|
|
 |
Xuseen Maxamed Caydiid oo ku
biiray mucaaradka Itoobiya iyo Dowladda KMG ah iyo isaga oo ay
lasoo gudboonaatay LABA DARAN MID DOORO!!!
|
|
Allgedo,
News, Jimce
April 6, 2007 |
Qoraal Allgedo horay loogu
daabacay March 21, 2007 oo uu
cinwaankiisu ahaa
"Mas'uuliyiin
ay ka mid yihiin Cusmaan Cali
Caato, Col. Bare Aden Shire
(Bare Hiiraale), Xasan
Shaati-gaduud iyo kuwo kale oo
badan oo la sheegay in la
xanibay dhaq-dhaqaaqooda iyo
Xuseen
Maxamed Caydiid oo la
sheegay in ay adag tahay in uu
dib uga soo noqdo safar uu ku
tagay Abu dhabi" ayay
wax badan iska soo tarayaan.
Weli waxaa jira warar
sheegaya in ragga kor ku qoran
oo dhan iyo kuwo kale oo ka
tirsan Dowladda KMG ah in aanay
u madax banaaneyn fulinta
waajibaadka howlihii loo
xilsaaray.
Dhanka
kalena, Xuseen Caydiid oo ah
Ra'isul wasaare ku xigeenka
1-aad ee Dowladda KMG ah, isla
markaana ah Wasiirka Howlaha
Guud iyo Guriyeynta ayaa waxuu
maalintii shalay aheyd ka degay
garoonka diyaaradaha ee
magaalada Casmara ee wadanka
Eretrea.
Caydiid oo
ka hor inta uusan ku biirin
maslaxa siyaasadeed ee arrimaha
Soomaaliya ahaan jiray askari ka
tirsan ciidanka Mariineysaka ee
dalka Mareykanka, isla markaana
haysto dhalasho Mareykan ayaa
waxuu intii muddo ah ku jiray
qaanadda ay ku bahoobeen
xulufada Itoobiya oo ka kooban:
Itoobiya, USA, Kenya, Ugaandha
iyo Dowladda KMG ah.
Mr. Xuseen oo ah nin da' yar ee
aan laheyn waayo aragnimo
siyaasadeed ee sidaas usii fog,
balse si sahlan ugu soo booday
maslax siyaasadeedka
Soomaaliyeed markii uu aabihii
dhintay ayaa hadda waxaa lasoo
gudboonaatay xal u helidda
siyaasaddii ugu adkeyd intii uu
ku dhex jiray arrimaha
siyaasadaha murgsan ee
Soomaaliyeed.
Xuseen Caydiid, hadda waxaa hor
yaala in uu AFAR KOOXOOD oo isku
haya arrimaha Soomaaliya oo ay
labo yihiin kuwo caalami ah
labana yihiin kuwo Soomaali ah
uu KOOXDIIBA mid ka doorto
kuwaasoo kala ah:-
LABADA KOOXOOD EE
CAALAMIGA AH:-
1.
KOOXDA A:
Itoobiya, USA, Ugaandha, Kenya,
iyo Dowladda KMG ah ee uu
isagaba ka tirsan yahay.
2. KOOXDA B: Eretrea,
Jaamacadda Carabta, EU, Suudaan
iyo Jabuuti.
LABADA KOOXOOD EE
SOOMAALIYA:
1. KOOXDA C:
In uu tixgeliyo balamihii asaga
iyo madaxweyne Cabdulahi Yuusuf
u dhexeeyay ee la xariiray is
xulufeysi ku dhisan dhinaca
deegaanka iyo kii ay jifadiisa (Sacad)
la gashay jifada ay deegaan
wadaagga yihiin ee (Cumar
Maxamuud) ee isna ku saabsanaa
muhiimadda ay leedahay in ay
labadaas jifo iska kaashadaan
dhinacyo dhowr ah oo ay ugu
horeyso tan siyaasadaha ku
wajahan amuuraha Soomaaliya.
