Allgedo, News, Qamiis,
June 21, 2007
|
|
Xeer hoosaad kasoo baxay shirkii
dahabley ee beesha reer Yuusuf
|
|
Shirweynihii Beesha reer Yuusuf
ee Daabley oo socday May 31,
2007 - June 11, 2007 ayaa waxaa
kasoo baxay
xeer hoosaadka hoos ku
qoran:- |
Beeshan waxay samaysatay Xeer
hoosaad iyadoo la eegayo
dhacdooyinka hadba soo mara
beesha dhexdeeda.
Beeshu waxay go'aamisay
in
qofkii qof si kas ah u dilo
la dilo iyadoo la waafajinayo
sharciga Islaamka.
In reer Yuusuf uu kala qaaato
wixii dhexdiisa ah oo ku dhaca
si kama ah, Rafiso (12) halaad,
taas oo ku jirto duug iyo sabeen.
Jifada hoose in ay kala qaadato
(7) halaad oo ay ku jirto duugta
iyo sabeenta, lana siinayo
xaqlaha.
Magtu hadii ay
tahay mid reer Xassan dhexdiisa
ah, rafisadu
waa (20) halaad, 10 halaad waxaa
bixinaya jifada dhibka geysatay,
tobanka kalena jifooyinka kale
ayaa bixinaya.
Hadii
mag boqol halaad ah ay nagu soo
hoyato, jifadii dhibka lahayd
waxay bixinaysaa 22 halaad, 78
halaad ee kalena waxaa bixinaya
jifooyinka kale ee reer Yuusuf,
sida ay u kala bixinayaana waa
sidan:-
1. Reer Jabriil waxay bixinayaan 14 halaad.
2. Cadaawe waxay bixinayaan 14 halaad.
3. Abtidoon waxay bixinayaan 14 halaad.
4. Baha Aaden Waxay bixinayan 14 halaad.
5. Maxamuud Haaruun 12 halaad.
6. Reer Caafi 12 halaad.
7. Axmed Haaruun 12 halaad.
Wixii
dhaawac ah ee Jifada dhexdeeda
ah waa sidan:-
(A)- Daaweyn, Shafashafo iyo Baan intaa ka dib waxaa la bixinayaa Hal
buul ka bax ah.
(B)- Hadii ay dhibanaha ku dhacdo daryeel xumo waxaa la bixinayaa wixii
kharash ah ee ku baxay
dhibanahaas iyo hashii buul ka
baxa ahayd.
(C)- Hadii dhiig nool uu yahay, dhibkana uu ka yimid jifo reer Yuusuf ka
mid ah, loona geystay qabiil
kale 10 halaad wixii ka badan
waa la isla bixinayaan, wixii 10
halaad gaaro jifada ayaa iska
bixinaysa.
GUURKA GABDHAHA REER YUUSUF
WAXAA LA ISKU RAACAY SIDAAN: -
A- In la fududeeyo guurka gabdhaha
B- Xurmada laga bixinayo gabdhaha waa in ay tahay mid aan kalif
lahayn.
C- Meherka gabadha waa in la siiyaa shuruud la'aan, iyada ayaana xaq
u leh cafintiisa.
D- Hadii ay tahay (diidoy/naag shido) sharciga ayaa la waafajinayaa, wixii
kharash ah oo ninka ka baxayna
waa loo celinayaa, waa hadii
aanay ninka caruur u dhalin.
E- Gabadhii reerowda oo ilma dhashay kadibna qilaaf yimaado ee
ay
sidaas ku kala tagaan labadii is
qabtay, waa la
siinayaa gabadha meherkeeda shuruud
la'aan, mana jirto wax xoolo ah
oo la kala gudanayo.
F- Aabaha gabadha dhalay hadii uu reerka dumiyo ama uu si
sharci daro ah nin kale ugu
dhiso sharciga ayaa la waafajinayaa
ninkaas, xoolihii uu horey u
qaatayna waa laga gudayaa.
G- Dhamaanba waxaa la joojiyey wixii gorgortan yaradeed ah,
xoolaha la bixinayana waa xurmo
aan kalif lahayn.
