![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
Allaha u naxariistee wariye C/qaadir Mahad Macalin Kaskey waxa uu 2006dii si toos ah ugu hawlbilaabay Idaacada Maandeeq ee Dagmada Bele-xaawo iyadoo uu wararka uga soo tabin jiray magaalada Baardheere oo uu joogay wariye kaskeey, wuxuuna kamid noqday wariyaasha sida wayn looga yaqaanay Gobolka Gedo. Marxuum C/qaadir Mahad Macalin Kaskey waxa uu ahaa nin dhalin yaro ah sida sawikiisa kaaga muuqato oo si aad ah looga yaqaanay Demada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ah hakii uu ku soo barbaaray waxaana wariye C/qaadir Mahad Macalin Kaskey dabeecadiisa ay ku sheegeen dadkii yaqaanay qof fur furan oo bashash ah isaga oo had iyo goor jecaa horumarka kuna hanweynaa in uu door muuqda ka gaaro mihnada Saxaafada ee uu markaasi ku guda jiray. Wariye C/qadar Nuur Maxamed Filipiin oo kamid ah wariyaasha sida wayn u yaqaanay wariye kaskeey lana soo shaqeeyay ayaan wax kawadiiyay aqoonta uu u leeyahay isagona ahaa wariyihii ugu dambeeyay ee ay sida wayn saaxiibada u ahaayeen inta uu san dhiman ka hor waxaana uu iigu jawaabay sida tan “waxaan Dagmada Balad-Xaawo ka soo tagay August 6, 2007 waxaana tagay Dagmada Baardheere 8 Aug. 2007 waxaa uu ahaa shaqsiga iigu dhawaa dadka aanu saaxiibada nahay aad ayuu Dagmadaas iigu soo dhaweeyay intii aan Dagmadaasi ku sugnaana isaga ayaa wehel ii ahaa maalmo kadib oo ay taariikhdu tahay August 10, 2007 waxaa uu Cabdi Qaadir Kaskey galay safar dag dag ah oo uu ku aadayo Siminaar ka dhacayay magaaada Muqdisho oo dhanka Saxaafada ah, anigana malin ayaan ka danbeeyay kadib markii uu Kaskey Muqdisho u safray ayaan aniguna u kacay magaalada Kismaayo oo socdaalkaygii uu ku wajahnaa, nasiib daro taariikhdu markii ay ahayd August 11, 2007 aniga oo wali ku jira safarkaygii aan ugu socday Kismaayo, joogana Dagmada Jilib ee Goboka Jubbada dhexe ayaa waxaa subaxaas la dilay rag Saxaafada can ku ahaa oo ay ka mid ahayeen Mahad Axmed Cimi iyo Cali Iimaan Sharmaarke. Intaas kadib, waxaan sii watay safarkaygii maalmo kadib aniga oo jooga magaaada Kismaayo taariikhduna ay tahay August 24, 2007, goor subax hore ah waxaa isoo wacay wariye Maxamed Macalin Aadan oo ka howl gali jiray Idaacada Maandeeq ee Deg. Beled-Xaawo isla markaana ay Siminaarka isla qaadanayeen, waxaana uu ii sheegay isaga oo ooyaya in wariye Cabdiqaadir Kaskey lagu dilay Deegaanka Ceel Cilaan oo 30 KM u jirta Degmada Baardheere, waxaana gaari uu saarnaa marxuunka rasaas aan loo meel dayin ku furay koox maleeshiyo ah oo ay isbaaro u taalay afaafka hore ee tuuladaasi Ceel Cilaan, waxaana oran karaa bishaasi August 2007 waxay ahayd bil u madow saxaafada Soomaliya”, sidaana waxaa iigu sheekeeyay wariye Cabdi Qadar Nuur Maxamed Filipiin. Wariye C/qaadir Mahad Macalin Kaskey ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka loo yaqaano Ceel Cilaan oo 30KM u jirta magaalada Baardheere ee koofurta Gobolkla Gedo, halkaasi oo kooxo hubaysan ay rasaas ku fureen Gaari uu la socday isagoona safar kaga Soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaasi oo uu ugu soo gabagaboobay Siminaar dhanka Saxaafada ah. Allaha u naxariistee, wariye Kaskey oo aan intaasi lagu soo koobi Karin taariiqdiisa ayaa waxaa uu ahaa nin dhalin yarada siwayn ugu baraarujiyo mihnada saxaafada si Gobolka ay uga soo baxaan dhalinyaro ku xeeldheer saxaafada islamrkaana daboosha baahida saxaafadeed ee ka jirtay xilligaasi Gobolka Gedo. Inkastoo aanan halkaan lagu dhamayn Karin taariiqda uu leeyahay wariyaha ayaa hadana bishaasi August ee 2007 waxay ahayd tii ugu xumayd ee soo marta Saxaafada Soolaamiya iyadoona la dilay wariyaal fara badan oo magac ku lahaa guud ahaamba dalka Soomaaliya, dhamaana waxaan leenahay "Naxariistii Janno Allaha ka waaraabiyo dhamaantood, gaar ahaana wariye Kaskey waxaan u diraynaa tacsi tiiraanyo leh qoskii iyo qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday, waxaana si gooni ah ugu dirayaa dhamaanba bahda ku midaysan Ururka Jubbaland Independent Journalist Association (JIJA.)"
Maxamed Cibaar Diiriye
Allgedo News Media
Network
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|