WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Cusmaan Cali Caato, Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale), Xasan Shaati-gaduud iyo kuwo kale oo badan oo la sheegay in la xanibay dhaq-dhaqaaqooda iyo Xuseen Maxamed Caydiid oo la sheegay in ay adag tahay in uu dib uga soo noqdo safar uu ku tagay Abu dhabi

Allgedo, News,  Arbaco March 21,  2007

Muqdisho, Somalia - Warar hoose oo ay Allgedo ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ee ku sugan Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegaya in laga soo bilaabo markii ay ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya soo galeen in si tartiib-tartiib ah loo xadiday dhaq-dhaqaaqa mas'uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Xanibaadda dhaq-dhaqaaqa mas'uuliyiintaas ayaa si weyn loo dareemay kaddib markii ciidamada Dowladda KMG ah oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay ka guuleysteen kuwii Maxaakiimta oo iyagu inta badan koofurta Soomaaliya ka talinayay muddo 6 bilood ah oo u dhaxeysay July - December, 2006.

Sida ay wararka nagu soo gaarayaan, mas'uuliyiinta dhaq-dhaqaaqooda la xanibay oo ku kala sugan Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa si hoose mid-mid amar loogu siiyay in halka ay joogaan aanay ka bixi karin isla markaana ay si weyn isaga ilaaliyaan in ay ku dhaqaaqaan talaabooyin lidi ku ah howlgalada ay dowladda KMG ah iyo ciidamada ajnabiga ah ka wadaan koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo gobolka Gedo. 

Dhanka kalena, mas'uuliyiintaas oo intooda badan 16-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa dagaal oogeyaal (
warlords) ayaa la sheegayaa ajandaha qarsoon ee ka danbeysa xanibidda dhaq-dhaqaaqooda in ay tahay sidii loo dhimi lahaa ama loo xadidi lahaa saameynt
ooda dhinaca siyaasadda ah ee ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiinta ilaa iyo hadda sida weyn loo dareemi karo in dhaq-dhaqaaqooda loo dhimay ama xil-ka qaadista dadban loogu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah:
Cusmaan Cali Xasen (Caato), G/Sare Bare Aden Shire (Bare Hiiraale), G/Sare Xasan Maxamed Nuur (Shaati-gaduud), Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo kuwo kale oo dhowr ah.

Dhanka kalena, waxaa iyana jira mas'uuliyiin Dowladda KMG ah ka tirsan oo si weyn looga dareemi karo in ay ka dhex muuqdaan how-galada ciidan ee ka socda caasimadda Muqdisho oo la xariirta sidii Muqdisho nabad loogu soo dabaali lahaa kuwaasoo kala ah: Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaan dhigga ee Dowladda KMG ah
Salaad Cali Jeele (masawirka kore) iyo Colonel Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid (msasawirka hoose.)

Salaad Cali Jeele ayaa waxaa muuqata in uu yahay mas'uulka runta ah ee qaabilsan fulinta howl galada nabad kusoo dabaalidda magaalada Muqdisho ee ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Ugaandha, halka Col. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid uu u muuqdo in uu matalaayo sidii uu yahay u qeybsanaha Dowladda KMG ah ee howlaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Wararku waxaa kale oo ay intaas ku darayaan in Ra'isul wasaare ku xigeenka 1-aad, isla markaana ah Wasiirka Howlaha Guued ee Dowladda KMG  ah - Xuseen Maxamed Faarx Caydiid oo dhawaan safar ku tagay dalka Abu dhabi in laga yaabo in uusanba dib ugu soo noqon dalka, sababtuna waxaa weeye baa la leeyahay isaga oo ay xurguf hoose dhex martay madaxweyne Cabdulahi Yuusuf, Ra'isul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo waliba mas'uuliyiinta Itoobiyaanka ee ku howlan ka qeyb qaadashada howl-galada ka socda Soomaaliya.

Isku soo duuboo, marka aad dhinacyo badan ka eegto siyaasadda ay Dowladda KMG ah uga howl galeyso koofurta Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in ay tahay mid si weyn u saacideysa quwadaha kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho iyo abuuritaan xulifo hor leh ee diidan nidaamka ay ku howl galeyso dowladda Ra'isul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Cabdulahi Yuusuf.




Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com