|
(Allgedo News -
July
12, 2007)
- Taariikhdu
markay ahayd July 8, 2007 waxaa
ka dhacay Qolka shirarka ee
Jaamacadda SOAS ee bartamaha
magaalada London kulan si weyn
loosoo aagaasimay, kulankaas oo
ku saabsanaa ka qeyb-qaadashada
hirgalinta mashruuca jaamacadda
(University
of Gedo) oo lagu wado in
laga hirgaliyo magaalada
Baardheere ee gobolka Gedo.
Kulanku waxaa uu bilowdey 3:15
saacadda London, waxaana kasoo
qeybgalay kulankan dad lagu
qiyaasay labo boqol illaa saddex
boqol inta u dhaxaysa oo ka kala
yimid magaaloyinka kala duwan ee
dalkan Ingriiska sidoo kale
waxaa kulanka goobjoog ka ahaa
marti sharaf lagu martiqaadey
inay kulanka khudbooyin iyo
muxaadarooyin ka jeediyaan oo ka
yimid wadamo ka mid ah Yurub iyo
waqooyiga Ameerika.
Waxaana kulanka hagayey C/shakuur
Cali Mire oo ka mid ah guddiga
hirgalinta jaamacadda Gedo ee
dalka Ingriiska, C/shakuur ayaa
u sharaxay markii uu hadalka
furay kasoo qeybgalayaashii
kulanka ujeeddada shirka iyo
habka kulanku u dhici doona,
sidoo kale waxaa uu tilmaamey
inuu shirkaani uu ku kooban
yahay ujeedadii looqabtay
kulanka oo ahayd sidii dhaqaalo
loogu heli-lahaa mashruucan
jaamacadda isogoo kazoo
qeybgalayaasha ku booriyey inaan
looga hadli Karin kulanka siyaasad
iyo wixii la mid ah.
Ahmed Sheekh
Xuseen
oo ka mid ah gudigii soo
qaban-qaabiyey kulanka
jaamacadda ayaa waxaa uu asaguna
jeediyey hadal kooban asagoo ku
hadlayey magaca gudiga ayuu
mahad ballaaran ujeediyey
dhamaan dadkii waqtigoodu kusoo
bixiyey inay kasoo qeyb-galaan
kulanka iyo marti sharaftii
aq-bashay kuna timid
martiqaadkii ay u fidiyeen
gudiga qaban-qaabadu wuxuuna si
rasmi ah u furay asagoo ka
wakiil ahaa gudiga qaban-qabaada
hawlihii kulanka.
Waxaa la jeediyey cudurdaar
uu soo gudbiyey Dr Maxamed Adan
Sheekh oo asagu sheegay arrimo
gaar ah oo u suurta galin waayey
inuu helo fursad uu uga soo
qeyb-galo shirka, waxaana
qorsheysanayd inuu muxaadaro ka
jeediyo kulanka waxaa kale oo
kasoo qeyb-galayaasha loo
gudbiyey salaan uu u soo
gudbiyey kulanka sidoo kale
shaqsiyaad kale oo ay ahayd inay
kulanka yimaadaan oo soo
gudbiyey cudurdaar ayaa ayagana
goobta laga sheegay
cudurdaarkoodii..
