Kismayo, Somalia
- Munaasabada maalinta
ay xorminada qaateen gobolda
Waqooyi ee dalka Soomaaliya
ayaa manta waxaa kasoo
qeybgalay qaar ka mid ah
ururada bulshada Rayid ah ee
Kismaayo, xubnaha maamulka
gobolka iyo degmada, iyo
hogaamiyaal dhaqan.
Xafladaani
oo aheyd midaan loo
soo agaasimin sidii lagu
aqoon jiray ee looga xusi
jirey Jubada Hoose 26-ka
Juun ayaa waxaa ka mid ahaa
dadkii ka hadlay hogaamiyaal
dhaqan oo uu ka mid yahay
Samow Maxamed oo ah
nabadoon ka mid aha
nabadoonada Jubbada Hoose oo
ka taariikheeyay
dhibaatooyinkii loo soo
maray xornimo doonka iyo
sidii ay umada Soomaaliyeed
ay ugu guuleysatay markii
dambe hadafkoodii, isagoo
ilmeynaayo ayaa
hogaamiyahaasi dhaqan uu
manta ka sheekeeyey siday
ahayed isku duubnidii iyo
Isjeceylkii umada
Soomaaliyeed.
Gudoomiye
kuxigeenka gobolka Jubbada
Hoose Axmed Cabdi Cumar (Sandheere)
oo isna ka hadalay
munaasabadaasi ayaa ka
codsaday hogaamiye-yaasha
dhaqanka gobolka in ay u
istaagaan xal ka gaarista
xiisadaha Kismaayo iyo guud
ahaanba gobolka isagoo ku
eedeyey oday dhaqmeedku in
ay yihiin kuwa ka mas'uulka
ah dhibaatada wax ka qabad
la'aanta arimaha murusan ee
gobolka gaar ahaana
colaadaha kala irdheeyey
maamulkii DFK iyo
Shacabkiiba.
Dhinaca
kale, xiiasado colaadeed oo
geystay Qasaaro dhimasho iyo
dhaawac ayaa ka soo
cusboonaaday tuulada
Beerxaani ee G/J/Hoose.
Tuulada beerxaani ee iyadu
galbeedka kaga beegan
magaalada Kismaayo 60 Km
ayaa waxaa ka soo
cusboonaday colaadihii
beelaha. Inta la ogyahay
waxaa ku geeriyooday dagaal
halkaasi ku dhex maray laba
malayshiyo beelood oo Reer
miyi ah galinkii dambe ee
shalay hal ruux, waxaana ku
dhaawacmay laba kale oo
haatanba la soo dhigay
Isbitaalka magaalada
Kismaayo.
Xiisadahaani
ka taagan deegaankaasi
Beerxaani ayaa Ugaaska
Beesha Gaaljecel - Ugaas
Rashiid Dhure Cumara waxaa
uu ku eedeeyay beesha Sade
in ay lahaayeen weerarka
shalayto dhacay waqti la
kala saxiixday heshiis
hordhac ah oo xabad joojintu
ay ugu horeysay.
Dhinaca hogaamiyaasha
beeshasi edeymaha loo soo
jeediyey ayaa ka gaabsaday
in ay ka hadalaan
eedeymahaasi.
Xiisadaha deegaankaasi
miyiga ah ee Beerxaani ayaa
hari la' muddo, waxayna
kusoo beegantay dhacdadaani
waqti hogaamiyaasha beelaha
kale ee Soomaaliyeed ay isku
dayayeen daminta xiisadahasi.
Calanka Soomaaliyeed oo aad
dareemeyso in ay ay ka muuqato
dhibaatada faraha badan ee ku
dhacday 17-kii sano ee dowlad
la'aanta