|
|
|
FAALADA ALLGEDO EE MAANTA:
GUUL IYO GUUL DARO, GEEDKA AY MAANTA
SOOMAALIYA HOOS TAALO WAXAA DHIGAY NIMANKA UU MAGACOODA IYO MASAWIRKOODABA HOOS
KA MUUQDO.
(QAABKA KALA SAREYNTA XUKUUMADDA DOWLADDA
FEDERALKA KMG AH HOOS KA EEG.)
Faafin: January 30, 2007 |
|
|
|
|
|
|
 |
|
|
|
|
Madaxweynaha Dowladda Federalka
KMG ah isla markaana ah
Guddoomiye-ku xigeenka 2-aad ee
Guddiga Howlgalada Soomaaliya -
G/Sare Cabdulahi Yusuf Axmed.
|
|
|
|
 |
|
|
Gudoomiyahii
Baarlamaanka Dowladda FKMG ah -
Shariif Xasan Sheikh Aden oo
xilka Guddoomiye nimada laga
qaaday Arbaco, January 17, 2007 |
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
|
|
Wasiirka
Arrimaha Gudaha isla markaana ah
Ra'isul wasaare ku xigeenka
koowaad ee Dowladda FKMG ah -
Xuseen Maxamed Caydiid. |
Ra'isul
wasaaraha Dowladda FKMG ah -
Prof. Cali Maxamed Geedi
|
Wasiirka
Gaashaandhigga Dowladda FKMG ah,
G/Sare Bare Aden Shire (Bare
Hiiraale) |
|
|
Hogaankii sare ee golahii
maxkamadaha ee la jebiyay waxay
inta badan koofurta Soomaaliya
ka talinayeen June, 2006 -
December, 2006. |
|
|
 |
 |
 |
|
|
Hogaamiye yaashii Golihii
Maxkamadaha - kasoo bilow dhanka
bidix, Sheikh Sharif Sheikh
Axmed, Sheikh Dahir Aweys (dhexda),
iyo Sheikh Yuusuf Siyaad Indhacade - Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Hoose. |
Kaddib markii aan si fiican ugu kuur
galnay arrimaha la
xariira siyaasadda Soomaaliyeed, gaar
ahaan ragga isku hayay loolanka
siyaasadeed ee Soomaaliya laga soo
bilaabo sanadkii 1991-kii. Kaddib
markii aan intii muddo ah
dad badan wareysi kala yeelanay arrimaha murugsan
ee Soomaaliya. Kaddib markii aan
intii muddo ah isha ku haynay isbedelada
siyaasadeed ee sida xowliga ah u socday
laga soo bilaabo markii ay maxkamadaha
la wareegeen maamulka inta badan
Koofurta Soomaaliya, waxaa inoo
soo baxay qodobadaan:
1. Soomaalida sideedaba malahan mabaadi guud ee ka dhaxeysa oo ay wada
qadariyaan ama wada ixtiraamaan.
2. Umadda Soomaaliyeed guud ahaan ma garan karaan qiimaha ay leedahay
wadaniyadda ama dhowridda diintooda,
dhaqankooda iyo sharaftooda, balse wax
kasta waxaa kala weyn aaminaada iyo
tix-gelinta ay u hayaan QABIILKA.
3. Xubnaha Soomaaliyeed ee sida weyn ugu howlan ka qeyb qaadashada
arrimaha siyaasadda Soomaaliyeed ma ahan
dad xor ah oo intooda badan waxay u wada
adeegaan dowlado kale, isla markaana
waxay si toos ah iyo si dadbanba u
difaacaan danaha dowladaha kale halkii
ay ku dadaali lahaayeen difaacidda danta
Soomaaliyeed.
4. Soomaaliya iyadaa is jebisay ee cid kale ma jebin, sidaas awgeedna,
haddii aanay bulshada Soomaaliyeed guud
ahaan u guntan sidii ay u midoobi
lahaayeen lagama yaabo in ay arrimaha
cakiran ee Soomaaliyeed kasoo raayaan,
balse waxaaba laga yaabaa in ay kasii
daraan.
