G/Harey, Somalia -
Shir nabadeedkii beesha reer Yuusuf uga socday tuulada Daabley ee gobalka Gedo
ayaa dhawaan la soo gabagabeeyay ayada oo laga soo saaray go’aamo wax ku ool
ah, waxayna ergooyinkii shirka soo gaareen degmada G/haarrey ee xarunta
Gobolka Gedo.
Ergooyinka
ayaa kaddib markii uu shirku dhamaaday usoo kicitimay degmada G/haarrey si ay beelaha SADE ula
socadsiiyaan natiijooyinka ka soo baxay shirkii Daableey iyo iyaga oo
ka jawaabayay casuumaad rasmi ah oo ay maamulka iyo waxgaradka
G/haarrey u fidiyeen wufuuda shirka.
kulan ballaaran oo ay
wada yeesheen ergooyinka shirka Daableey iyo waxgaradka degmada
G/haarrey ayaa lagu soo bandhigay go’aamadii ka soo baxay shirkii
Daabley, go’aamadaas oo si weyn u taabanayay dhinaca nabada ayaa si
weyn loo soo dhaweeyay. Waxaana go'aanadaas u riyaaqay shacabka iyo maamulka
Gobolka Gedo oo sheegay in ay go’aamadani yihiin natiijooyin hufan oo si
haboon u taabagalinayo hanaanka nabada ee Gobolka Gedo.
Gabagabadii
kulanka guud ee lagu soo bandhigay go’aamada shirka Daableey ayaa
waxaa lagu dhawaaqay in ay furmayaan wax loogu yeeray kulamo
turxaan-bixin ah oo lagu dhamaystirayo shirka Daableey, kuwaas oo
dhexmarayo jifooyin gaar ah oo ay horay u dhexmareen isku dhacyo
hubaysan, waxana ugu danbayntii maanta lagu warbixiyay in ay
kulamadaasi si guul ah ku dhamaaden.
Qaybta nabadeynta ee
hay’ada NCA ayaa tababar labo maalmood ah G/haarrey ugu qabatay oday
dhaqameedyo iyo indheer garad kale oo isugu jiro ergooyinka
shirkii Daabley iyo wax garadka degmada G/haarrey, siminaarkaas oo la
xariiro hababka nabadeynta iyo xallinta colaadaha, waxana gabagabadii
siminaarka ee maanta lagu sheegay in degmada G/haarrey lagu qaban doono
shirweyne nabadeed oo lagu ballaarinayo natiijooyinka nabadeed ee
haatan salka ka unkamay.
Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirka Daableey:
Shirkii
ka socday tuulada Daableey oo soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo baxay
Go’aamo dowr ah oo inta badan ku saabsan dhinaca nabadda iyo xallinta
mashaakilada saamaynayo xasiloonida, waxayna go’aamadaasi ku soo baxeen
sidatan hoos ku xusan:
SHIRWEYNE AY ISUGU YIMAADEEN BEELAHA REER YUUSUF OO KA DHACAY TUULADA DAHABLEY EE DEGMADA GARBAHAAREY EE GOBOLKA GEDO SOOMAALIYA
Shirweynahan
ay isugu yimaadeen beelaha kor ku xusan ayaa bilowday taariikhdu markay
ahayd 31/05/007 wuxuuna dhamaaday 11/06/007, shirkan oo ay ka soo
qaybgaleen ergo dhan 250 qofood oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka uu
ka kooban yahay gobolka Gedo.
Ujeedooyinka shirkan oo ahaa
nabadeynta iyo xalinta qilaafaadka beesha dhexdeeda lana gaarsiinayo
beelaha kale ee Sade Iyo dhamaan darisyada gobolka Gedo.
Qodobada shirkan waa kuwa hoos ku qoran:-
1. Beesha waxay si buuxda ugu heshiisay in laga gudbo wixii qilaaf ah ee beesha dhexdeeda ah.
2. Wixii mag ah ee horay u jiray in beeshu ay u bixiso si wada jir ah mudada ugu dhaqsaha badan.
3. Qofkii qof si kas ah u dilo waxaa la isku raacay in la soo qabto
laguna fuliyo dil toogasho ah kaas oo waafaqsan sharciga Islaamka.
