BISMILLAAHI
ALRRAXMAANI ALRAXIIM
Mawduucan
maqaallo badan ayaa laga
qoray,waxaanan anigu gooni ah u
jeclaystay maqaal uu qoray nin
la yiraahdo Muxammed Axmed
Wallays oo lagu daabacay bogga
internetka Xogwaran.com.
Labo ujeeddo ayaan anigu haddaba
u qorayaa maqaalkan.Waa marka
hore, waxaan doonayaa inaan
lacnad dusha ugaga tuuro
caadadan foosha xun ee xataa
shaydaanka ku adag inuu ayadoo
kale hindiso, hadalhaynteeduna
aysan kala go'in oo markii
maqaal dadku ka bogtaba mid kale
oo cusub la akhristo.Ujeeddada
labaadi waa inaan, rag talo kama
dhammaatee soo jeediyo wax aan
is leeyahay wax bay ka tari
kartaa sidii loo tirtiri lahaa
caadadan, dadka soomaaliyed guud
ahaanna uga raysan lahaa
hooggeeda iyo ba'eeda.
Waxaan ka
mid ahay dadka soomaaliyeed ee u
soo qaxay dunida reer
galbeedka,markaan halkaas imidna
waxyaabihii aan la kulmay waxaa
ka mid ahaa yasidda.Waxaan
qofkii aan horay loo yasin oo
aan la quursan u sheegayaa in
yasiddu aad u xanuun badan
tahay.Waxaad moodaysaa in
qalbiga middi dab ah lagugu kala
jeexay.Markii la iga daba tuuro
eray xun sida (niggar, madow
uraya) iwm, ama aan la kulmo
nooc kale oo yasid ah waxaan
xasuustaa dhibaatada iyo dulmiga
aan ku haynno dadka soomaaliyeed
ee walaalaheen ah. Waxaan
isweydiiyaa siday ugu adkaystaan
xanuunka intaas tirada la'eg iyo
ciqaabta Eebbe ee aan sidaan
kala harka lahayn aan u
kasbannay haddaan soomaali
nahay.Been idiin sheegi mayee,
qofkii xanuunkaas dareemaa mar
dambe hadal xun kuma yiraahdeen
qof walaalkiis ah.
Waxaa haddaba xusid mudan in
marka aniga la igu yasayo Yurub
ay ka duwan tahay marka qof
soomaaliyeed qabiil awgiis lagu
yaso dalka dhexdiisa.Anigu Yurub
dool baan ku imid, dadka waan ka
duwanahay midab,af,diin iyo
dhaqanba. Markaan jidka
marayo si dhib yar baan uga
soocmayaa bulshada, laakiin
dadka soomaalida ah ee la yaso
dadka sina loogama sooci karo
haddii aysan iyagu kuu
haybsheegan. Siduu qof
caadi ah kuula yahay oo loo
sheekaysanayo ayaa isbeddel
weyni dhacayaa markuu kuu
sheegto reerkiisa. Waa yaabe
maxaa soo kordhay!! Dalkoodina
waa joogaan. Waxaan bilaabay
inaan ku farxo marka qof
soomaali ah, isagoo cataabaya ii
sheego in maanta si xun oo midab
takoor leh loola dhaqmay.
Cadownimo igama ahee waxaan u
arkay in tani shaw dawo noo
noqon karto oo aan xasuusanno
meel kadhaca, aflagaaddada iyo
dulmiga aan ku haynno dadka
walaaleheen ah. Waxaa la yiri
daawada fiicani inta badan waa
qaraar.
Ficillada
Ilaahay ummadaha ku halaago waa
kuwa wadajir loo sameeyo. Dadka
soomaaliyeed guud ahaan wuu u
dhan yahay dulmigan. Kuwii
hore iyo kuwa hadda, culimmo iyo
caamo, carruur iyo waayeel, rag
iyo dumar, doqon iyo waxgarad
middan looma kala harin.Run
ahaantii waa mid yaxyax iyo
murugo leh.Xaddiis ayaa
macnihiisu ahaa (Qofkii qof
muslim ah yasaa Ilaahay agtiisa
waa ka qarmuun badan yahay
doorshaanka - xaar wal-waalka).