QAAN
SHEEGADKA XOOLAHA
LA KALA IRMAANSADO AMA QAAB KALE
LOO KALA QAATO SIDA: QOORTA,
IRMAANSIGA, IYO GAADIID CESHIGA
WAXAA LOO KALA SAARAY LABA QODOB:-
A- Xoolaha nool ee la kala qaatay haddii ay dhibaato ula kac
ah soo gaarto (si tacadi ah)
oo ka
baxsan balantii horey loo galay
waa lagu leeyahay qofkii
amaanada hayey, balse wixii aan
tacadi ahayn oo amar alle ku
yimaado laguma lahan qofka
lagamana gudan karo.
B- Neefkii ay la kulanto dhibaato, sida Bahal Dhaawacay,
Xanuun ku yimaaado iyo wixii la
mid ah oo geeri sababi kara
qofkii la kulma oo gawraca
laguma lahan wax mag dhaw ah.
XEER HOOSAADKA HOGAANADA
DHAQANKA
Shaqsiga ugu sareeyo xaga
dhaqanka beesha reer Xasan waa
Ugaaska, (ayada
oo uu Ugaaska xiligaana yahay
Ugaas Maxamed Xasan Yarow),
waxaana Ugaaska saran xil aad u
weyn oo ay saaratay bulshada,
sidaasi darteed waxaan wax ka
xusaynaa waajibaadyada laga rabo
Ugaaska.
Isku xirka beesha Xassan
Gaashireedle gudeheeda
Ku xirida beesha Xassan
Gaashireedle beelaha kale ee
Sade
Samaynta kormeero joogta ah
deegaanada ay cidu degan tahay
Iclaaminta shirarka guud ee
beelaha reer Xassan
In uu wada shaqayn joogta ah la
sameeyo nabadoonada beelaha reer
Xassan.
In uusan go'aan iska qaadan inta
badan isagoon la tashan
nabadoonadiisa
Waa in uu yahay mid la shaqeeyo
kuna xiran nabadoonada kale ee
Sade
Waa in uu ahaado mid dadka u
siman una cadaalad sameeyo
Waa in uu dabagal joogta ah ku
sameeyo wax qabadka go'aanadii
la gaaray
Waa in uu wanaanjiyo xiriirka
beesha Sade dhexdeeda iyo
darisyadaba
Waa in uu kasbadaa kalsoonida
shacabkiisa
Waa in uu xiriir la leeyahay
maamulada Gobolka iyo kuwa
dawliga ahba.
XUQUUQDA UGAASKA
In lagu sameeyo maalgalin
dhaqaale Ugaaska.
In la xurmeeyo loona hogansamo
talada Ugaaska.
In la ilaaliyo sharafta iyo
sumcada Ugaaska.
In si buuxda oo kalsooni leh
loola shaqeeyo.
XEER
HOOSAADKA NABADOONKA GUUD EE
BEESHA REER YUUSUF
Shaqsiga ugu sareeyo dhaqanka
beesha reer Yuusuf waa
nabadoonka guud ee beesha, (ayada
oo uu nabadoonka guud ee beesha
reer Yuusuf ee xiligaana yahay
Macalin Aadan Cabdi Gesey)
isaga ayaana looga danbaynayaa
howlaha beesha reer Yuusuf.
Waajibaadka Nabadoonka guud ee
reer Yuusuf:-
Waa shirgudoonka guud ee beelaha
reer Yuusuf
Waa qaban qaabiyaha iyo
taabagaliyaha shirarka guud ee
beesha reer Yuusuf
Waa isku xiraha nabadoonada
beesha
Waa in uu ahaadaa dhexdhexaad
cadaali ah
Waa in uu kasbadaa kalsoonida
beeshiisa
Waa in uu xiriir la leeyahay
nabadoonada beelaha Sade iyo
kuwa kale ee aan dariska nahay.
