|
|
Allgedo, News, July
20, 2007
|
|
Ma Qaxootinimadii baad Qayilaad
ku darsatay?!! |
Qaadku (Jaadku) waa Geed-gaab
laga ruugo caleemaha yar-yar ee
fiidda hore ah, dhowaan soo
baxana ah, lagana muutsado
(dhuuqo) oo la liqo dheecaanka,
si loogu marqaamo. Arrinkaas,
waxay Soomaalidu tiraahdaa "Qayilaad",
Carabtuna waxay dhahdaa "Takhziinah".
Erayga "Qayilaad" wuxuu ka soo
jeedaa kalmadda carabiga ah ee "Qayluulah",
oo marka la soo koobo loola
jeedo "Hargalmaad", ama ka
fariisiga kulaylka qorraxda
duhurnimo ama qaddar yar la
seexdo oo la indha-guduudsado,
waana waqtiga badanaa loo
fariisto Qaad-ruugidda(Qayilaad).
"Takhziina" waxay carabtu ula
jeeddaa "Keydin" caleenta Qaadka
lagu keydiyo oo laga buuxiyo
Canka sida Makhaasiinka, micnaha
"Khazin" waa "Keydi".
Soomaalida qaarkeed, ruuxa
saacadahaas duhurnimada ah soc-socda
waddooyinka, waa dhibsadaan oo
waxay ku yiraahdaan;"...Waar ka
fariiso magaalada..!!", micnaha
qayil, xitaa ruuxa saacadahaas
is-daba-meeraysanaya, waxay u
fahmaan in uu fara-maran yahay
oo uusan Qaad gadan karin,
waxayna ku caawiyaan iyagoo
caleemaha qaadka wax ka siiya.
Micnaha haddii sidaas loo qaato,
erayga "qayil" ruux laguma dhihi
karo goor habeen ah, laakin "khazin"
goor kasta waa la dhihi karaa,
hadii micnaha luqad ahaan loo
fasiro, Somaliduse, maalin iyo
habeenba waxay badanaa tiraahdaa
"qayilaad".
Waxaa la sheegaa inuu magaca
Qaad ka yimid kalmadda carabiga
ah ee "Quut", kalmadda Jaadna ay
ka timid kalmadda xabashiga ah
ee "Di-jaad" oo la yiraahdo isla
kalmadda hore ee "Quut" bay
iyaduna ka timid.
Qoraa Carab ahaa oo lagu
magacaabi jiray Al-Barduuni,
iskuna hawli jiray inuu wax
badan ka ogaado Mukhaadaraadka
baa wuxuu sheegay "inuu qaadku
asalkiisii hore ka yimid
Terkistaan, dawo ahaanna loogu
isticmaali jiray cudurrada
beerka iyo dhiigga. Xogag badan
oo taariikheedna waxay
sheegaysaa ;In casriyadii 1aad
iyo dhexe loogu adeegsan jiray
Qaadka arrimaha daweynta,
marti-gelinta, fir-fircooni-gelinta
dadka iwm.
Meeshii ugu horraysay ee Qaad
lagu arko, ilaa hadda la is kuma
raacsana, doodina way ka taagan
tahay, waxaana badanaa loo
maleeyaa, dalalka Ethiopia iyo
Yemen midkood inuu asalkii
jaadka yahay, waxaana labadaas
dalba aad uga baxa geedka Bunka
ah oo la mataan ah Jaadka, marka
laga eego dhinacyada ay isaga
midka yihiin, sida; cimilada iyo
ciidda ay ka wada baxaan iyo
astaamaha isku-ekaansho ee
labada geed(Bunka iyo Jaadka).
Taariikhyahanno badan waxay
sheegeen ; Inay xabashidu Qaadka
isticmaali jireen qarnigii 6aad,
yamanna uu u soo gudbay isla
qarnigaas oo ay Xabashidu xukumi
jirtay Yaman. Taariikhyahanno
kale, waxay sheegeen;; Inay reer
Yaman qayili jireen laga soo
bilaabo qarnigii 14aad. Dadka
reer Yaman, waxay badanaa
yiraahdaan ;" Xagga Xabashida
ayuu jaadku nooga yimid".
Halkaas waxaa laga fahmi karaa
inuu Qaadku soo galay Soomaaliya,
gaar ahaan dhanka galbeedka, ka-hor
qarnigii 14aad, uuna kaga soo
siqay dhanka Xabashida, ka-hor
intuusan xagga Yaman u tallaabin.
Waaya-arag badan oo Soomaaliyeed
waxay sheegaan ; " Inuu Qaadku
ka yimid dhanka galbeedka ,
Magaalada Zeylac iyo
hareeraheedana ka bixi jiray,
Sheekh-Abaadirna uu haa ruuxii
ugu horreeyay ee halkaas ku
tallaalay qaadka". Waxay
raggaasu badana kaga sheekeeyaan
fadhiyada qayilaadda; "Inuu
Sheekh-Abaadir yahay sheekhii
Qaadka, waxayna badanaa
yiraahdaan;"Qaadku waa quud
awliyo".
Wuxuu taariikh-yahan la dhihi
jiray "Afmagrib "(1364-1444)
sheegay;" Inay reer Zeylac cuni
jireen geed la yiraahdo "Qaad",
wuxuuna ku tilmaamay inuu
geedkaasu leeyahay caleemo
cagaaran, mirana uusan lahayn,
wuxuuna yiri; " Geedkaasu
fekerka ayuu dar-dar geliyaa,
hurdaduna wuu yareeyaa".
Inkastoo Qaadku leeyahay
taariikh dheer, haddana waxaa la
og-yahay in isticmaalkiisu dalka
Soomaaliya gudihiisa uu ku soo
fiday dabayaaqadii qarnigii
19aad iyo bilowgii kii 20aad,
isagoo ku soo galay qaab daweyn,
mid diineed iyo mid faan iyo
xushmadaynba, wejiyadaas
saddexda ahna waxaa markii dambe
ku soo hoos duggaalay (gabbaday)
wejiyo kale oo qaarkood
anshax-xumo ah. Wuxuu xagga
Soomaaliya si fiican ugu soo
luga-fidsaday jaadku dagaalkii
2aad ee dunida ka dib, markaas
oo ay gaadiidka iyo
isgaarsiintuba lixaadsadeen,
isu-socodka dadkana batay oo
sahlanaaday...
Waa socotaa.....WQ:- Muxyaddiin
M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|