Waxaa markaas ka
dib la guda galay hawlihii
kulanka waxaana lagu bilaabay
war bixin loogu talagalay in
kasoo qeyb-galayaasha sawir
buuxa looga siiyo mashruucan
Gedo University waxaana (Presentation)
war-bixin dhameystiran ka
jeediyey kulanka Cabdi Xayi
Cusmaan Garaad, war-bixintii
Cabdi Xayi oo ahayd war bixi
tifaftiran dhinac kastana
taabanaysay waxaa ay kasoo
qeyb-galayaashiii u suurta
galisay inay si buuxda u fahmaan
mashruucan, sababtoo ah war
bixinta waxaa ay ka hadlaysay,
arrimaha ay ka mid yihiin
ujeedada laga leeyahay
aas-aasidda jaamacadan,
dhaqaalaha la doonayo in lagu
hirgaliyo iyo qaabka loo heli
karo, heerka iyo tirada
iskuulada wax barasho ee ka
jira gobolka gedo, qey-baha
dhismaha jaamacada gedo, sida
loo maamuli doono iyo meelaha ay
ku kala bixi doonaan dhaqaalaha
lagu hirgalinayo mashruucan iyo
guud ahaan wax kasta oo la
xiriiray mashruucan oo ay u
baahannayeen dad-weynihii kasoo
qeybgalay inay ogaadaan, sababtoo
ah gudiga qabanqaabadu horey
ayey uga doodeen saameynta ay
dadka ku yeelan karto war bixin
dhamaystiran oo ku saabsan
mashruucan si loo dabaalo
su`aalo badan oo ay is waydiin
lahaayeen dadka aan ku
hawlanayey mashruucan.
War bixintaas dheer ka dib waxaa
laguda galay soo jeedinta
khudoobinyakii iyo
muxaadarooyinkii ay kusoo
talagaleen marti sharaftii
kulanka martida u ahaa waxaana
muxaadaradii ugu horeysay
jeediyey Prof: Warsame Xasan
Cali
Prof: Warsame
oo ah macalin wax ka dhiga
jaamacad lagu magacaabo
Praive
Veiw A&M University
oo ku taal State-ka Taxes ee
dalka marayakanka waxaa uu ka
jaadiyey kulanka muxaadaro aad u
qiimo badan ayna aad ugu
riyaaqeen kasoo qeybgalayaashii,
ciwaanaka muxaadarada Prof:
Warsame ayaa ahayd (The
role of Diasporas) ama
kaalinta qurbo joogta.
Prof: Waxaa uu aad ugu dheeradey
baahida loo qabo hirgalinta
mashruucaan iyo kaalinta ay ka
ciyaari karaan dadka qurbo
joogta ah asagoo sifican u
sharaxay hababka ugu haboon ee
ay dadka qurbo joogta ah uga
qeybqaadan karaan.
Prof: Warsame ayaa waxaa ay
muxaadaradiisii ahayd mid ka
jawaabayasay su`aalu iyo arrimo
badan oo ay dadka qaarkiis
iswaydiinayeen ugu dambeyntiina
khubadii uu jeediyey waxay ahayd
mid dadkii kasoo qeybgalay ku
dhiira galisay inay kaalin wax
ku ool ah ka qaataan
mashruucaan.
Dr C/risaaq Takar
waxaa uu ahaa aqoonyahankii
labaad ee muxaadaro ka jeediya
shirka wuxuuna ka mid ahaa
aqoonyananadii waqtigooda
qaaliga ah usoo hurey inay ka
qeybgalaan kulanka jaamacada,
wuxuuna ahaa mowdiicii uu ka
hadlayey sida ay
Diintu
u amaanto ka
qeyb-qaadashada arrimaha lagu
hormarinayo bulshada Muslimka ah
iyo sida uu illaahay badal
wanaagsan u siinaya qofkii
waqtigiisa iyo hantiidiisaba uga
qeyb-qaata arrimaha wax
barashada ummada iyo wixii la
mid ah.
Runtii waxaa la dhihi karaa
wacdigii uu jeediyey Dr C/risaq
Takar waxaa uu ahaa midkii
suurta galiyey ujeedadii loo
qabtay kulanka wuxuuna Dr C/risaaq
si xamaasad iyo tartan ku jiro
dadkii kasoo qeybgalay kulanka
ugu tartansiiyey inay kukala
hormaraan sadaqada iyo yaboohii
loosamaynayey jaamacadda taas oo
suurta galisay in la helo
ballanqaad lacagtii la filayey
mid ka badan.
Waxa sidoo kale Dr C/risaaq
Takar kala qeyb-qaatay yaboohii
loosameynayey Jaamacadda C/wali
Sheekh Maxamed Aw-Maxamud oo
kaalin firfircoon ka qaatay
dhiiri galintii dadka, asagoo
mararka qaar dadkii kasoo
qeybgalay kulanka u dusinayey
kaftan dhiiri galin ah.