Ilaahayna Quraanka kariimka ah
ayuu ku sheegay waxa keliya ee
qof - qof kale kaga sharaf badan
yahay inay tahay Alle ka cabsiga
- (Suurat Alxujuraat), dadka
soomaaliduna waa yaabe waa dad
muslimiin ah.Xaggee wax iska
daba marsan yihiin?
Culimmada qaarkeed ayaa
shuruudaha guurka ku daray wax
la dhaho isudhigan (KUF).
Taasoo ay ka wadaan in ninka iyo
naagta is guursanayaa dhinac
kasta ka siman yihiin.Diintu waa
tii Nebi muxammed(NNKH)
la yimid raadka la raacayaana
waa kiisii iyo kii saaxiibbadiis
(Ilaah raalli ha noqdee.)
Culimmada laga maqlay in
abtirsigu shardi guurka u yahay
lama iman haba yaraatee wax
daliil ah taasoo ku khasabtay
Imaam Ibn Xazam inuu diido kufka
gebi ahaanba, Imaam Malik-na
wuxuu ka reebay isudhiganka
xagga diinta iyo akhlaaqda
isagoo eegaya aayadda kor ku
xusan. Daliillada
caddaynaya in aan abtirsigu guud
ahaanba wax tixgelin ah lahayn
aad bay u badan yihiin, una cad
yihiin, qiyaas iyo hadaltirona
la tixgelin maayo marka daliil
qaadic ah la hayo.Anigoo aan
cilmigeygu saa u buurnayn ayaa
helay xantoobo daliil ah oo
muujinaya in dadka muslimiinta
ahi isu wada kuf yihiin (isu
dhigmaan), arkayna in
daliillada kuwa abtirsiga
difaacayaa yihiin huuhaa.Waxaan
halkan ku soo qaadanayaa dhowr
tusaale. Ogow marka hore
xagga abtirsiga iyo jaranjarada
bulshada waxaa shaki la'aan ugu
hooseeya qof addoon ah ama ahaan
jirey. Dadka soomaaliyeed
ee la abtirsi yasaa weligood cid
addoon uma noqon, dadkana midab
iyo muuqaal midna loogama sooci
karo, haddaba:-
1) Nebi
Muxammed(NNKH) wuxuu
Zeynab bint Jaxash (Alle
haka raalli noqdee) u
guuriyey Zeyd ibn Xaaritha (Alle
raalli ha noqdee) oo
addoon ahaan jirey. Zeynab
waxay ahayd reer Quraysh,
Nebigana ilmo abti iyo ilmo
eeddo ayey ahaayeen.Zeynab waxay
ka dib noqotay mid ka mid ah
hooyooyinka muslimiinta oo waxaa
Eebbe u guuriyey Nebiga markii
Zeyd furay (Suuradda Axzaab
ayaa qisadan lafa guraysa).
2) Sayidnaa
Bilaal (Alle
raalli ha ka noqdee)
oo midab ahaan ka duwanaa
carabta, addoonna ahaan jiray
wuxuu la xididay Cabdiraxmaan
ibn Cawf (Alle
raalli ha ka noqdee)
oo ka mid ahaa dadkii ugu sharaf
badnaa Quraysh Islaamka ka hor
iyo ka dibba. Bilaal wuxuu
guursaday Cabdiraxmaan
walaashiis.
3)
Xadiis Bukhaari iyo Muslimba
weriyeen ayaa Nebigu naxarriis
iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee ku yiri "Ninkii leh
gabar addoon u ah oo si fiican
wax u bara, una wanaag fala, ka
dibna xoreeya oo guursada labo
ajar ayuu leeyahay."
FIIRO
GAAR AH: ISLAAMKU
ADDOONSIGA WAA LA DAGAALAY,
MAWDUUCUNA WAA DHEER YAHAY OO
HALKAN LAGUMA KOOBI KARO.INSHA
ALLAH MAR BAAN WAX KA QORI
DOONAA.
Saddexdaas
daliil ayaan kusoo gaabinayaa,
waxayna si cad u caddaynayaan in
muslimiintu isudhig isu yihiin.
