WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Maqaal,  January 17,  2007

Dhacdooyin la-yaab leh..!!

(*) Waa maxay "Webi"..?!!, Sidee ayuuse u yaallaa..?!!!
    
Sannad-dugsiyeedkii 1997/1998-kii ayaa waxaa aan ka shaqaynayay oo "Bare" ka ahaa dugsi ka mid ah dugsiyada degmooyinka Gobolka "Al-jowf " ee dalka Yemen. Gobolkaas oo ku yaalla xuduudda Yemen ay la leedahay dalka Sacuudiga; dadkiisuna badanaaba ay yihiin Qabaa'il reer-Baadiye ah oo Xoolaley iyo Beeraley isku-dhafan ah.
    
Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo goor casar-gaabad ah fadhiya hoos-galbeedka aqalkii aan degmada ka degganaa, dhabtana ku heysta "Radio", oo ka dhegeysanaya warkii oo ka socday Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa waxaa i soo ag-fariistay Oday reer-Baadiye ah , oo aannu meesha deris ku ahayn; da'diisuna ahayd markaas qiyaastii dhowr iyo toddobaatan jir.

Markii Odaygu uu cabbaar i ag-fadhiyay, arkayna inaan dhegeysigii dhammeeyay, oo demiyay Raadiyihii, ayuu  igu yiri:-   " Ustaad, maxaad ka dhegeysaneysay Raadiyaha..?. Waxaan u sheegay inaan ka dhegeysanayay wararkii ugu dambeeyay ee " Somalia". Wuxuu igu yiri:-" Hadda xaaladda dalkiinna Soomaaliya waa sidee?  Dagaalladii sokeeye ee xaggiinna laga sheeg-sheegayayse xaggee ayay marayaan
?!!.  Waxaan Odayga reer-baadiyaha ah siiyay jawaab waafaqsan Su'aashiisa, oo uu isaguna qaadi karayo, oo uusan fahamkeedu ku cuslayn.

Wuxuu haddana i weydiiyay Su'aal la xiriirta; Sida iyo Waxa ay dadka
Soomaaliyeed ku nool yihiin, iyo wixii Hanti ah ee ay Soomaalidu leeyihiin ..?

Waxaan u bilaabay Odaygii, inaan si kooban wax uga taataabto nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.  Waxaan soo hadal-qaaday, inay  Soomaaliya tahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer Qaaradda Afrika; Xoolo la dhaqdo, Ugaar (duur-joog ) aan xad lahaynna leedahay; Dhul-beereed carra-san ah oo ballaaranna
uu dalku leeyahay; kuwaas oo aad uga badan Soomaalida, marka loo eego tiradooda.  Waxaan kaloo xusay inuu jiro khayraadka dhulka hoostiisa jiifa oo dihin, welina ayan dadka Soomaaliyeed la soo bixin.
    
Wuxuu Odaygu i yiri:-" Ma annaga oo kale ayaad Beeraha ku waraabsataan Ceelal? Mase roobabka xilliyada ayaad la beegsataan ?. Waxaan u sheegay, walow ay jiraan  beero-roobaad, haddana inuu dalku leeyahay laba "Webi", oo ay Beeralayda ku dhow-dhow qaarkood ku waraabsadaan Beerahooda, laga dhaansado, Xooluhuna ka cabbaan Webiyadaas.
Wuxuu Odaygu la soo booday Su'aal ahayd : Waa maxay Webi ? Sidee ayuu u yaallaa? Ma Balli baa, mase waa Baxar (Bad) ?!!!.  Yaabkii ayaa i hareeyay oo weydiintaas ayaan filan kari waayay. Hawl aanan yarayn ayaa waxay iga qabsatay sharraxaadda "Webi", waxaanse ugu soo koobay oo iri:-"  Webigu waa sida Waadigan  (Toggan) degmadiinna dhex-maraya , oo ay biyo xareed ahi, si joogta
ah uga buuxaan oo kale.  Dalal badan oo dunida ah ayaa sida Soomaaliya  oo kale leh Webiyo, sida;- Suudaan, Masar, Ciraaq, Ruushka, Shiinaha, Maraykanka iwm.
    
