|
|
Allgedo, News, Qamiis,
June 14, 2007
|
|
Qiimeynta qarashka ku bixi
kara 3 qol oo uu leeyahay
Buurdhuubo Primary School oo ku
yaala magaalada Buurdhuubo ee
Gobolka Gedo |
Taariikhdu markii ay aheyd June
3, 2007 waxaa magaalada
Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka
Gedo booqasho ku tegay wariye
Axmed Cumar Saalixi. Wariyaha oo
uu la socday nin fuundi ah oo
kasoo raacay magaalada
Baardheere ayaa waxuu soo
qiimeeyay qarashka ku bixi kara
3 qol oo hoos dhagax ka ah,
korna la saarayo Jiingad ama
laamayeeri.
War bixinta Iskuulkaas oo aan
horay ugu soo bandhignay Allgedo
-
Riix
(Warbixin ku saabsan Iskuulka
Burdhubo Primary School)oo
isugu jirtay mid qoraal ah iyo
masawiro laga soo qaaday
Iskuulka Burdhubo Primary School
ayaa ah mid muujinaya dayac iyo
daryeel xumi aad u balaaran oo
iskuulkaas ka muuqata.
Haddaba, waxaan halkan idinkugu
soo gudbineynaa dayacatirka
Iskuulkaas oo uu fuundiga kusoo
qiimeeyay qiimaha ugu yar ee
Iskuulkaas lagu dayac tiri karo.
Qiimeynta Iskuulkaas oo ku cad
hoos ayaa waxaan ku soo
gudbineynaa Shilling Somali
ahaan iyo Dollar ahaan, waana
sidaan hoose:-
Ugu horeyn, inta aanan
qiimeynta idiin soo gudbin,
waxaan dooneynaa in aan halkaan
idinkugu soo gudbino qiimaha
halkii Dollar uu ka joogay
Shillin Somali ahaan gobolka
Gedo markii qiimeyntaan lasoo
sameeyay oo aheyd June 4, 2007.
Furaha qiimeynta 3 qol ee
Iskuulka Buurdhuubo Primary
School oo ku yaala magaalada
Buurdhuubo:-
1.
$1 = 12,300 Shilling Somali.
2. Qiimaha guud ee 3 qol = 55,490.000 Shilling Somali
3. Dollar ahaan = $4,511
|
Faah-faahin
qiimeynta 3 qol ee Iskuulka
Buurdhuubo Primary School oo ku
yaala magaalada Buurdhuubo waa:-
1- Dhismaha cusub ee iskuulka
waxuu ka koobnaanayaa 3 qol oo
baraako ah oo midiiba cabirkeedu
uu yahay 7m * 5m, tirada
laamatyeeriga qolkiiba la
saarayo waa 32 xabo*120,0000
Shilling Somali waa
11,520,000/=.
2- Noocyada alwaaxda baraakada waa Mezzo morale iyo Tavole oo dhan
72 xabo oo kiiba uu yahay
108,000 oo Shillin waxay u
dhigantaa 7,776.000 Shilling
Somali.
3- Albaabka iyo daaqadaha waa 3 albaab iyo lix daaqadood * 650,000
Shilling Somali oo la mid ah
qiimaha 1,950.000 Shilling
Somali.
4- Dhista iyo tiirarka ku filan 3 qol waa 12,000,000 oo Shilling
Somali.
5- Silig iyo musbaaaro waa 2,300.000 Shillin Somali.
6- Shaqaale dhismo waa 4800,000 Shilling Somali.
7- Kuraas 60 xabo oo ah nooca fomamka ayna ku fadhiisan karaan kiiba
3 ardey * 63000/= waa
378,000 Shilling Somali.
8-Miisas 60 xabo * 95,000/So. Sh.
waa 570,000/ So. Sh.
Total waa 55,494,000/ So. Sh. oo
u dhiganta $4,511 oo dolor oo
weli ayan ku jirin kharashka ku
baxaya Baabuurka alaabta oo inta
badan laga qaadayo Baardheere.
Axmed Cumar Saalixi, Bardhere,
Somalia
Fiiro gaar ah:
Ujeedada
qiimeynta Iskuulkaan in aan
Allgedo kusoo bandhigno ayaa ah
codsi nooga yimid maamulka,
macalimiinta iyo Ardayda
Burdhubo Primary Iskuul oo
codsanaya in cidii awoodi karta
in ay ka qeyb qaadato
dayacatirka iyo dhismaha
Iskuulkaas ay wax kala qabato.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|