WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

FAALADA ALLGEDO EE MAANTA:  
GUUL IYO GUUL DARO, GEEDKA AY MAANTA SOOMAALIYA HOOS TAALO WAXAA DHIGAY NIMANKA UU MAGACOODA IYO MASAWIRKOODABA HOOS KA MUUQDO

(QAABKA KALA SAREYNTA XUKUUMADDA DOWLADDA FEDERALKA KMG AH HOOS KA EEG.)
Faafin: January 30, 2007

                               New Ethiopian flag    Old Ethiopian flag

Madaxweynaha Dowladda Itobiya isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Howlgalada Dowladda FKMG ah - Meles Zenawi

 

 

       

Madaxweynaha Dowladda Federalka KMG ah isla markaana ah Guddoomiye-ku xigeenka 2-aad ee Guddiga Howlgalada Soomaaliya - G/Sare Cabdulahi Yusuf Axmed.

 

   

Gudoomiyahii Baarlamaanka Dowladda FKMG ah - Shariif Xasan Sheikh Aden oo xilka Guddoomiye nimada laga qaaday Arbaco, January 17, 2007



 
     

   
 

Wasiirka Arrimaha Gudaha isla markaana ah Ra'isul wasaare ku xigeenka koowaad ee Dowladda FKMG ah - Xuseen Maxamed Caydiid.

Ra'isul wasaaraha Dowladda FKMG ah - Prof.  Cali Maxamed Geedi

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda FKMG ah, G/Sare Bare Aden Shire (Bare Hiiraale)







 

Hogaankii sare ee golahii maxkamadaha ee la jebiyay waxay inta badan koofurta Soomaaliya ka talinayeen June, 2006 - December, 2006.

   

Hogaamiye yaashii Golihii Maxkamadaha - kasoo bilow dhanka bidix, Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Sheikh Dahir Aweys (dhexda), iyo Sheikh Yuusuf Siyaad Indhacade - Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Hoose.

Kaddib markii aan si fiican ugu kuur galnay arrimaha la xariira siyaasadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ragga isku hayay loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii.  Kaddib markii aan intii muddo ah dad badan wareysi kala yeelanay arrimaha murugsan ee Soomaaliya.  Kaddib markii aan intii muddo ah isha ku haynay isbedelada siyaasadeed ee sida xowliga ah u socday laga soo bilaabo markii ay maxkamadaha la wareegeen maamulka inta badan Koofurta Soomaaliya,  waxaa inoo soo baxay qodobadaan:

 1. Soomaalida sideedaba malahan mabaadi guud ee ka dhaxeysa oo ay wada qadariyaan ama wada ixtiraamaan.
 2. Umadda Soomaaliyeed guud ahaan ma garan karaan qiimaha ay leedahay wadaniyadda ama dhowridda diintooda, dhaqankooda iyo sharaftooda, balse wax kasta waxaa kala weyn aaminaada iyo tix-gelinta ay u hayaan QABIILKA.
 3. Xubnaha Soomaaliyeed ee sida weyn ugu howlan ka qeyb qaadashada arrimaha siyaasadda Soomaaliyeed ma ahan dad xor ah oo intooda badan waxay u wada adeegaan dowlado kale, isla markaana waxay si toos ah iyo si dadbanba u difaacaan danaha dowladaha kale halkii ay ku dadaali lahaayeen difaacidda danta Soomaaliyeed.
 4. Soomaaliya iyadaa is jebisay ee cid kale ma jebin, sidaas awgeedna, haddii aanay bulshada Soomaaliyeed guud ahaan u guntan sidii ay u midoobi lahaayeen lagama yaabo in ay arrimaha cakiran ee Soomaaliyeed kasoo raayaan, balse waxaaba laga yaabaa in ay kasii daraan.
 5.  Qaabka hadda ay wax u socdaan haddii si fiican loogu dhabagalo, Soomaaliya waxay ku socotaa wada cad oo ay dooratay oo ah in aanay is maamuli karin laakiin ay maamulaan dowlado kale sida: Itoobiya iyo kuwo kale.

