Allgedo, News, Isniin,
june 4, 2007
|
|
Warbixin ku saabsan Iskuulka
Burdhubo Primary School oo ku
yaala magaalada Buurdhuubo ee
Gobolka Gedo |
Warbixintaan
iyo masawiradaba waxaa soo
diyaariyay wariye Axmed Cumar
Saalixi.
Warbixinta Iskuulka Burdhubo
Primary School waa qabyo, waxaa
dhiman in aan halkaan kusoo
gudbino wareysiyada uu wariye
Axmed Cumar Saalixi lasoo
yeeshay maamulka Iskuulka iyo
qaar ka tirsan Ardaydaba oo
maqal ah. |
Codsi
ku saabsan dib u habeynta
dugsiga Hoose/dhexe ee Deg.
Buurdhuubo
Qiimeynta
qarashka ku bixi kara 3 qol oo
uu leeyahay Buurdhuubo Primary
School oo ku yaala magaalada
Buurdhuubo ee Gobolka Gedo
|
Inta aanan soo bandhigin war
bixin faah-faahsan oo qoraal ah
iyo mid cod ah oo ku saabsan
Iskuul Buurdhuubo ku yaala oo
magaciisa la yiraahdo BURDHUBO
PRIMARY SCHOOL, waxaan halkan
idinkugu soo gudbineynaa
muuqaalka Iskuulkaas dhinacyada:
Dhismaha, qolalka wax barashada,
albaabka hore ee Iskuulka,
muuqaalka Ardayda oo gabdho iyo
wiilal isugu jira, tirada guud
ee ardayda, tirada wiilasha, tan
gabdhaha, tirada macalimiinta,
maamulaha iyo gudoomiyaha iyo
sidoo kale muuqaalka iyo
magacyada macalimiinta,
maamulaha iyo Gudoomiyaha
Iskuulkaas.
Ugu horeyntii, xaalada
waxbarasho ee Buurdhuubo meel
xun ayey mareysaa oo ardeyda iyo
waalidiintooda niyad waa u
hayaan waxbarashada, balse
gacantooda ayaa maran.
Haddii aan la helin kaalmo
deg-deg ah oo Iskuulkaas loo
fidiyana, waxaa xaqiiqo ah in
ardayda faraha badan ee
Iskuulkaas dhigata in aanay
marnaba gaari doonin hadafkooda
wax barasho ee ay hadda sida
weyn diyaarka ugu yihiin in lagu
garab qabto.
Waxa hadda ugu dara ardaydaas
waxaa ka mid ah qolalka wax lagu
baro oo ah dersooyin oo xilliga
roobku uu da'ayo ardeyda waa la
kala diraa. Sidoo kale,
kuraas iyo miisas la'aan ayaa
jirta sida aad sawirada ku arki
doontaan.
Macluumaad dheeri ah oo ku
saabsan Iskuulka Burdhubo
Primary School waa sidan:-
1- Dhismaha Iskuulka waa
dersooyin aana wax roob ah
celinaynin, oo aan u ekayn goob
wax lagu baran karo.
2- Kurasta iyo miisaska
lagu fadhiisto waa ilaa 15 xabo
oo aan u habeysneyn kuwa
waxbarashada. Ardeyda
waxay kuraas ahaan ugu
fadhiistaan dhagxaan, Biibab iyo
dhulka.
3- Maamulaha Iskuulka oo
la yiraahdo Cabdi xaaji iyo
macalimiinta sawiradooda hoos
baad ku arki kartaan.
4- Tirada maamulaha iyo
macalimiinta waa 7 waxayna kala
yihiin: Cabdi xaaji
Maxamed-(Maamule), C/laahi Aden
(macalin), Odowaa C/laahi
haaruun (macalin), Aden ukure C/laahi
(macalin), Sh.C/qaadir Maxamed
Muuse (macalin), Maxamed
Aden Maxmed (macalin), iyo
Ibraahin Sh. Cabdi Bashiir (macalin).
5. Tan wiilasha Iskuulka dhigata
waa 140, tan gabdhaha waa 144,
isu geynta guud ee tirada
ardeyda Burdhubo Primary School
waa 288 Arday.
6. Manhajka waxbarashada
Iskuulka waa midka Gobolka laga
istcmaalo oo ay dejiyeen
Hay'adaha UNICEF iyo UNESCO.
7- Iskuulka waxaa la
aas'aasey 1993-diii, ardeyduna
waxay ku kala jiraan fasalada
1-aad ilaa 8-aad ee Dugsiga
hoose ilaa Dhexe.
8- Todobada macalin -
kiiba waxuu qaataa bishii lacag
dhan $60 oo ay bixiso Hay'adda
NCA oo ay ugu talagashay in la
siiyo macalamiinta wax ka dhigta
dugsiyada 1-aad ilaa 4-aad oo ma
ogola NCA in ardeydu ay gaaran
ilaa fasalka 8-aad.
Hay'adda NCA wax shaqo ah kuma
lahan dhismaha dugsiga iyo
qalabka waxbarashada oo waxay ku
kooban tahay oo keliya mushaarka
7-da macalin, waxayna
waalidiinta Buurdhuubo u
sheegeen in ay bixiyaan wax
qabadka Iskulka boqolkiiba
konton (50%) taasi oo
waalidiinta aardeyduna ayan
awoodin.
Xasuusin:
Warbixin dheeri ah oo intaan ka
faah-faahsan iyo wareysiyo maqal
ah oo lala soo yeeshay maamulaha,
Gudoomiyaha, macalimiinta iyo
qaar ka mid ah Ardayda Iskuulka
Burdhubo Primary School dib
ayaan idinkaga soo gudbin doonaa
haddii uu rabi idmo.
Hoos ka eeg masawirada Ardayda,
Gudoomiyaha Iskuulka, maamulaha
iyo kan Ardaydaba:-
|
|
Guddoomiyaha Iskuulka Buurdhuubo
Primary School
(Mrs. Kaaho Isaaq Faarax) |
Maamulaha Iskuulka Burdhubo
Primary School
( Mr.
Cabdi xaaji Maxamed) |
|
 |
 |
|
Masawirka hoose - waa Bare Guure
Kadaan oo oo sharxaya
Alfaabeetka Ingiriiska
(English Alphabets) |
Masawirka hoose - waa lixda
macalin iyo maamulaha Iskuulka
Burdhubo Primary School oo wada
taagan |
|
 |
 |
|
Muuuqaalka guud ee Iskuulka
Burdhubo Primary School, kan
ardayda, kan qolalka iyo kan
fasalada ay wax ku bartaan waa
kuwaan hoose:- |
|
 |
 |
|
 |
 |
|
 |
 |
|
 |
 |
|
 |
|
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|