Markii uu
dhamaadey yaboohii iyo isdiiwaan
galintii dadkii lacagaha ku
yaboohay ayna gudigii farsamadu
soo afjareen diiwaan galinta iyo
aruurinta warqadihii lagu
qoreyey tabaruca, waxaa la
joojiyey shirkii sidii
qorsheysnayd-ba waxaana dadkii
oo dhan u dareereen
Salaadii
casar iyo sanasho, hase ahaayee
markii laga soo laabtay salaadii
iyo nasashadii koobnayd, ayna
dadkii soo qaxweeyeen waxaa
la`iskugu soo laabtay kulankii
halkaasi waxaa laga sii amba
qaadey kulankii.
Salaadii
Casar kadib Maryan Faarax Gooje
oo ay ahayd inay jeediso
muxaadaro ciwaankeedo u ahaa
(Role of
women in educating society)
kaalinta ay haweenku ka qaadan
karaan wax barashada bulshada
ayaa ka cudur daaratay inay
jeediso warqadii lafilayey inay
shirka ka aqriso waxaana loo
gudbey qofkii xiggey.
Dr Bashiir Nuur
Xasan
(Looyaan) waxaa uu ka mid ahaa
midka mid ah marti sharaftii ay
gudiga qaban-qaabadu ku
martiqaadeen kulanka wuxuuna ka
jeediyey kulanka muxaadaro
ciwaankeedu ahaa
(Higher
Education)
ama Tacliinta
Sare.
Dr Bashiir wuxuu soo bandhigay
war bixin iyo falanqeyn guud oo
la xiriirtay wax-barashada
Soomaaliya iyo heerarka ay kala
yihiin gobolada Soomaaliya,
waxaa uu si gaar ah u
faahfaahiyey wax-barashada sare
iyo inta jaamacadood ee ka jira
Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu
muxaadaradiisa si guud ugu
sharaxay, xaaladda dhaqaale,
caafimaad, wax barsaho, iyo
horumar ee ka jirta dalka
Soomaaliya wuxuuna cuskadey war
bixinihii ugu dambeeyey ee
sameeyeen hay`addaha caalamiga
ah sida UN iyo kuwo la mid ah.
Dr waxaa uu amaan gaar ah u soo
jeediyey goboloda waqooyi
galbeed iyo waqooyo bari ee
dadka qaarkiis u yaqaanaan
Puntland iyo Somaliland wuxuuna
gobolada kale ee Soomaaliya ku
booriyey inay ku daydaan asagoo
asal uga dhigay horumarka ay
gaareen goboladaasi xasiloonida
ka jirta, wuxuu si gaar ah isku
barbar dhigay deegamadaas iyo
gobolka Gedo marka la eego
tilmaamihii ku cadaa warbixintii
u soo bandhigayna waxay ahayd
mid naxdin iyo amakaag ku
abuurtay daka kasoo jeeda
gobolkaas.
Dr Bashiir waxa
uu warbixintii kusoo
gabagabeeyey sida ugu haboon ee
looga qeyb qaadan karo
hirgalinta mashruucaan, asagoo
sheegay inay dhankooda, hadey
yihiin jaaliyadda reer waqooyiga
America ay dardargalindoonaan
mashruucaan inkastoo ay horey u
bilaabeen.
Waxaa ayaguna xusid mudan
kaalintii ay kulankii Jaamacada
Gedo ka qaateen Cabdullaahi
Bootaan iyo Dr Martin Orwin oo
ah labo xubnood oo suuganyahano
ah Cabdullahi Bootaan waa gabyaa
ama abwaan Soomaaliyeed London-na
aad looga yaqaan intabadana ka
gabya ama suugaantiisa la abaara
arrimaha bulshada iyo
dhibaatooyinka ummadda haysta.
