|
By
Shaafici Xassan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com
War Ibraahinow heedhe
Hooyaale luuqaynta
Iyo gabayga heegaysan
Halqabsiga waxaa buuxsha
Hal-abuurka iyo doodda
Nimaad heer wadaagtaane
Inaan hagar la’aan deexdo
Haddaan himiladii
waayey
Middii haamihii ciirta
Laftigeedu waa heese
Habdhaceeda miisaanka
Waxaa ila habboonaatay
Jeer aad ka hanaqaaddid
Inaan kugu hanuunshaaye
Inkastood hagaasowdwey
Hadal weliba meeshiise
Maandhow hal iga qaado
Huri maysid taladaane
Hawraartu dhegahaaga
Haheer yaanay uga leexan
Indhahana humaag been ah
Hinbiriirsi ha u eegin
Hagoogtana ka qaad madaxa
Iyo hilifka kaa saaran
Hurdo yaanay kaa muuqan
Hamaansigana aashaada
Hanjabaadda tixahayga
Goortaan hujuun maago
Haraaryada wadnuhu dhiigga
Nafta yaanu halakaynin
Huqi yaanay kugu raagin
Hanfadihiyo xayraanka
Marar baan humaajaaye
Hareeriga haddaan taago
Sida habaska ha u duulin
Dulucdii la heenseeyo
Huga iyo sarbeebteeda
Hubsashada u kaalmayso
Hidde waa ma guuraane
Salfudayd horaa jiraye
Habaqhabaqda badan jooji
Hilin dheer haddaan qaado
Anoo aan hogtii gaarin
Horbood iyo fudayd waalan
Marna yaanan kugu hiifin
Maansada hillaaceeda
Hanqarkiyo daryaankeeda
Halhaleel mar bay tahaye
Adoo hoganayoo maahsan
Hugun yaanay kugu dhaafin
Anigoo bannaan haysta
Marar baan huluul oodan
Hoosteeda geliyaaye
Adoo haabasho u jeeda
Gacmahaaga habayaaqsan
Iyo lugo hawaarkaaga
Halaq yaanu kaa goosan
Halqabsigiyo maahmaahda
Hoodaan u leeyahaye
Ereyada haldoorkooda
Waan heli ogaadaaye
Yay habacsanaantaadu
Sida habayga kaa daadin
Nimman geed har weyn jooga
Harreed leyda kulankooda
Haddaad ka hindisoonaysid
Haybad baa la yeeshaaye
Fadhigiyo hannaankiisa
Maandhow habka ilaali
Hundhursiga ka daa gogosha
Haraatina ha tuurtuurin
Iyo gacan habaabaysa
Habaarka iyo warafkaaga
Iyo ciilka kugu huurey
Haddaan hoos u sii eegay
Anoo hadalka soo koobay
Hargeysiya Burcoo goosmay
Hanan maysid weligaaye
Huluunbaha ka saar madaxa
Hurgunkana dawo u qaado
Hargab yaanu kugu raagin
Heeraar xudduuddaa ah
Haynteedu sharaf weeye
Hallayntuna gunnimo weeye
Hinnaas iyo fudayd weeye
Hosayn dadnimo weeye
Hanyaraan daciif weeye
Hoog iyo halaag weeye
Haantooley daran weeye
Hayb iyo qabiil weeye
Habro kala shaxaad weeye
Damac iyo hunguri weeye
Habeen dhuumashaa weeye
Ceeb iyo hullaab weeye
Haruub caaryo badan weeye
Haan aan cullayn weeye
Hagag iyo dafirid weeye
Hagar fulenimaa weeye
Doqonnimo hingilan weeye
Hungo cayrnimaa weeye
Hud-hud dirediraa weeye
Halac iyo kulayl weeye
Hanfi diirataa weeye
Ummaddoo hayaamaysa
Ka har oo habaw weeye
Harjad iyo wareer weeye
Hule iyo xajiin weeye
Heeryada dulliga weeye
Shaki iyo habsaan weeye
Indho hoor ka da’ay weeye
Hoosaasin maran weeye
Hagardaamo cadow weeye
Wax aan kuu hirgelin weeye
Calankuna hagoog weeye
Barde hoos qabow weeye
Hogol iyo daruur weeye
Haro aan go’ayn weeye
Hawd iyo cagaar weeye
Halab caaneheed weeye
Hufnaan daacadnimo weeye
Ilaahay hortiis weeye
Heshiis iyo kalgacal weeye
Isu soo hilow weeye
Abtirsiinyo higilkeennu
Isku haybsadaan weeye
Hiyigooda sare weeye
Hirarka iyo mawjadaha
Hadalkooda sida weeye
Taariikh hillaacaysa
Hirashadeeda nool weeye
Hodan qarrannimaa weeye
Hanbadii adduun weeye
Hordhacii jannada weeye
Dalku hoy midnimo weeye
Hayin aan didayn weeye
Hareeraha adduunkoo dhan
Intii haajirtoo dhooftay
Wax ay haamiyaan weeye
Inteennii hayaan guurtey
Wax aynaan hurayn weeye
Ummadduna hal qura weeye
Hooyiyo dhasheed weeye
Hilib iyo xigaal weeye
Haween iyo raggood weeye
Hablo iyo barbaar quruxda
Isku wada habboon weeye
Maandhow hoggaankayga
Waxaan kuugu xiray heedhe
Heeryadana kuu saaray
Markaan hilayga kugu caynsho
Hinqashada
in aad daysid
In aad noqotid hanad suubban
Dalka soo hagaagaaya
Haddii dawlad loo haysto
Waa hibo ilaahaye
Halyeygii xil kuu qaada
Hanbalyee itaalkaaga
Rag baa hawsha kuu galaye
Ha moogaan xamdiga Eebbe
Iyo hadafka diinteenna
Hamrashadana caadayso
Hawadana ha raacraacin
Iyo haadda socodkeeda
Halkaa waxa ku gaarsiiyey
Argagixiso hooggeede
Waa horor shisheeyaahe
Hamuun buu la soo kacaye
Yuu luqunta kaa haatin
Adigay ku hodayaane
Ha ku dagan hub iyo miino
Hoostaada lagu duugo
Iyo holaca baaruudda
Ha u hiillin mooryaanta
Iyo qaar habraha booba
Hanti dawladeed qaatay
Oo hooshka caadaystey
Iyo haynta xaaraanta
Ha huruufin deriskaaga
Haraggaad wadaagtaane
Afrikaanka kuu heellan
Weligaa ha haaraamin
Maandhow hammiga suubbi
===Dhamaad===
|