2. KOOXDA D:
Iyo in uu tixgeliyo kuna camal
falo baaqyada uga imaanaya
bahweynta Hawiye inteeda badan
oo iyagu u arko in waxa ka
danbeeya gumaadka arxan darada
ah ee ay Itoobiyaanka iyo
ciidanka Dowladda KMG ah ka
wadaan shacabka Muqdisho uu
yahay Cabdulahi Yuusuf oo ah nin
Daarood ah oo doonaya in uu ku
aarsado awoodda Itoobiyaanka.
Caydiid kaddib markii uu turubka
dhan walba u tuuray. Kaddib
markii uu tix geliyay in waxa uu
markii horeba ku soo galay
dowladda KMG ah ay tahay qaab
qabiil oo ah 4.5. Kaddib markii
uu sii saadaaliyay in tubta ay
Cabdulahi Yuusuf iyo Geedi ku
socdaan aanay caaqiibo fiican
reebi doonin, ayaa waxaad moodaa
hadda in uu u janjeersaday
dhanka KOOXDA (B)
oo ka kooban Koox Caalami ah iyo
KOOXDA (D) oo ka tisan Xoox
Soomaali ah.
Caqabadaha Xuseen Caydiid ka hor
imaan doono haddii uu ku biiro
Kooxaha B & D
1. Xuseen Caydiid waxuu muddo dheer ku xirnaa oo uu la shaqeynayay
dowladda Itoobiya. Waxuu og
yahay siro badan oo ka dhaxeeyay
Itoobiya iyo dowladda KMG ah,
sidaas daraadeedna Itoobiyaanku
marna raali kama noqon doonaan
in uu Xuseen Caydiid si toos ah
& si dadban toona uga soo
horjeesto.
2. Sida la wada ogsoon yahay, dowladda Itoobiya waxay gacan saar dhinacyo
badan leh leeyihiin dowladda
Mareykanka oo uu Xusaan Askari
Mariineysa ah ka ahaa, sidaas
awgeedna, Mareykanka qudhiisa
raali kama noqon doono in uu
Xuseen Caydiid ku biiro kooxaha
muraacardka ku ah howlgalada
Soomaaliya ee ay gar wadeenka ka
tahay dowladda Itoobiya.
3. Ku biiridda kooxaha mucaaradka ah ee uu xiligaan ku biiro Xuseen
Caydiid waxay saameyn ku yeelan
kartaa dadka deegaan wadaagga ah
ee Sacad iyo Cumar Maxamuud,
waxaana lagaba yaabaa in ay
gobolkaasi soo wajahdo
degenaasho la'aan dhinacyada
siyaasadda iyo nabad-gelyada ah
amaba ay sii kala jajebiso
siyaasadda beesha Sacad oo
horayba ugu kala fogeyd dhanka
siyaasadaha Soomaaliya ku
wajahan.
Guulaha la oran karo Xuseen
Caydiid wuu gaarayaa haddii uu
waqtigaan adag ku biiro kooxaha
mucaaradka ku ah dowladda KMG ah
waa:-
1. In uu cafis ka helo inta badan umadda Soomaaliyeed isla markaana ay
sumcada uu ku leeyahay bulshada
Soomaaliyeed dhexdeeda ay kor
usoo kacdo.
2. In ay noqoto guul usoo hoyatay dowladihii mucaaradka ku ahaa
siyaasadaha ay Itoobiyaanka
garwadeenka ka yihiin sida:
Eretrea, Suudaan, Jabuuti,
Jaamacadda Carabta & EU-da oo
dhamaantood si toos ah iyo si
dadbanba uga soo horjeeday
siyaasadda Meles Zenawi uu
garwadeenka ka yahay ee dhalisay
burburkii golihii Maxaakiimta
soona dedejisay in ay
Itoobiyaanka Soomaaliya
qabsadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee,
waxaa xaqiiqo ah in maanta
Xuseen Caydiid ay soo wajahday
caqabad adag oo siyaasadeed,
balse la arki doono sida uu uga
dabaasho amuurta Xuseen maanta
soo wajahday oo u eg LABA DARAN
MID DOORO!.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|
|
|