![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||||
|
|
||||
Dr. Jendayi Frazer; Amb. Michael E. Ranneberger; Meles Zenawi; Isaias Afewerki and Amb. David Shinn. Jendayi E. Frazer
Haddaba haweenaydaan waxay si firfircoon faraha ula gashay cidda noqonaysa madaxda waddamada kor ku xusan isla markaana abuurtay awoodihii meel marin lahaa hawshaas iyadoo mar kasta isticmaalaysay awoodda waddamada dariska la ah kuwa kore sida Ugaandha, Nayjeeriya, South Africa iwm. Dr. Frazer waxay xagga waxbarashadeeda jaamacadeed oo idil ku soo qaadatay arrimaha Afrika iyadoo wax ku baratay Jaamacadda Stanford halkaas oo ay shahaadada B.A. ku qaadatay Culuunta Siyaasadda, gaar ahaan Afrika, waxay isla jaamacaddaas ka qaadatay shahaadada M.A. ee Siyaasadda Caalamka iyo Horumarinta Waxabarashada. Waxay takhasus Doktoraal ah ku samaysay Xariirka u dhexeeya Shacabka iyo Milateriga Keenya. Taasoo ay si hoose u dhexgashay hawlaha Keenya iyo Waddamada Dariska la ah. Waxay ka qayb qaadatay hawlaha Milateri ee Afrika. Waxayna macallimad ka ahaan jirtay Machadka Culuunta Horumarinta ee Jaamacadda Nayroobi (the Institute for Development Studies at the University of Nairobi, Kenya). Waxay sidoo kale Macallimad ka noqotay the Graduate School of International Studies ee Jaamacadda Denver. Dr. Frazer waxay kale oo u xilsaarnayd dhexdhexaadintii Ethiopia iyo Eriteria ee dagaalkii dhexmaray 1998-2000, iyadoo la safatay Ethiopia halkaasna Eriteria ay ku qaadacday hawsheeda sidaasna ay colaadi u dhexmartay taasoo ilaa hadda taagaan. Haweenaydan waxay hadda aad uga qayb qaadatay isbedelkii ka dhacay Soomaaliya ee Golihii Maxaakiimta awoodda looga tuuray iyo qandaraaskii soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya. Dr. Frazer oo takhasus fiican u leh sida loo adeegsado waddamada deriska la ah waddanka ay doonayso inay hawl ka fuliso ayaa sidoo kale qandaraas fiican wuxuu kala dhexeeyaa Ugaandha oo hore ugala qayb qaadatay qorshaheedii Koongo. Mr. Museveni (Madaxwaynaha Ugaandha) oo xariif ku ah sida loo rog-rogo siyaasadda reer galbeedka isla markaana ah jabhad waynaaday ayaa hadda u muuqda mid hunguri ka galay sidii uu uga qayb qaadan lahaa qaybsiga qandaraaska Soomaaliya. Amb. Michael E. Ranneberger.
Amb. Ranneberger ka hor Kenya wuxuu ahaa u qaabilsanaha Sudan ee xafiiska Afrika isagoo isla markaana ahaa ku xigeenka xafiiskaas. Wuxuu wax badan soo ahaa la taliyaha gaarka ah ee Maraykanka dhinaca Suudaan. Ka hor wuxuu soo noqday Safiirka Maali. Ninkan odayga ah wuxuu si fiican ugu takhasusay hawlaha Koonfur Ameerika iyo kala furfuridda jabhadaha iyo samaynta kooxaha isagoo ahaa 1995-1999 isu-duwaha arrimaha Kuuba kuna guulaystay inuu Kuuba ka abuuro kooxo u janjeera siyaasadda Maraykanka. Ka hor Kuuba wuxuu soo sameeyay koox la baxday Task Force oo ka hawl gasha Haiti. Amb. Ranneberger wuxuu hadda aad uga shaqeeyaa arrimaha Soomaaliya, kumana cusba oo wuxuu soo noqday Agoosto 1994 Deputy Chief of Mission ee Muqdushu. Ka hor wuxuu aad ugu soo dhex jiray kana soo shaqeeyay Mozambiik 1986-89 iyo Angola 1981-84 isagoo labadan waddanba ka qayb qaatay la dagaalankii kooxihii Shuuciga iyo abuuritaankii jabhado iyo kooxo u shaqeeya danaha Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ka soo abuuray kooxo iyo shaqsiyaad ka shaqeeya danaha Maraykanka waddamada El Salvador iyo Guatemala. Amb. Ranneberger wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Towson State isagoo ka qaatay shahaadada B.A. Wuxuu ka qaatay shahaadada M.A. dhinaca taariikhda Jaamacadda Virginia. Wuxuu hadda si aad ah ugu mashquulsan yahay inuu ka abuuro Soomaaliya kooxo iyo shaqsiyaad u adeega danaha Maraykanka, isagoo kaashanaya Dr. Jendayi Frazer iyo Meles Zenawi. Meles Zenawi
