WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa! Qaybtii 3-aad

Allgedo, News,  Qamiis March 22,  2007

Waa gar iyo qodob saldhig u ah aayatiinka umadda oo taagan, inuu qof kasta oo Soomaali ah is-weydiiyo Su'aal ah:" Aaway dib-u-heshiisiintii?
Maxay mira-dhal u noqon weyday ?!!!.  Maxaa loo heli waayay is-waafaq kama-dambays ah? Qalinka Soomaalinimada lagu wada duugo; lagu dul-faataxaysto, ka-dibna aanan la isaga bixin, ama lagu hoos-wadin "laqdabo","is-daba-maryayn","marin-habaabin"," hoosaasin" iyo dabinno Siyaasadeed oo laysu dhigayo, shisheeyana uu ku lug-leeyahay.

Waxaa muuqata oo bannaanka cad taalla, in dhammaan Shirweynayaashii "dib-u-heshiisiinta" Soomaaliyeed, uu nuxurkoodu ahaa "inaan dib loo heshiin". Waxay la sifo noqdeen fadhigii Madaxweynayaasha Carbeed ee laga yiri:" Waxaannu ku heshiinnay in aynaan heshiin". Waxaaba iigu daran 4.5-ta ay nagu shaabbadeeyeen, oo qaar Soomaalida ka mid ah lagu sharciyeeyay inay nus-yihiin...!!!. Dadkaygii Soomaaliyeedow, sow ma wada aragtaan halka kala fogaanshaha ah ee aynu maanta fadhinno iyo sida uu Cadawgu nooga dhex-faa'iidaysanayo...?!!!.

Muxuu Mas'uul kasta oo maanta jooga Saaxadda Siyaasadeed ee Somalia, uu Maqaarka meel duleesha uga deyayaa, marka ay arrintu joogto dib-u-heshiisiin, ama fulinta iyo hirgelinta qodobbadii lagu heshiiyay ?!!!.

Haddii kuwii hayay ama ay gacanta u gashay talada iyo masuuliyadda hoggaaminta dalka iyo dadka ay kala noqdeen kooxo "Dab" iyo "Suuf" isku wada ah, oo danahooda gaarka ah iyo u-adeegid shisheeye mooyaane, aanay danta guud ee dalka iyo dadkaba u soo jeedin, sow ciil iyo caro weyn ma aha ?!!!. Sow ayaan-darro aanan loo qiil-helayn uma muuqan karto ?!!!. Yey dadka Soomaaliyeed sugayaan, oo u maqan Allah ka-sokow ?!!!.

Suugaan Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd:" Allaa weyn, ninkii aaminaa awood leh; ummad waliba, aayaheeda inay garato iyadaa leh". Reer Falastiinba sow-kan ay furfurdayska kaga ilmaysiiyaan, oo faylasha ku gooyaan Faasuqa ugu falalka xun Aadamiga (Yahuud ).!!!, walow ay ayaan-darro tahay farqiga Cadawga u adeegaya ee maalmahan soo kala dhex-galay "Fatax" iyo " Xamaas".

Sugaan Soomaliyeed oo xikmad iyo ujeeddo ku fadhida ayaa ahayd:
"Ruuxii uu Cudur dilaayo, dawadaa bogsiisee, hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa ?!!!. Waa Su'aal da' weynoo, madaxa daalinaysee, wixii lagu dabiibi Dadweynahaa la weydiin. Beyd kalaa isaga waxaa ku jiray : Hadduu Dabkii dhexmoodo, maxaa lagu diiriyaa ?!!!. Waa Su'aal da' weynoo madaxa daalinaysee, wixii lagu diirinaayo Dadweynahaa la weydiin.!!!.

Dadka Soomaaliyeed, iyagoo isku duuban, illayn ilko wadajir bay wax ku gooyaane, waa inay dantooda gartaan, oo aayahooda dambe ka tashadaan, caqligoodana ku adeegtaan. Waa inayn go'aanno iyo talooyinba ka sugin Urur-goboleedka "IGAD", Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykan, Qarammada midoobay iyo xitaa Jaamacadda Carabta. Murtiyo Soomaaliyeed ayaa ahaa: "Biyo Sacabbadaadaa looga dhergaa";" Ninkii aanan tashan, waa loo taliyaa";" Wixii uu rag ka taliyo, Rabbina aqbalo, waa ay rumoobaan"; Eebbana waa kii uu Quraankiisa ku yiri:" Ilaahay kama baddalo, wixii ay ummadi ku sugan tahay,ilaa ay ummadaasu iyagu baddalaan waxa ay ku jiraan".

Arrimaha Soomaaliyeed, waa inay hoggaanka u qabtaan Indheer-garadka waddaniyiinta ah ee daacadda u ah: dalkooda, dadkooda, diintooda, dawladnimadooda iyo dadta guud ee Soomaaliyyeed. Marxaladda ay maanta marayaan dadka Soomaaliyeed, waxay i soo xusuusinaysaa dulucda heestii qiirada iyo qiimaha badnayd ee "Afrikaay huruddooy"- Codkii Magool. Dadyowga uu dulmigu dilooday ee Afrika ayay heestu ku wajahnayd oo baraarujinaysay (Shirkii Madaxweynayaasha Afrika ee Muqdisho 1974-kii); waxaadse mooddaa inay si gaar ah heestu maanta u taabanayso, oo ula hadlayso dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan:- Indheer-garadka, Waddaniyiinta, Wax-garadka, Geesi, Hanad iyo Halyay Soomaaliyeed oo idil.

Qaar Erayada heesta ka mid ah, oo aan weli xusuusto, ayaa ahaa:" Hoheey Afrikaay huruddooy, Cadaw ku heeryee (helyaa, hareereeyee, ku-rarayee) huruddooy, halyeeyadaadii huruddooy, haad baa cunaayee huruddooy....Haamaa la saaraa huruddooy, hayin sidiisaa huruddooy, la hoggaaminaayaa...Dulli lama hullaabsado (hagoogsado, hoos-galo ), aaway hanaddadaadii ?!!!....Caanihii Hashaydaa huruddooy, haleeli waayoo huruddooy, la iga hor-joogaa..!!!. Doqon baa habowsanoo, weligeed hallaysanee, sida xoolihii baa xero lagu hooyaa...!!!. Dulli lama hullaabsado, aaway hanaddadaadii ?!!!. Qof kasta oo Soomaaliyeed oo ay ku jirto qiiro waddaninimo, waa inuu ka shidaal qaataa halyeeyadii ay ka midka ahaayeen:-Sayid_Muxamad, Sh.Xasan Barsane, Maxamed Cabdulle Xalane iyo kuwii la midka ahaa...

La soco tirsiyada dambe....


Muxyiddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com


Qoraaladii hore ee Kaalmoy waa kuwaan hoose:-

  Su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa..!  Qaybta 2-aad:
Su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa..!  Q.  1-aad:
Maxamed Siyaad Barre oo aan ku riyooday...!!!
Dhacdooyin la yaab leh!!!!!!!!
Yuu yahay ayaa yaq-yaqsi leh...!!!"
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Q. 1-aad)
Waa sidee aayaha ubadkeena?...(Q.  3-aad) & maqaalo kale
Qaabab kala gedisan baa naloo calfaday
Yaa gooyay Geedkaan...?!!
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu?!!
Astaamaha Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com