Haddaba
caadadan ku xun
diinta,baniaadamnimada, anshaxa
isla markaasna dhibaato aan la
koobi karin ku haysa qayb weyn
oo dadkenna ka mid ah, maxaa
inagu dhajiyey? Maxaa
inaka xumaanaya haddeynnu
tirtirno? Maxaynnu carada
Eebbe ugu kasbanaynaa waxaan
haba yaraatee wax dan ahi ku
jirin,dadkeennana ku haya xanuun
joogta ah? Caqligaa
diidaya caado shaydaankaas,jirka
qofka noolina waa ka
damqanayaa.Ummad aan caado taas
oo kale ah ka tegi karinina xaq
uma laha inay jirto.
Marka la
rabo in la beddelo caado xun
waxaa lagama maarmaan ah in
dadka bulshada hoggaanka u ah
iyo kuwooda lagu daydaa ay u
tafaxaytaan,dadaal ficil lehna
muujiyaan.
Inta badan
sharciga keligiis wax badan ma
taro,waxaana taa caddayn u ah
sidii dawladdii kacaanka ahayd
isugu dayday inay aafadan wax
uga qabato.Waxaan isna meel
dheer gaarin hadalka
keligiis.Anoo halkaa ka
duulaya,tixgelinna siinaya
xaqiiqda ah in arrintani
qabyaalad salka ku hayso,
takoorka xagga guurkuna sal u
yahay dhibaatadan, waxaan soo
jeedinayaa:-
B)In
shirweyne guud la qabto,laguna
martiqaado dhammaan isimmada
soomaalida (ugaasyo, garaado,
suldaanno, boqorro, islaanno,
malaakhyo iwm.). Waa in
isimmada laga dhaadhacsiiyaa
inay arrintan hormood u noqdaan,
laguna guubaabiyo in mid kasta
oo iyaga ka mid ahi la xidido (ka
guursado ama u guuriyo)
dadkaas la tafiir sooco.
Haddii isimmada oo ah madaxda
qabiillada ay la xididaan
dadkaas waxaa deg deg u daba
gelaya oo ku dayanaya dadka
caadiga ah.
T) In
isla shirkaas lagu martiqaado
culimmada waaweyn ee
soomaaliyeed,kuwaasoo ayagana
laga rabo inay hoggaan u noqdaan
waddada la qaadayo.Waa in
culimmadu fahmaan in arrintani
tahay midaan la dhayalsan karin
oo ay ka mid masiibooyinka ugu
waaweyn ee dalkeenna ka jira.
Dabargoynta caadadini waa waajib
diini ah, waajib bani'aadamnimo,
waajib waddaninimo iyo mid
anshax. Sida dhiigga qofka
muslimka muqaddas u yahay, ayaa
ilaalinta sharafkiisa,
dadnimadiisa iyo dareenkiisuna
muqaddas u yihiin.
J) In
aqoonyahannada, fannaaniinta iyo
siyaasiyiinta,ganacsatada iyo
waxgaradku u soo jeestaan,
doorkoodana ka qaataan la
dagaallanka caadadan.Waa in la
guubaabiyaa guurka iyo dhexgalka
dadkan, lana abaabulaa sanduuq
dhaqaale oo lagu taageerayo
dhallin yarada doonaya inay
dadkan ka guursadaan aanse
haysan dhaqaale ku filan,
eheladooduna qadisay iyagoo
diiddan guurka.
X) Ugu
dambeyn waa in warbaahiyeyaasha
soomaalidu baahiyaan wararka ku
saabsan arrintan,iyagoo toosh ku
daaraya dhibaatooyinka loo
geysto dadkeennan, isla markaana
dhiirragelinaya horumar kasta oo
laga gaaro ka gudubka caadadan.
Caadadani
Eebbe idanki way dabargo'aysaa
oo rajo fiican baa ii muuqata.
Taariikhdaa indho kulul ku soo
eegi doonta kuwa isku dayaya
inay ilaaliyaan caado ibliiskan,
samada in laga lacnadona way u
badan tahay. Ka qayb qaadashada
dabargoynta caadadani waa jihaad
diini ah, waa badbaado qaran,
waana tiir loo taagayo mustaqbal
uu ku taamo guud ahaan shacabka
soomaaliyeed. Cid kale ugu
daneyn maynnee, waa danta
dadkeenna oo idil.
WA BILLAAHI
TAWFIIQ
Abdirahman Elmi Hashi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no