plaza
oo ka mid ah Hoteelada waa weyn
ee ku yaala Phoenix.
Isla shalay galab, abaaririhii
3:00 PM waqtiga Phoenix ayaa
waxuu mudahana kala qeyb galay
xaflad balaaran oo soo dhaweyn
aheyd oo ay jaaliyadda
Soomaaliyeed ee reer Phoenix ku
qabteen Hotel Marriot Inn.
Xafladaan oo aheyd mis si weyn
loo soo agaasimay ayaa waxaa ka
hadlay mas'uuliyiin ka tirsanaa
jaaliyadda Soomaaliyeed, ayadoo
ugu danbeyntiina makroofanka
lagu wareejiyay mudane Daahir
Mire Jibriil.
Mas'uulkan oo ah kii ugu
horeeyay ee ilaa iyo intii ay
maamulka dalka Soomaaliyeed
qabatay dowladda KMG ah yimaado
Phoenix, ayaa waxuu si weyn uga
war bixiyay wax qabadka dowladda
KMG ah ee dhinacyada sugidda
amaanka iyo kan xiriirka
caalamiga ah oo sida uu sheegay
ay dowladda guulo la taaban karo
oo wax ku ool ah kasoo hoysay.
Kaddib markii uu mudane Daahir
Mire Jibriil war bixintiisii
dhameystay ayaa waxay
dadweynihii halkaas isugu yimid
weydiiyeen su'aalo dhowr ah oo
uu dhamaantood si hufan uga
jawaabay.
Sidoo kale, markii ay dhamaatay
xafladdii lagu soo dhaweynayay
mudane Jibriil ayaa waxaa uu si
gaar ah ula kulmay qaar ka
tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed
oo isugu jiray ganacsato, aqoon
yahano, odayaal iyo wax garad
kale oo ka tirsan jaaliyaddii
shirkaas kasoo qeyb gashay.
Mr. Jibril, waxyaabaha uu sida
gaarka ah ugula dar-daarmay
jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer
Phoenix waxaa ka mid ahaa:-
In uu dhamaaday dagaalkii
sokeeye ee dalka ka jiray 16-kii
sanno ee la soo dhaafay, sidaas
awgeedna looga baahan yahay in
ay dalka dib ugu soo
noqdaan.
In laga qeyb qaato maal galinta
dalka cid walibana ay dib ugu
maal galiso goboladii ay ka
yimaadeen.
In ay ka fogaadaan wararka lagu
soo qoro internetka oo inta
badan ka dheer xaqiiqda ka jirta
dalka.
In laga qeyb qaato dib u dhiska
degmooyinka iyo gobolada.

In mar waliba lala xisaabtami
karo hogaamiyayaasha dalka iyo
In dalkii dib loogu soo noqdo.
Xubnihii shalay ka soo qeyb-galay
shirkaas waxaa ka mid ahaa milkiilayaasha
amase aas-aasayaashii shirkadaha ama Ururada hoos ku xusan:-
Somali Associations of Arizona
Arizona Immigration & Translation Services
Minnehaha Food Market, Inc
Somali Yellow Pages, Inc
Wamo Transportation Inc.
Wamo Group
Tawakal Halal Market-Minnesota
N & B Auto – Minnesota
Salam Restaurant
Cafe Nazionale
Phoenix Orange Taxi & Limo Transportation Inc.
EDUGSI
Eastern Television Network-Somalia
Ready Cab
Blue & White
Somali Info-Line –UK
Wareysi gaar ah
oo ay allgedo la yeelatay mudane Dahir Mire Jibril halkan
ka dhageyso
|