Ku: Jaaliyadaha beesha SADE ee dalka dibadiisa
Ka: Maamulka dugsiga H/Dhexe
Deg. Buurdhuubo
Ujeeddo: Codsi ku saabsan dib u habeynta dugsiga Hoose/dhexe
ee Deg. Buurdhuubo
|
|
Allgedo, News, Axad,
June 10, 2007 |
A/c. Walaalayaasha Sharafta
Mudan ee ku dhaqan dalka
dibadiisa waxaan si sharaf mudan
idinkaga Codsanayaa anigoo ku
hadlaya magaca Maamulka,
macalamiinta, Ardeyda iyo Gudiga
waalidiinta D/Hoose/dhexe ee
Deg. Buurdhuubo inaad gacan nagu
siisaan sidii dib-habeyn loogu
sameyn lahaa dugsigaasi oo hadda
ay soo wajahdey xaalado adag oo
ay ugu daran yihii xaga fasalada
iyo Qalabka ardeydu ay
isticmaalaan.
Walaalayaal sida lawada ogsoon
yahay ama aad ku aragteen
warbixinta laga qorey Dugsiga
iyo sawirada xaaladu waxay
mareysa inaan isku tashi
walaalnimo aanu sameyno, maadama
dadweynaha Buurdhuubo ayan
maanta awood u lahayn in
arintaasi ay wax ka qabtaan,
iyadoo Hay'addii Macalimiinta ka
caawinaysey xaga Mushaarka ee
NCA ay ku kooban tahay oo keliya
Mushaarada macalamiinta oo
tiradoodu ay tahay 7 macalin,
taasi oo weliba baahida
macalimiinta aanan dabooleyn.
Horey Hay'adda oo iskuulka wadey
ilaa 1993dii waxay noo sheegtay
inaysan wax shaqo ah ayan ku
lahayn, sidaas darteed haddii
xaaladu ay sidan ku sii socoto
waxaa halis ah in ardeyda
Buurdhuubo ay deegaano kale u
doontaan waxbarasho, maadama
qolalkii waxbarashada iyo
kuraastii iyo miisas aanu lahayn
iskuulka.
Walaalayaal, waxaan ugu
dambeentii si sharaf mudan
idinkaga codsanayaa inaad
codsigeena aad tixgelisaan, si
aan ugu faa'ideysano labada
Bilood ee fasaxa ardeyda ee
sanad dugsiyeeka lagu jiro.
Waad Mahadsan tihiin.
Maamulaha Dugsiga H/dhexe ee
Deg./Buurdhuubo - Cabdi Xaaji
Maxamed.
garyare35@yahoo.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|