SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa! Qaybta 4-aad

Allgedo, Maqaal, Isniin, April 23, 2007

Indheer-garad iyo Aqoon-yahanno badan oo Soomaaliyeed, ayaa haba kala aragti duwanaadeene, aad isugu hawlaya har iyo habeenna aanan ka harsan ogaanshaha cilladda iyo xal u helidda Arrimaha murugsan ee dalka.

(a) Qaarkood waxaa ay qabaan inay jirto sir qarsoon (Mu'aamarad), oo uu dalku la degi waayay; ujeeddo doqoni ma-garato ah oo aaney inta badan ogeyn, taas oo ay Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaashuba la heshiinayn oo waa dad la isku taqraaray oo hadba si un qoorta la isugu gelinayo.
(b) Ruug-caddaa Soomaali iyo Shisheeyaba isugu jira ayaa iyaguna toos farta ugu fiiqaya dawladda " Ethiopia", kooxdani waxay qabaan inay Ethiopia weligeed ahayd, tahayna tan diiddan helitaanka qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, danaheeda isticmaariga ah ee taariikhda ku yaal awgood oo ay Cirroolaha iska daayee, xitaa Caruurta qaarkood og-yihiin.
(c) Culimada qaarkood, siiba kuwa diinta, waxay leeyihiin: " waxaa laga yaabaa in aynu ku jirno, oo ku xukuman-nahay "Tiih"( Wareer iyo iska-daba-wareeg) la mid ah kii reer " Banuu-Isra-il", ee dib ha loogu noqdo daraasadda xagga diinta, culuunta bulshada iyo taariikhdaba, si loo ogaado sababaha la noo heysto, marxaladaha, xaaladaha iyo xalka kama dambaysta ah.
(d) Qaybo kale oo culimada diinta ah ayaa iyaguna u arka: in marka la eego dagaallada sokeeye ee dalka oo marba wejiga qaadanaya, heshiis la'aanta dhexdeenna ah, ciqaabahan kale ee isugu jira daadadka, fatahaadda iyo abaarahan ay odayaashu sheegayaan inaan hore loo arag noocooda; inahaas marka la isu wada geeyo, waxay leeyihiin : waa "Ciqaab Allah" oo wixii aynu galabsannay ayaa na laka goynayaa, ee aynu dib isu saxno , oo Allah raalli-gelinno...!!!

Si kastoo ay wax yihiin iyo cillad kastoo jirtaba, waa inaynu ogaannaa inayan sidanu si ahayn, sababo keenaya iyo xalna ay leeyihiin. Maxay inta wax garanaysa sidan ugu deynayaan oo ugu deymoonayaan dalka iyo dadka ..?!!!. Waa maxay dhiig la'aantan iyo waddaniyad daridan na wada haleeshay ..?!!!. Nin ayaa yiri: "Hashu maankayga gaddaye, ma masaar bay liqday...?!!!".  Xaggee laga heystaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed ...?!!! Waxaa loo baahan yahay "Aragti Istiraatiiji ah" oo laga helo kuwa u ehelka ah, ayna la bakhiilin gudashada waajibka waddaniga ah iyo abbaaridda xaqa, naftoodaba halis u u gashee. Dabcan, aragtidaas laga sugi-maayo Aqoon-yahan ku sheegyada riman "qola-qoorsi", gadanayaasha iyo kuwa ka qaawan qiirada waddaninimo.

Waxaa kaloo aan fikrad aqoon ku dhisan looga fadhiyin kuwa jahligu ragaadiyay ee iyagu wixii lagu soo shubto un sha'ni ka dhiga oo sheeg-sheega. Culimada bulshadu waxay qabaan: "Ruuxii wax soo bartay, ee ayan dhaqankiisuna aysan ka muuqan aqoon, waxba kama duwana kaan aqoontaba soo baran"....!!!.


WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com