Xasuusin hadalkii Xusen Maxamed Caydiid: 

Erayada kasoo yeeray Xuseen Maxamed Caydiid ee ahaa in la rabo in Soomaaliya iyo Itoobiya la'isku daro ma ahan mid kaftan iyo siyaasad la'aan uga soo baxay dibnaha Xuseen, balse waxay in badan oo Soomaali ah rumeysan yihiin in hadalka Xuseen Caydiid kasoo yeeray uu ahaa mid xaqiiqo ah oo mustaqbalka la arki doono.

Dhanka kale, haddii aad si xog-ogaal nimo ah si fiican ugu kuur gasho dhacdooyinkii tirada badnaa ee la yaabka lahaa ee iska soo daba dhacayay laga soo bilaabo 1991-kii, waxaad si weyn u dareemi kartaa in umadda Soomaaliyeed ay ka yaabisay guud ahaan caalamka.  Arrimaha la yaabka leh ee ilaa iyo hadda la garan la'yahay si loo macneeyo ee Soomalida lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah: 

 1. Dadka Soomaaliyeed qofkii dul ahaan ka eego ee aan si wanaagsan u aqoonin waxuu moodayaa dad col ah, laakiin haddana qofkii si fiican u yaqaano waxuu dareemayaa in ay yihiin walaalo aanay wax weyn oo colaad ah u dhaxeynin.
 2. Waa dad wada siyaasi ah saqiiqr iyo kabiirba.
 3. Waa dad lunsan oo haddana isu haysta in ay saxan yihiin.
 4. Waa dad ku ciyaaray oo lumiyay mustaqbalkooda iyo kan caruurtooda oo haddana iska faraxsan oo aadan moodeyn in ay waxba ka maqan yihiin.
 5. Waa dad aad u jecel oo u kala dhuunta dadka ajnabiga ah, iyaga dhexdoodana aan xushmo iyo qadarin toona isu hayn.

Isku soo duuboo, ayada oo ay intaasoo dhan jiraan, ayaa haddana waxaa la oran karaa waxaa soo dedejiyay guul darada iyo ceebta ma hadhada ah ee ay maanta Soomaaliya la god gashay is maqal la'aanta iyo kala qeybsanaanta ba'an ee u dhaxeysa mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka KMG ah oo ay hogaaminayeen shanta nin ee masawirada sare dhexda kaga jira iyo kuwii maxkamadaha ee iyaga laga itaalka roonaaday oo ay hogaaminayeen saddexda nin ee masawirada sare ugu hooseeya.  Meles Zenawi anagu uma aragno in dusha loo saaro eeda ay Soomaali ku jabtay, maxaa yeelay waxaa soo martay fursad dahabi ah oo aanay aheyn in uusan marnaba si sahal ah usii daayo, xaqiiqdiina wuu ka faa'ideystay xiligii ay ugu habooneyd in uu god dheer oo aan kasoo laabasho laheyn ku rido qaranimadii, midnimadii iyo  sharaftii Soomaaliyeed.

Si kasta uu xaalku yahayna, walow ay maanta dad badan oo Soomaaliyeed guul darada Soomaaliya soo wajahday dusha u saarinayaan shaqsiyaad iyo quwado shisheeye ayaa waxaan anagu oran karnaa "eeda oo dhan waxaa iska leh Soomaalida qudheeda, maxaa yeelay; haddii iyagu ay is tix-gelin lahaayeen oo ay dantooda si miir qab ah uga shaqeyn lahaayeen, waxaan aaminsan nahay in ay ka bad-baadi lahaayeen masiibada balaaran ee maanta soo wajahday."


Wixii dhaliil ama jawaab ah ee faaladaan ku saabsan fadlan kusoo aadi allgedo@allgedo.com.

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com