Dr Martin Orwin
waa nin Ingriis ah macalina ka
ah Jaamacadda SOAS wuxuuna
dhigaa Afafka Soomaaliga iyo
Amxaariga, waana aqoonyahan caan
ka dhex ah bulshada Soomaaliyeed
ee London gaar ahaan bahda
suugaanta ayaa aad u taqaan,
waxayna labaduba kulankii
Jaamacadda Gedo ay uga
qeybqaateen
(Suugaan)
la xiriirta aqoonta iyo qiimaha
wax barashada waxayna
suugantoodii kicisay kasoo
qeybgalayaashii waxayna ahayd
suugaan tilmaan fiican ka
bixinaysay wanaaga aqoonta,
ayagoo ku dhiiri galiyey dadkii
kasoo qeybgalay kulanka inaan
loo kala harin ka
qeyb-qaadashada hirgalinta
jaamacada Gedo.
Prof: Cabdullaahi
Qodabeey Maax
iyo Prof: Cali Garoowe (oo
labaduba barayaal ka ahaa
jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed)
ayaa waxay si wada jir ah
ujeediyeen ciwaan loogu magac
daray
(Relationship
between
ignorance and engaging in civil
war)
ama xiriirka
jaahilnimada iyo dagaalka
Sokeeye, muxaadardoodo waxay
ahayd mid si qoto dheer diirada
loogu saaray sida ay
jaahilnimada iyo aqoon la`aantu
qeyb lixaad leh uga qaadataan
dagaalada sokeeye, waxay
tusaalooyin muuq-muuqda u soo
qaateen in dhalinta loo
adeegsado dagaalada sokeeye iyo
wax-yeelanyta bulshada ay yihiin
dhalintii ka dhacdey wadadii wax
barashada ama dhalintii aan
fusradda wax barsho helin.
Waxay sabab weyn uga dhigaan
arrimahaas burburkii dowladii
Soomaaliyeed iyo kibixidii ay
meesha ka baxaan dhamaan
hay`addihii ka shaqeyn jiray
wax-barashada iyo aqoonta, shaqo
la`aanta oo ka mid ah sababaha
dagaalada sokeeye ayey sabab
uga dhigeen in shaqo la`aanta
lafteeda ay sabab u tahay aqoon
la`aan.
Guud ahaan khudbadii iyo
muxaadaradii ay soojeediyeen
Prof: Maax iyo Prof: Cali Garowe
ayaa waxay ahaayeen kuwo kasoo
qeyb-galayaasha sawir buuuxa
kasiiyey in haddii aqoonta la
badiyo lq yareyn karo ka
qeyb-qaadashada dagaalada
Sokaaye.
Gudiga qaban-qaabadu waxaa ay
kalmad sharaf odeytino ah
siiyeen C/qaadir Xaaji Maxamed
oo hadal kooban oo waano iyo
dhiira galin ah ka jeediyey
kulankii, asagoo ugu baaqey
dadkii kasoo qeybgalay kulanka
inaysan ka daalin ka
qeyb-qaadashada mashruucaan.
Waxaa xusid mudan in gabar
yar oo soomaaliyeed oo ka mid ah
gabdhaha da yarta ah ee ku korey
dalal ka reer galbeedka ay ka
jeedisay kulanka khudab kooban
oo ay kusoo qoratay afka
Ingriiska ayna kusoo gudbisay
dareenkeeda, kasoo
qeybgalayaashii ayadoo ay
gabadhaasi yar oo lagu magacaabo
Kaaho Cabdullahi Shirwac uu ka
muuqdey dareenkeeda iyo
faraxeeda ku aadan inay fursad u
hesho kulan looga hadlayo
dal-keedii, inkastoo laga yaabo
inaysan dalkaas arag laakiin ay
ku taamayso inuu noqdo mid la
mid ah dalalka dunida ka jira.
