SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, News, July 20, 2007

Ma Qaxootinimadii baad Qayilaad ku darsatay?!!

Qaadku (Jaadku) waa Geed-gaab laga ruugo caleemaha yar-yar ee fiidda hore ah, dhowaan soo baxana ah, lagana muutsado (dhuuqo) oo la liqo dheecaanka, si loogu marqaamo. Arrinkaas, waxay Soomaalidu tiraahdaa "Qayilaad", Carabtuna waxay dhahdaa "Takhziinah".

Erayga "Qayilaad" wuxuu ka soo jeedaa kalmadda carabiga ah ee "Qayluulah", oo marka la soo koobo loola jeedo "Hargalmaad", ama ka fariisiga kulaylka qorraxda duhurnimo ama qaddar yar la seexdo oo la indha-guduudsado, waana waqtiga badanaa loo fariisto Qaad-ruugidda(Qayilaad). "Takhziina" waxay carabtu ula jeeddaa "Keydin" caleenta Qaadka lagu keydiyo oo laga buuxiyo Canka sida Makhaasiinka, micnaha "Khazin" waa "Keydi".

Soomaalida qaarkeed, ruuxa saacadahaas duhurnimada ah soc-socda waddooyinka, waa dhibsadaan oo waxay ku yiraahdaan;"...Waar ka fariiso magaalada..!!", micnaha qayil, xitaa ruuxa saacadahaas is-daba-meeraysanaya, waxay u fahmaan in uu fara-maran yahay oo uusan Qaad gadan karin, waxayna ku caawiyaan iyagoo caleemaha qaadka wax ka siiya. Micnaha haddii sidaas loo qaato, erayga "qayil" ruux laguma dhihi karo goor habeen ah, laakin "khazin" goor kasta waa la dhihi karaa, hadii micnaha luqad ahaan loo fasiro, Somaliduse, maalin iyo habeenba waxay badanaa tiraahdaa "qayilaad".

Waxaa la sheegaa inuu magaca Qaad ka yimid kalmadda carabiga ah ee "Quut", kalmadda Jaadna ay ka timid kalmadda xabashiga ah ee "Di-jaad" oo la yiraahdo isla kalmadda hore ee "Quut" bay iyaduna ka timid.

Qoraa Carab ahaa oo lagu magacaabi jiray Al-Barduuni, iskuna hawli jiray inuu wax badan ka ogaado Mukhaadaraadka baa wuxuu sheegay "inuu qaadku asalkiisii hore ka yimid Terkistaan, dawo ahaanna loogu isticmaali jiray cudurrada beerka iyo dhiigga. Xogag badan oo taariikheedna waxay sheegaysaa ;In casriyadii 1aad iyo dhexe loogu adeegsan jiray Qaadka arrimaha daweynta, marti-gelinta, fir-fircooni-gelinta dadka iwm.

Meeshii ugu horraysay ee Qaad lagu arko, ilaa hadda la is kuma raacsana, doodina way ka taagan tahay, waxaana badanaa loo maleeyaa, dalalka Ethiopia iyo Yemen midkood inuu asalkii jaadka yahay, waxaana labadaas dalba aad uga baxa geedka Bunka ah oo la mataan ah Jaadka, marka laga eego dhinacyada ay isaga midka yihiin, sida; cimilada iyo ciidda ay ka wada baxaan iyo astaamaha isku-ekaansho ee labada geed(Bunka iyo Jaadka).

Taariikhyahanno badan waxay sheegeen ; Inay xabashidu Qaadka isticmaali jireen qarnigii 6aad, yamanna uu u soo gudbay isla qarnigaas oo ay Xabashidu xukumi jirtay Yaman. Taariikhyahanno kale, waxay sheegeen;; Inay reer Yaman qayili jireen laga soo bilaabo qarnigii 14aad. Dadka reer Yaman, waxay badanaa yiraahdaan ;" Xagga Xabashida ayuu jaadku nooga yimid". Halkaas waxaa laga fahmi karaa inuu Qaadku soo galay Soomaaliya, gaar ahaan dhanka galbeedka, ka-hor qarnigii 14aad, uuna kaga soo siqay dhanka Xabashida, ka-hor intuusan xagga Yaman u tallaabin.

Waaya-arag badan oo Soomaaliyeed waxay sheegaan ; " Inuu Qaadku ka yimid dhanka galbeedka , Magaalada Zeylac iyo hareeraheedana ka bixi jiray, Sheekh-Abaadirna uu haa ruuxii ugu horreeyay ee halkaas ku tallaalay qaadka". Waxay raggaasu badana kaga sheekeeyaan fadhiyada qayilaadda; "Inuu Sheekh-Abaadir yahay sheekhii Qaadka, waxayna badanaa yiraahdaan;"Qaadku waa quud awliyo".

Wuxuu taariikh-yahan la dhihi jiray "Afmagrib "(1364-1444) sheegay;" Inay reer Zeylac cuni jireen geed la yiraahdo "Qaad", wuxuuna ku tilmaamay inuu geedkaasu leeyahay caleemo cagaaran, mirana uusan lahayn, wuxuuna yiri; " Geedkaasu fekerka ayuu dar-dar geliyaa, hurdaduna wuu yareeyaa".

Inkastoo Qaadku leeyahay taariikh dheer, haddana waxaa la og-yahay in isticmaalkiisu dalka Soomaaliya gudihiisa uu ku soo fiday dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo bilowgii kii 20aad, isagoo ku soo galay qaab daweyn, mid diineed iyo mid faan iyo xushmadaynba, wejiyadaas saddexda ahna waxaa markii dambe ku soo hoos duggaalay (gabbaday) wejiyo kale oo qaarkood anshax-xumo ah. Wuxuu xagga Soomaaliya si fiican ugu soo luga-fidsaday jaadku dagaalkii 2aad ee dunida ka dib, markaas oo ay gaadiidka iyo isgaarsiintuba lixaadsadeen, isu-socodka dadkana batay oo sahlanaaday...


Waa socotaa.....WQ:- Muxyaddiin M. Kaalmoy

kalmoi@hotmail.com



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com