Waa in uu xiriir iyo wada
shaqayn joogta ah la leeyahay
Ugaaska
Waa in uu wada shaqayn la lee
yahay maamulada degmooyinka,
gobolka iyo kuwa dawliga ahbaWaa
in uu xaliyo khilaafyada beesha
dhexdeeda ah, isagoo kaa shanayo
nabadoonada kale
Waa in uu wada shaqayn la lee
yahay maamulada degmooyinka, gobolka
iyo kuwa dawliga ahba
Xuquuqda Nabadoonka guud ee
beesha reer Yuusuf:-
Nabadoonka guud waa in la maal
galiyo si uu u guto
waajibaadkiisa shaqo
In la xurmeeyo lana qaato
talooyinkiisa
In si aan hagar laheyn loola shaqeeyo
si ay u fulaan hawlaha lagu
balamay
In loo sameeyo ku xigeen ama la
taliye waaya arag ah
Waa in uu goob joog ka ahaadaa
wareejinta iyo qaadida magaha
reer Yuusuf
Waa
jibaadka Nabadoonada beelaha
reer yuusuf:-
Waa in uu beesha dhexdeeda ku
leeyahay kalsooni
Waa in uu yahay nin hal abuur
leh
Waa in uu xiriir la leeyahay
nabadoonka guud ee beesha
Waa in uu ka hormariyo dantiisa
mida guud ee bulshada
Waa in uu lee yahay laba
kuxigeen oo la shaqeeyo
Waa in uu yahay mid cadaalad ah
oo beeshiisa ku xira beelaha
kale ee reer Yuusuf
Waa in uu la socdo isbadala iyo
wacyiga jira
Waa in uu xaliyo dhamaanba
culaysyada soo wajaha beeshiisa
Waa in ay xiriir shaqo kala
dhaxayso nabadoonada kale
Waa in uu ilaaliyaa balamada iyo
shuruucda lagu heshiiyey
Nabadoonku waa in uu xaliyaa
wixii dhibaato ah ee uu kala
kulmo beesha reer yuusuf
dhexdeeda.
Waa in uu kula dhaqmaa wanaag
iyo horumar beesha Sade
dhexdeeda iyo beelaha kale ee
dariska ahba
XUQUUQDA NABADOONADA
Jifo kasta waa in ay maalgaliso
nabadoonkeeda
Waa in loo fududeeyo
waajibaadkiisa shaqo
In la taageero laguna xurmeeyo
mas,uuliyada uu u hayo beesha.
In laga difaaco dadka xun xun ee
ka hor imaanayo habsami u
socodka sahqada nabadoonka
Nabadoon
kaste isaga ayaa laga rabaa
dhamaanba xuquuqda lagu leeyahay
beeshiisa.
Nabadoonka guud iyo nabadoonada
kaleba waxay matalayaan golaha
guurtida beesha reer Yuusuf.
Magacayada Gudiga Saxiixay
Go'aanadan:-
1- Ugaas Maxamed Xasan Yarow
-----------------------------------------
2- Nabadoon Macalin Aadan Cabdi
Gesey
-----------------------------------------
3- Sheekh cali Xasan Ibraahin
-----------------------------------------
4- Macalin Cabdi Madaxey
-----------------------------------------
5- Nabadoon Muxumed Cali
Dhuumaal
----------------------------------------
6- Barre Ismaaciil Macalin
----------------------------------------
7- Muxumed Kheyr Aaden Dabow
----------------------------------------
8- Cali Cabdi-samad Yuusuf
----------------------------------------
9- Mahad Macalin Cismaan
---------------------------------------
10- Muxumed Daahir Cabdiile
---------------------------------------
11- Cabdulaahi Cismaan Xaaji
---------------------------------------
12- Sanay Nuur Xiiray
--------------------------------------
13- Ibraahin Aaden Xuuriye
--------------------------------------
Ku
Xigeenada Nabadoonada:-
14- Muude Muxumed Xareed
-------------------------------------
15- Macalin Xuseen Axmed
-------------------------------------
16- Cabdulaahi Shiidow Ibraaahin
-------------------------------------
17- Maxamed Dhoore Caymow
------------------------------------
18- Maxamed Maxamuud Suuley
-----------------------------------
19- Cismaan Axmed Dhakaley
-----------------------------------
20- Macalin Daa'uud M. Diiriye
----------------------------------
21- Aadan Cismaan Cabdi
---------------------------------
22- Xuseen Saalax Aadan
----------------------------------
23- Sh. Xasan Bashir Cismaan
----------------------------------
24- Dhuubow Cali Xassan
----------------------------------
25- Xaaji Muxumed Sharmaarke
----------------------------------
26- Cabdulaahi Dhoore Cismaan
---------------------------------
27- Hire Aadan tay
---------------------------------
28- Maxamed Cabdi Axmed
---------------------------------
29- Xassan Codey Axmed
---------------------------------
Daa'uud Aadan
daauud_4@hotmail.com
|