Waxaa lasoo gaaray waqtigii
la sheegi lahaa natiijadii
shirka iyo ujeedadii loo
sameeyey kulanka oo ahayd in
dhaqaalo loo aruuriyo jaamacadda
Gedo waxaana jeediyey lacagtii
lagu yaboohay iyo guud ahaan
tirade ay noqotay-ba C/casiis
Maxamed Shire oo ka mid ah
guddigii soo qabanqaabiyey
kulankaan mudadana kasoo
shaqeynayey qabsoomida
kulankaan.
C/casiis waxaa uu
ku dhawaaqey in guud ahaan
lacagta lagu yaboohay ay tahay
$ 179,670,
waxaa uuna cabdicasiis sheegay
in lacagta la yaboohay ay tahay
celcelis 12%
guud ahaan lacagtii loo doonayey
in lagu hirgaliyo mashruucan,
wuxuuna u sheegay ka
sooqeybgalayaashii haddii ay
kasoo baxaan ballanka ay qaadeen
inay taasi macanaheedu tahay in
guud ahaan mashruuca oo dhan
lagu hirgalin karo qiyaastii 6
ama toddoba kulan oo la mid ah
midkaas SOAS ka dhacay, wuxuuna
ku waaniyey walaalihii wax
ballan qaadey inay ballankooda
kasoo baxaan.
Aamino Cali
Carkow
oo ka mid ahayd gudigii soo
qabanqaabiyey kulanka jaamacada
Gedo ayaa ugu damebeyntii soo
gebogabaysay kulanka waxay
Aamino Mahad ballaaran u
jeedisay dhammaan dadkii aan
martiqaadka u dirney ee naga
aqbalay waqtigoodana usoo hurey
waxayna si guud ugu mahad naqdey
kasoo qeybgalayaashii kulanka oo
dhan.
Aamino waxaa ay
sidoo kale mahad gaar ah
ujeediysay mulkiilayaasha
Maqaayada
Blue Ocean iyo Imaan
oo ay gudiga qabanqaabadu
mudadii ay wadeen diyaarinta
kulankaan ay ku shiri jireen
waxayna kala yihiin labadas
mulkiile Boqor C/casiis iyo
Cabdullahi Garoon.
Guud ahaan sidaas
ayey Aamino kusoo gebogebaysay
kulankkii markaas kadibna waxaa
la guda galay
Workshop-kii
loogu talagalay inay dad koobani
ka qeyb-qaataan si ay
arragtidooda uga dhiibtaan sida
ugu haboon ee lagu hirgalin karo
mashruucaan.
Waxaa ka qeybgalay Workshop-yada
shan koooxood oo ay kala
hogaaminayeen Prof: Warsame , Dr
Bashiir, C/casis Shire, Prof:
Maax, Prof: Cali Garowe, koox
walba waxaa ay fariisatay meel
loo qorsheeyey waxayna bilaabeen
doodi ku aadanayd sida ugu
haboon ee lagu hirgalin karo
mashruucan waxayna qaateen waqti
ku dhaw kontan daqiiqo.
Waqtigii loogu talagalay markuu
dhamaadey waxaa la`iskugu soo
laabaty shirkii waxaana ay koox
walba jeedisay talooyinkii ka
dhashay doodii ay yeesheen,
dhamaan kooxihii doodey waxa soo
jeediyeen talooyin wax ku ool ah
dhamaantoodna wax u taraya
hirgalinta mashruucan, waxaana
talooyinkii oo qoran lagu
wareejiyey Cabdicasiis Shire oo
ka mid ahaa gudiga qabanqaabada
waxayan gudigu ballanqaadeen
inay dhamaan talooyinka
iskudubaridi doonaan
kanasoosaari doonaan hal qoraan
ayadoo talooyinkaasina ay ka mid
noqoda tillaabooyinka la qaadayo
waqtiyada soosocda
Halkaasna waxaa kusoo
gebogebooye kulankii Jaamacadda
Gedo ayadoo kulankaasi u dhacay
sidii loogu talagalay.
Illaahay Baa Mahad Leh.
9/07/07
London, UK.
Guddiga qaban-qaabada
Kulankii Jaamacadda Gedo.
Abdi Ali
shakuur111@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|