(a) Qofkii gacan ku dhiigle qariyo ama si kale gacan u siiyo waa la qabanayaa waxaana la waafajinayaa shareecada Islaamka.
(b) Wixii xaq ah ee beesha reer Yuusuf uga maqan beelaha Sade waa in lagu doonto si waafaqsan sharciga Islaamka.
4- Ninkii umada u istaago jidadka, una geysto dhac iyo dhaawac waa la soo qabanayaa waxaana la waafajinayaa shareecada Islaamka.
5. In beelaha Xasan gaashireedle loogu yeero shir Deg Deg ah kaasoo
lagu xalinayo qilaafaadka jira ee Gobolka, lana doonayo in lagu
gaarsiiyo beesha Sade.
6. Beeshani waxay ugu baaqaysaa
walaalahooda Sade in ay isugu yimadaan shir guud oo lagu xalinayo
dhamaanba dhibaatooyinka soo jiitamay ee naafeeyey nabada iyo horumarka
beesha ku dhaqan gobolkan Gedo, islamarkaana ay samaystaan maamul
goboleed loo dhan yahay oo isku xiro gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
7. In la mideeyo siyaasada, difaaca iyo dhaqaalaha Sade Dibada iyo Gudahaba.
8. In beelahani ay ka gudbaan kala qoqobnaanta dhexdooda ah.
9. In la taageero lana soo dhaweeyo shirweynaha qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.
10- In darisyada la xaq dhowro lagulana dhaqmo si nabadgelyo ah.
Wixii xaq ah ee beesha Sade uga maqan darisyada in lagu doonto si waafaqsan sharciga Islaamka .
11- Beeshu waxay go'aansatay in ay wax walba ka hormariso nabadgelyada guud ee gobolka iyo gobolada la dariska ah.
12- Shirku wuxuu go'aamiyey in nabadgelyada ay tahay nolosha aadamiga, sidaasi darteed waa in la dhowro si guud iyo si gaarba.
13- shirku wuxuu soo dhaweynayaa wax kaste oo wanaang iyo horumar u horseedayo beelaha ku dhaqan Gobolka gedo.
14-
Shirku wuxuu ka codsanayaa dhamaan beelaha kale ee Sade in ay ku
taageeraan qaadashada nabadgelyada Gobolka iyo horumarkiisa.
16- Shirku wuxuu go'aamiyey in sare loo qaado tayada waxbarashada ee guud ahaan gobolka lana dhiiri galiyo.
Guddiga saxiixay go'aankanka/
Magaca buuxa & Saxiixa:-
1- Ugaas Maxamed Xassan Yarow _____________
2- Nabadoon Macalin Aadan Cabdi (geesey) _______________
3- Sheekh Cali Xasan Ibraahim _______________
4- Macalin Cabdi Muxumed (madaxey) _______________
5- Nabadoon Mahad Macalin Cismaan _______________
6- Nabadoon Muxumed Cali Dhuumaal _______________
7- Nabadoon Barre Ismaaciil Macalin ________________
8- Nabdoon Muxumed Daahir Cabdulle ________________
9- Nabadoon Cali Cabdi-Samad Yuusuf ________________
10- Nabadoon Sanay Nuur Xiirey ___________________
11- Nabadoon Cabdulaahi Cismaan Xaaji _________________
12- Nabdoon Muxumed Kheyr Aaden Dabow _________________
13- Nabadoon Ibrahim Aaden Xuuriye _________________
Xiriinta iyo isku dubaridida shirka:
1. Maxamed Cabdi Kaliil
2. Maxamed Cabdi Aaden
3. Ibraahim Xasan Xuuriye
Xoghaynta shirka:
1. Maxamed Cabdi Ibraahim (hire)
2. Axmed C/raxmaan Xassan (mush)
3. Maxamuud Macalin Saalax
4. Siyaad Aadan Faarax