Zenawi wuxuu ku guulaystay inuu ku xukumo Itoobiya siyaasadda ah qaybi oo xukun. Wuxuu ku soo rogay in qawmiyad kasta maamul-goboleed samaysato taasoo abuurtay in la isku qab-qabsado xuduudaha iyo maamullada. Arrintani waxay abuurtay dagaalo joogto ah iyadoo qawmiyaddii u hogaansami wayda awaamiirta Zenawi lagu hubaynayo kuwa kale ee ay is hayaan. Zenawi wuxuu ku guulaystay inuu si casri ah u dhiso gobolka uu ka soo jeedo ee Tigray taasoo leh dhammaan adeegyada hoose, dhexe iyo sare ee bulsho u baahan karto. Wuxuu u diyaargaroobay, sida lagu xanto, inuu ka goosto gobolkiisu haddii Itoobiya kala tagto. Meles Zenawi wuxuu si aad ah ugu guulaystay in maanta taangiyada Itoobiya dhex joogaan goobihii looga talin jiray milaterigii Soomaaliyeed, isla markaana ay xasuuq ugu gaystaan shacab aan hubaysnayn. Zenawi waa nin taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya si fiican u yaqaan, isagoo og in taangiyada Soomaaliya ay mar aan sidaas u dheerayn dhex joogeen Dire-Dawa, iyagoo korna u dhaafay Harar. Zenawi wuxuu doonayaa inuu tirtiro guuldarooyinkii ku dhacay Itoobiya, abuurana taariikh cusub oo jiilasha soo socda ugu faanaan kuwa Soomaalida ah in Xamar, Caasimadda Soomaaliya, taankiyadoodu waxay doonaan ka sameeyeen.. Wuxuu fursaddan uga faa’iidaysanayaa Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Shidaalka caalamka ee lagu qabsanayo magaca Argagaxisada. Haddaba Zenawi oo xariir fiican la samaystay Dr. Frazer waxay doonayaan inay Soomaaliya u abuuraan kaadiriin u shaqeeya danaha ay leeyihiin isla markaana xeebaha Soomaaliya looga taliyo Addis Ababa. Isaias Afewerki
Amb. David Shinn
Amb. David Shinn wuxuu safiir ka ahaan jiray Itoobiya (1996-1999) gaar ahaan waqtigii ay bilaabatay siyaasadda Itoobiya ay dagaallada ugu soo qaadaysay gudaha Soomaaliya 1996. Waxaa hubaal ah inuu qorshe iyo qaaraanba ku lahaa siyaasaddaas ilaa maanta taagan. Amb. David Shinn wuxuu ku dhashay halka la yiraahdo Yakima ee Washington 1940, isagoo waxbarashada Jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda George Washington, halkaas oo uu hadda macallin ka yahay. Wuxuu ku sameeyay takhasuskiisii M.A. 1964 Pan-Somali Movement. Waxaa qariib ah waqtigaas inuu u doorto thesis-kiisa arrintan. Waqtigaas sida la wada og yahay waxaa dhacay dagaalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Itoobiya taariikhda casriga ah. David Shinn wuxuu sidoo kale safiir ka noqday Burkina Faso. Wuxuu shaqooyinkiisii dublimaasiyadeed ee ugu horeeyay ka bilaabay Nairobi-Kenya iyo Daresalaam-Tanzania, isagoo Konsul-ku xigeen ka ahaa Bayruut-Lubnaan. David Shinn wuxuu gacan wayn ka gaystay hawshii Operation Restore Hope ee Maraykanku hoggaaminayay. Wuxuu Isku-duwe ka ahaa 1992-93 Somali Task Force. Amb. David Shinn wuxuu xubin firfircoon ka yahay ururo taageeridda Itoobiya ah sida Society of Friends of the Institute of Ethiopian Studies; U.S. Cares for Ethiopia. Hase yeeshee ka mid ma ahan ururo Soomaaliyeed, isagoo takhasuska shahaadadiisii jaamacadeed ku qaatay Soomaaliya kana soo shaqeeyay. Waxaan maqaalkan u doortay in Soomaalidu aysan ahayn dad wax ku qiimeeya taariikhda isla markaana aan qorin, inay wax baaraana warkeedaba daa, taasoo keenaysa inay si fudud maalmo kaddib hadba jiho u yaacaan. Sidaas darteed waxaa haboon in qofka Soomaaliga ah iska badalo fikirka ku dhisan saacaddaas wixii aan rabo ayaa sax ah.
By: Abdiweli Hassan
|
|
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
Contact us at:
allgedo@allgedo.com