WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, December 30, 2007

Gudoomiyaha Gobolka Gedo - Mudane Aadan Ibraahin Aw-Xirsi (Cirro) oo xalay Garbahaarey soo gaaray iyo Sheikh Max’ed Wali Sheikh Axmed Nuur oo horay
looga saaray Garbahaarey oo saakay dib ugu soo laabtay
 
Guddoomiyaha Gobolka Gedo - Mudane Aadan Ibraahin Aw-Xirsi (Cirro)

Garbahaarey, Somalia (AOL) - Waxaa xalay soo gaaray magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey Gudoomiyaha Gobolka Gedo - Mudane Aadan Ibraahin Aw-Xirsi (Cirro) oo ka soo kicitimay magaalada Luuq ee isla Gobolka Gedo.

Imaanshaha Cirro kaddib ayaa waxaa saakay soo galay magaalada Garbahaarey Sheikh Max’ed Wali Sheikh. Axmed-Nuur oo ka mid ahaa kooxda Asmaro horayna looga saaray magaalada G/haarey bartamihii Bishan aanu ku guda jirno.

Sheikh Max’ed Wali oo saakay aroortii hore soo gaaray Caasimada Gobolka ayaa waxay isku meel ka wada shaaheen Mr. Cirro, waxayna taa ku dhalisay dadka Reer G/haarey cabsi ku aadan dhinaca Amniga, waxaana saakay shir dag dag ah isugu yimid Muumulka G/haarey iyo Odayaasha dhaqanka Beesha SADE, waxaana saakay shirkii la isugu yimid la isku af gartay in Maxamed Wali laga codsado in uu magaalada isaga baxo.

Gudoomiye Aw-Xirsi iyo Maxamed Wali ayaa hada dagan labo Guri oo iska soo hor jeeda oo isu jiro wax kayar 10 mitir oo kaliya, waxaana fool ka fool ay isaga soo hor jeeda Ilaalada Cirro iyo kuwa Maxamed Wali, lamana garanayo waxa ka dhalan karo arinkani waloow ay awal horay isugu kacsanaayeen booliska degmada Garbahaarey iyo Maxamed Wali.



Wali Sheikh Cabdi
G/harey, Somalia.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com