Inta uu Odaygii qumaati ii soo fiiriyay, si la-yaab lehna dhegaha u taagay, ayuu igu yiri:-" Hadde, maxaa adiga meeshan ku dhigay ?!!!. Maxaase waalaya oo wad-wada Soomaalidan dhulalka Carbeed ee lama -degaanka ah u soo yaacaya, ee uu dalkooduna  u yaallo oo u eg-yahay sida aad tilmaamayso Ustaadow ?!!!.
    
Waxaan u sheegay Odaygii; in ayan dadka Soomaaliyeed ee Yemen joogaahi, ka soo cararin gaajo, Carabahana ayan u soo doonan "Cunno", balse ay ka soo yaaceen dagaallada sokeeye ee dalka
(Somalia) ka jira iyo waxyeelladiisa ee  ay degganaansho-darridu ka midka tahay.
    
Inkastoo aan ilaa xad waabiyay Odayga, haddana wuxuu u muuqday ruux aanan ku qancin oo ayan ka daadegin casharka aan u dhigayo; aniga ayuuna bilaabay inuu Cashar kale ii mariyo oo igu dul-aqriyo; wuxuuna isagoo sii kacaya oo taagan igu  yiri:- " Ma adinka oo Xeeb dheer, Dhul-beereed, Xoolo aan tiro lahayn, Ugaar, Webiyo buuxa iyo Kheyraadka dhulka hoos-jiifa...adinka oo  intaas oo dhan leh miyaad dhulkiinnaas barwaaqada ah uga soo cararaysaan xabbad ay ridayaan  tiro yar oo dad ah oo  uu damac wadaahi ..?!!!. Maad u midowdaan,
iska qabataan, meelna uga soo wada jeesataan..?!!!"

Wuxuu Odaygu intaas raaciyay oo uu yiri:-" Ustaad, waxaan maqlay, xitaa Ariga tirada badan ee Yemen soo gala, laguna magacaabo "Barbarii" inuu xaggiinna Somalia  ka yimaado, taas ma jirtaa ?!!.  Waxaan ugu jawaabay haa wa dhab, oo Arigaas wuxuuba wataa magaca magaalada dakaddeeda laga soo dhoofiyo, oo ah "Barbara" oo Woqooyiga Soomaaliya ku taalla.

Wuu iska sii socday Odaygii, isagoo aan xitaa i dhihin "maca-salaama", jawaab kalena aanan iga sugin; wuxuuse si la-yaab leh u sii lahaa oo aan maqlayay:" Soomaalidu waa dad waalan, Allana uu siiyay dhul "Janno" ah...may heshiiyaan, iska-qabtaan kuwa uu damucu wado, aayarna isaga dhuuqaan barwaaqada uu "Raxmaanku" ugu deeqay ?..maxay ahayeen dadku ?!!!.
    
Markii uu Odaygu iga dhaqaaqay, baan keligay isla hadlay; waxaan soo xusuustay heesihii Hobollada Qaranka ee "Dhulkaayagiiyow", "Arligaygow" iyo kuwa kale. Waxaan is-arkay anigoon is-ogayn oo  ku luuqaynaya ereyo ku jiray heeso jacayl ahaa, laakin timaamaya quruxda, bilicda, muuqaalka iyo barwaaqada dalka, kuwaas
oo ay ka mid ahaayeen:-" Berdihii ku yiil Isha baydhabo, Haakaba bannaanshee, Beledweyn Allahayow ka dhig guri barwaaqo, Liibaantii Qoyooley, dhuuxii Boorama, Ceel-buur  iyo Ma-ogtihiin Magaalada Muqdisheynu joognaa, sida maanta ay tahay..." iwm. Keligay ayaan ku jiriiricooday  kobtii aan fadhiyay, ilaa  aan ku baraarugay Aadaankii Maqrib.


WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com