5. Qaabka hadda ay wax u socdaan haddii si fiican loogu dhabagalo,
Soomaaliya waxay ku socotaa wada cad oo
ay dooratay oo ah in aanay is maamuli
karin laakiin ay maamulaan dowlado kale
sida: Itoobiya iyo kuwo kale.
Xasuusin hadalkii Xusen Maxamed Caydiid:
Erayada kasoo yeeray Xuseen Maxamed
Caydiid ee ahaa in la rabo in Soomaaliya
iyo Itoobiya la'isku daro ma ahan mid
kaftan iyo siyaasad la'aan uga soo baxay
dibnaha Xuseen, balse waxay in badan oo
Soomaali ah rumeysan yihiin in hadalka
Xuseen Caydiid kasoo yeeray uu ahaa mid
xaqiiqo ah oo mustaqbalka la arki
doono.
Dhanka kale, haddii aad si xog-ogaal
nimo ah si fiican ugu kuur gasho
dhacdooyinkii tirada badnaa ee la yaabka
lahaa ee iska soo daba dhacayay laga soo
bilaabo 1991-kii, waxaad si weyn u
dareemi kartaa in umadda Soomaaliyeed ay ka yaabisay
guud ahaan caalamka. Arrimaha la
yaabka leh ee ilaa iyo hadda la garan
la'yahay si loo macneeyo ee Soomalida
lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah:
1. Dadka Soomaaliyeed qofkii dul ahaan ka eego ee aan si wanaagsan u
aqoonin waxuu moodayaa dad col ah,
laakiin haddana qofkii si fiican u
yaqaano waxuu dareemayaa in ay yihiin
walaalo aanay wax weyn oo colaad ah u
dhaxeynin.
2. Waa dad wada
siyaasi ah saqiiqr iyo kabiirba.
3. Waa dad
lunsan oo haddana isu haysta in ay saxan
yihiin.
4. Waa dad ku ciyaaray oo lumiyay
mustaqbalkooda iyo kan caruurtooda oo
haddana iska faraxsan oo aadan moodeyn
in ay waxba ka maqan yihiin.
5. Waa dad aad
u jecel oo u kala dhuunta dadka ajnabiga
ah, iyaga dhexdoodana aan xushmo iyo
qadarin toona
isu hayn.
Isku soo
duuboo, ayada oo ay intaasoo dhan jiraan,
ayaa haddana waxaa la oran karaa waxaa
soo dedejiyay guul darada iyo ceebta ma
hadhada ah ee ay maanta Soomaaliya la
god gashay is maqal la'aanta iyo kala
qeybsanaanta ba'an ee u dhaxeysa
mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka KMG
ah oo ay hogaaminayeen
shanta nin ee
masawirada sare
dhexda kaga jira
iyo kuwii maxkamadaha ee iyaga laga
itaalka roonaaday oo ay hogaaminayeen
saddexda
nin ee masawirada sare ugu hooseeya.
Meles Zenawi anagu uma
aragno in dusha loo saaro eeda ay Soomaali ku jabtay, maxaa yeelay waxaa soo
martay fursad dahabi ah oo aanay aheyn
in uusan marnaba si sahal ah usii daayo,
xaqiiqdiina wuu ka faa'ideystay xiligii
ay ugu habooneyd in uu god dheer oo aan
kasoo laabasho laheyn ku rido
qaranimadii, midnimadii iyo
sharaftii Soomaaliyeed.
Si kasta uu xaalku yahayna, walow ay
maanta dad badan oo Soomaaliyeed guul
darada Soomaaliya soo wajahday dusha u
saarinayaan shaqsiyaad iyo quwado
shisheeye ayaa waxaan anagu oran karnaa
"eeda oo dhan
waxaa iska leh Soomaalida qudheeda,
maxaa yeelay; haddii iyagu ay is
tix-gelin lahaayeen oo ay dantooda si
miir qab ah uga shaqeyn lahaayeen,
waxaan aaminsan nahay in ay ka bad-baadi
lahaayeen masiibada balaaran ee maanta
soo wajahday."
Wixii
dhaliil ama jawaab ah ee faaladaan ku
saabsan fadlan kusoo aadi
allgedo@allgedo.com.
|